Xaaladda abaarta baahsan ee ka jirta geyida Somaliland iyo guud ahaan geyida Soomaalidu degto oo saameynteedu sii baahayso oo ay haatan gaadhay wakhti ay dad iyo duunyo leedeen, ayaa waxa uu Abwaan Jaamac Xasan Maxamed “Shaacir” curiyey gabaygan ka hadlaya dareenka maanta taagan iyo duruufaha ku gedaaman nolosha qayba badan oo bulshadeenna ah.
Gabaygani waxa uu Abwaanku curiyey shalay oo ay taariikhdu ahay 1 bisha afaraada.
Gabaygu waxa uu ka hawaale warramayaa xaaladda lagu sugan yahay ee dad iyo duunyaba baxeen. Waxa uu soo bandhigayaa in aan Alle mooyee cidina innaga dul qaadi karin aabaraha iyo omoska, isagana aynu ka sugayno in uu inaga aqbalo ducadeenna.
Abawaan waxa gabayga ku bilaabay:
Allahayow adaa deeqsiyoo cidina diidayne
Adigaan dad iyo duunyo iyo deris u baahnayne
Dunida iyo adigaa xukuma daarta aakhiro’e
Dalka iyo degaankuba kolkuu degal abaaroobo
Maalintay daciifaan dadkuye duunyana idlaato
Adigaa daraadaa ducada loo dadalayaaye
Adigaa naflaha doojiyoo daa’imkood ahaye
Adigaa daruuraha shubiyo dirirka roobaade
Adaa dalaga soo saara iyo daaqa xoolaha’e
Maantana duruufaa na helay daa’imow magane
Daal iyo harraad baan qabnaa doorka maanta ahe
Docogaysigii aadamaha haatan laga daalye
Dedaalkoodi wuu soo gudhoo gaajo damin waaye
Duunyada dadkii haystay waa dulugle caydheede
Dumar iyo carruuraa dhintoo iilka lagu duugye
Allahayow gugoo deelma oo dunida maansheeya
Allahayow mid lagu diirsadoo wadanin duufaanno
Allahayow xareed daadsaniyo togag duraabaaya
Daa’imow gargaarkaagibaan kaa durraansadaye
Allahayow ducada naga ajiib deeqsi baad tahaye
AA M I I N