Gabadhu, Islaamka dhexdiisa waa bani’aadam e ma aha walax (WT: Hamze Mohamed Muuse)

Waxa aynu noolnahay amin adag fikir ahaan, halis badan fiqi ahaan, qummanayn manhaj ahaan. Waxa jira dugsiga reer Galbeedaynta oo isku dayaya in uu gabadha Muslimadda ah ka saaro diinteeda isaga oo ku gabbanaya halkudhegga ” halgan-dumareedka(Feminism)” Halgan-dumareedkaasina ma ah bani’aadamnnimo wax shaqo ku leh.
Waxa uu ku dhisaalan yahayba waa la dagaalanka ninka iyada oo la huwinayo magac dumar.
Waxa jira faham-dhaqameed Islaamka laga haysto oo isku daya in uu gabadha walax ahaan u adeegsado, iyada oo aan loola dhaqmayn bani’aadam leh xuquuq dhammaystiran; kana sugaysa jeexeeda ninku in uu u garto xuquuqdeeda, sidaa ajligeed waxa aynnu isku dayi doonnaa in aynnu daaha ka faydno muuqaalka dhabta ah ee gabadhu ku leedahay Islaamka dhexdiisa.
Suurad dhan ayaa magaceeda la yidhaahda ‘Suuradda haweenka(Al-Nisaa)’, Suurad kale oo la yidhaahdo Nisaada yar ayaa iyana jirta, sidoo kale waxa aynnu ku haynaa Qur’aanka Suuradda Maryam, sida aynnu u hayno Suuradda Nabi Ibraahim iyo Suuradda Nabi Yuusuf-Nabad-galyo korkooda ha ahaatee-.
Waxa jira halgan haweenku diinta u soo galeen, halka la helayo rag diinta u soo kifaaxay. Waxa aynnu haynaa Maryam -Nabi Ciise hooyadii- oo ku suntan astaanta dhowrsanaanta, Nabi Muuse hooyadii oo ka mid ah marwooyinka Naf-hurnnimada diineed muujiyay iyo ooridii Fircoon ee ku gacansayrtay Xad-gudubka Fircown ee garab istaagtay ergaygii Alle ee Nabi Muuse. Waxa ay Alle ka ka bariday in uu guri jannada uga dhiso, kana badbaadiyo Fircown iyo waxqabadkiisa xun.
Halkaa waxa aynnu ka aragnaa haweenka oo ka barbar halgamaya jeexooda ragga.
Gabadhu waxyiga Samaawiga ah ee u dambeeyay waxa uu ula hadlay tabta ninka oo kale, asal ahaanna waxyigu waxa uu ku jihaysan yahay oo uu la hadlaa labada jinsi marka wax yar laga soo reebo, laga bilaabo markii la sugay milgaha iyo sharafka basharku mudan yihiin idilkood, yagleelka qoyska Muslimka ah, galidda heshiisyada, wada-dhaqanka iyo dhisidda dawladdaba.
Sidaasi darteed ayaa ay fuqahadu hoosta uga xarriiqeen in asal ahaan waxyigu si siman ula wada hadlo labada jinsi-rag iyo dumar- waxyaabaha loo kala duwana waxa ay farac ka tahay uun asalkaas kor ku xusan, sidaas ajligeed ayaa Islaamku u dejiyay saddex xeer oo arrintan khuseeya:
Xeerka koobaad: sinnaanshaha ragga iyo dumarka ayaa asal ah, wixii laga soo reebaana waxa ay u baahan yihiin daliil sugan oo si qayaxan wax u sheegaya. Waxa uu tilmaamay Ibn Rushdi in asalka xeerarka diinta ay u siman yihiin ragga iyo dumarku ilaa la helo daliil sugan oo kala soocaya. Arrintan waxa sii caddeeyay Ibn Qayim oo yidhi: “Xeerarka diinta ee la xuso lab kaliya ee aanay ku lammaanayn erayo tusinaya dheddig waxa loola jeedaa rag iyo dumarba.”
Xeerka labaad: xidhiidhka ragga iyo dumar ka dhexeeyaa waa is-dhammaystirid e ma aha loollan. Waxyiga Samaawiga ah ee u dambeeyay waxa uu sugay sinnaanshaha xuquuqeed ee ragga iyo dumarka, waxaanuu qiray kala duwanaanshaha abuur, jidheed iyo nafsadeed ee u dhexeeya ragga iyo dumarka, se taa macnaheedu ma aha in haweenku taagdarran yihiin, ragguna awood badan yihiin.
Xaqiiqadu waxa ay tahay in Alle u jirsiiyay kala geddisnaantaa xikmad cad, yool shareecadu leedahay iyo himilo nololeed. Gabadhu waa jeexa ninka, halka ninkuna yahay jeexa kale ee gabadha. Labadaa jeex oo la isku daro ayay nolosho ku dhammaystirantaa, loollanna kama dhexeeyo: “Haweenku waa jeexa ragga.”
Xeerka saddexaad: gabadhu kuma sugna diinta iyo dhaqanka saygeeda, amaba mad-habka odaygeeda sida dad badani ku hadaaqaan iyaga oo leh gabadhu waa tamar-darran tahay oo iskeed arrimaha u gaarka ah uma maamulan karto iska daa in ay dadka kale hawllahooda ka soo dhalaashee.
Waxa aanu leennahay gabadhu iyada ayaa ayaaheeda ka talin karta, gacmaheeda ayaanay ku jirtaa. Sida ninka oo kale ayaa ay nafteeda mas’uul ka tahay, arrimaha guriga wixii kaga aaddan dhankeeda ayaa ay dhabarka u ridanaysaa iyada oo la jirta ninkeeda. Waa ay u madax bannaan tahay hantideeda, iyada ayaanu xil ka saaran yahay masiirkeeda aakhiro: “Qofka suubiya waxqabadsan isaga oo muumin ah rag iyo haween kii doonaa ha la yimaaddee, kuwaasi waxa ay galayaan Jannada iyada oo aan inta ugu yar la dulmiyayn.” Suuratu Al-nisaa.
Dhibtu ma aha diinta iyo dumarka toona, se mushkiladdu waxa ay ka taaggan tahay laba aragtiyood oo liddi isku ah oo ummadda dhex socda. Waxa jirta aragti galbeedaysan oo ku baaqda in ragga iyo dumarku isku mid yihiin se aan ku baaqayn sinnaansho; waxa kale oo jirta aragti dhaqameed ku baaqda in meesha laga saaro kaalintii dumarku nolosha ku lahaayeen, waxaana saameeyay duulkan dib-u-dhaca fikradeed, urureed, aqooneed iyo fadhiidnnimad Fiqi ee dunida Muslimka ka jirta.
Islaamka nusuustiisa diineed waxa ku cad in ragga iyo haweenku u siman yihiin xuquuqda iyo waajibaadkaba, se marnaba ragga iyo haweenka isku mid kama uu dhigin, waayo in isku mid laga dhigo ragga iyo haweenku waa iska indho-tiridda kala duwanaanshaha abuureed ee ragga iyo dumarka u dhexeeya.
In kaalinta dumarka meesha laga saaraana waa dagaal lagu baaqay oo lagu qaadayo sinnaanshaha xuquuqeed ee labada jinsi.
Marka aynnu u fiirfiirsanno nusuusta Qur’aanka waxa aynnu arkaynaa gabadh Muslimad ah oo ninka barbar socota, muran dhexdooda kama aloosna, loollan labada jinsi ku dhexmara Fiqiga Islaamka ah ee saxda ahina ma jiro.
Sunnada waxa aynnu ka helaynaa Axaadiis la cawarayo, taas oo ka dhalatay dib-u-dhaca fikir ee gobolka ka jira, kana fog soo bandhigidda Islaamka u taaggan u gargaaridda arrimaha haweenka.
Waxa aynnu Bukhaari , Muslim iyo kutubta kale ee Axaadiista ka helaynaa haween ka dalbanaya Suubanha hoggaamiyaha ah-Naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee- korodhsi aqooneed iyo faham ay diinta u yeeshaan iyada oo ka turjumaysa xaq xuquuqdooda ka mid ah, waana aqbalayaa Nabigu codsigooda.
Waxa aynnu ka helaynaa kutubtaas Saynab Bint Jaxash oo gacanteeda ku shaqaysanaysa, wixii ay heshana sadaqaysata. Afadii Cabdillaahi bin Mascuud oo gacanteeda ku shaqaysanaysa, sadaqada la baxaysa, kana biilisa saygeeda iyo Ummu Xaraam oo shahiidnnimo ka raadinaysa in ay la duusho col. Xafsa Bint Cumar oo Cumar saxaysa, marwooyin xuquuqdooda ka hadlaya marka ay joogto xulashada ninka ay nolosha la wadaagayaan, haween Saxaabiyado ah oo xuquuqdooda difaacanaya iyaga oo doodaya jeeroo hadalkooda Alle qaar ka mid ah dhagaystay kana soo dajiyay Waxyi la akhrinayo ilaa iyo Qiyaamaha.
Arrimahaas oo dhammi waxa ay ku xardhan yihiin kuna duuggan yihiin Waxyiga, waxaana ay nusuustaasi xoojinayaan in aanay gabadhu cawro ahayn, nijaasna ma aha, alaab lagu raaxaysto ma aha, walax iyo badeeco toona ma aha, se waa Insaan leh xuquuq dhammaystiran. Waxaana saaran waajibyo sida ninkaba loo saaray.
Sixidda fahannada gurracan
Waxaa jira Axaadiis sugan oo waxa ay ka hadlayaan caddahay loona macneeyo hab kalitalisnnimo oo labka uun u adeegaysa. Waxaa ka mid ah Axaadiistaas sugan, xadiiska odhanaya, “Noloshu waa wax yar oo lagu raaxaysto, wax lagu raaxaystana gabadha wanaagsan ayaa ugu fiican.”
Xadiiskan waxa ay dadka qaar ka qaateen in gabadhaba loo abuuray ninka oo kaliya, oo aan loo abuurin ba Cibaado sida ninka oo kale, amaba in aanay maamulka dhulka wax ku lahayn oo ninka oo kaliya ay kooto ugu xidhan tahay. Waxa ay ku doodaan in gabadha loo abuuray si ay ninka uga caawiso doorkiisa firfircoon ee ku aaddan hoggaaminta, taasina sax ma aha.
Sida saxda ahi waa in ninku yahay wax ay gabadhu ku raaxaysanayso, gabadhuna tahay wax ninku ku raaxaysanayo. Mid kasta oo iyaga ka mid ahi ka kale ayuu ku raaxaysanayaa. Raaxaysigu labka oo kaliya kuma koobna e waa wax basharku u siman yahay lab iyo dheddig ba.
Axaadiistaa waxa ka mid ah kuwa sheegaya in gabadha uun lagu fitnoobo oo aanay raggu wax ba fitnayn. Macnaynta jaadkan ahi iyana ma aha mid la jaanqaadaysa diinta saxda ah; waayo ninku gabadha ayuu fitnayn karaa oo dambi u horseedi karaa, iyaduna ninka ayay fitno ku noqon kartaa oo khatar dhaxalsiin kartaa; se gabadha awoodda Alle siiyay ee soo jiidashada badan darteed ayaa ay ku noqon kartaa mid fitnadeedu mudnaan gaar ah leedahay khatar badanina ku gaddaaman tahay.
Wadaraynta guud een wax dabrayaa jirin ayaa saxnnimada ka fog.
Waxaa jira nusuus kale oo tusaale ahaan ay ka mid tahay Aayadda Alle ku yidhi, “Ku nagaada guryihiina haweenoow.” Ayaaddan oo laga soo saaaro xeerar tilmaamaya in goobta dhabta ah ee gabadhu leedahay tahay Guriga oo aanay shaqo iyo shuqul toona ku lahayn in ay dibadda uga soo baxdo minankeeda duruuf keenta mooyaane ; iyana culimadu iskuma waafaqsana in sidan loo macneeyo. Waxa jira culimo qabta in xeerkani gaar uun ku ahaa haweenkii suubanaha-naxariis iyo nabad-galyo korkiisa ha ahaatee- qaab-dhaca Ayaadda ayaana laga fahmayaa in xukunku gaar ku ahaa dumarkii Nabiga.
Culimada qaar ayaa iska indho-tira khilaafka macnaynta ayaaddan ku jira, markaasay ka dhigaan xukun guud oo gabadh kasta qabanaya.
Nusuusta sida gurracan loo fahmay waxa ka mid ah xadiiska tilmaamaya ’Naaqisaatu caqlin wa diin’ Xadiiskan sugani waxa uu inooga baahan yahay in aynu si deggen isu-dul-taagno, dood deggen oo cilmiyaysanna ka yeelanno, isla jeerkaana aynnu macnaha erayada ku jiraa gudbinayaanna dhuganno, taana qormo gaar ah ayaynu ku eegi doonnaa.
Muslimiintu waxa ay xeerarka ku soo arooray arrimaha dumarka ku lafagureen hab digtoonaani ku lammaan tahay, waxa aanay u adeegsadeen xeerarkan in ay hooskeenaan cinwaanka guud ee loo yaqaanno, “Awdidda wadooyinka dambiga kugu ridi kara.” Sidaasi darteed waxa aynnu u baahannahay in aynnu dhisno Fiqi banni’aadmnnimo ka muuqato oo ka shidaal-qaadanaya waxyiga saxiixa ah iyo waaqica la nool yahay waxa uu qasbaayo.
Waxa jira afar heer oo la maro marka lala falgalayo nas-diineedka:
Marxaladda koobaadi waa “fahmiidda naska” Fahamkuna waa laba heer, kiisa koobaadi waa in la sugo oo la xaqiijiyo naska judhaba. Heerka labaad na waa in loo fahmo naska qaab aan keensanayn in la barabixiyo macnaha uu keensanayo marka loo fiiriyo afka uu ku qornaa iyo fahamkii salafka iyo sugnaansha dhaxalkan aqoon-diineedka ah.
Marxaladda labaadina waa fahmidda waaqica, waaqicuna ma aha mid kaliya, waxa jira waaqac uu nasku leeyahay; taas macnaheedu waa in uu lahaa sabab keentay naskani in uu soo fulo, haddii ay tahay nas xadiis ah amaba nas Qur’aan ah. Intaa waa in lagu sidko waaqican casriga ah ee la nool yahay hadda, waaqica lagu dul dajinayona naska waa in la fahmo.
Fahamka saddexaadna waa in Fiqi loo yeesho in lagu dul dajiyo naska waaqica la nool yahay, Fiqigaasina waa mid ay adag tahay in culimada casrigani fahmaan, waayo casri kastaaba mushkilado u gaar ah ayuu leeyahay, mushiladahaasna waa in xal looga raadiyo waxyiga.
Marxaladda u dambaysa ee ugu halista badanina waa dhaqangalinta naska iyo dabbaqiddiisa. Intaa waxa raacaa waa in la qiimeeyo habka loo macnaynayo naska, waayo marxaladahaas oo dhammi waa mid bashar leeyahay mana aha wax samada ka soo deggay, sidaasi darteed waxa suurtogal inoo noqonaya in aynnu dib-u-eegis ku samaynno Fiqi hore loo dajiyay iyo dhaxal basharku leeyahay oo hore loo meelmariyay si aynnu wax u toosinno una saxartirno.
Waxaanu ku baaqaynaa in dib loo eego doorka ay gabadhu ku leedahay dunida Muslimka. Xaq uma laha dadka qaar in ay iska indho-tiraan doorka Waxyigu ku leeyahay in labada jinsi u sinnaadaan xuquuqda. Kuwa gabadha doorkeeda meesha ka saara iyaga oo ku gabbanaya gabadhaa la ilaalinayaa oo la dhowrayaa sidii oo ay tahay ilmo yar oo gaadh laga hayo oon bani’aadan ahaan loo eegin iyana sax ma aha.
Gabadha Muslimadda ahi wakhtigii Nabinnimada waxa ay ka qayb-qaadatay dagaallo, waxaanay ahayd baaqe-diineed. Waa ay kifaaxday marka la fiiriyo facii hore noloshooda. Waxa ay ahayd qofkii u horreeyey ee xaqa barbar istaaga, ciddii u horraysay ee xaqa dartii ku nafwaydaana iyada ayay ahayd.
Maynu maqlin asxaabta mid ka mid ah oo xuquuqdeeda duudsinaya, haddii uu mid ka mid ahi isku dayana mid iyaga ka mid ah ayaa isku taagi jirtay in xaqaa la duudsiyay difaacdo oo ay soo dhiciso iyada oo waliba cod dheer ku dhawaaqaysa.
Mid ka mid ah facaa hore oo yidhi codkeedu waa cawro iyana ma jirto, intaasi dhacdo iska daaye Cumar ayaa laga hayaa, “Cumar waa seegay, gabadhina waa ay haleeshay.” Sidaas ayaa facii hore ee Asxaabtu lab iyo dheddigba iskula jaanqaadeen si ay nolosha u bilaan.

W/Q: C.raxmaan Bashiir(Af Carabi)
W/T: Hamze Mohamed Muuse