Gabay: Gurmad ( Waxa curiyey: Maxamed Saleebaan Cumar “M. Axbaabi” )

Gabaygan waxa uu Abwaanku curiyey markuu arkay xaalada abaareed ee ka jirta guud ahaan Somaliland iyo geyiga Soomaalidu degto, waxaanu rabi ka baryey in uu Eebbe ka dul qaado abaarta.

Waxaanu Abwaanku ku bilaabay gabayga sida tan:

Hoheey huqda iyo ciilka hayaayda yeedhaysa

Markaan halacsaday abaaraha inagu habsaday

Hantaqada gadhay hooyo wil halyeyiyo korinaysay

Haldoorki wadankeniyo ubaxi hanadadeena

Haradiyo gaajeey ugu dhinten hareraheene

Omasiyo hamuunbay la ildaranyihin hatanee

Haadkiiba ka dhergay hilbahodiyo wadhan hortene

Hamrashadunaa waa dhib iyo hoog badanee

Balanka illah hadaan lo gurman wa hoogiyo ba’e

Hadad ladan tihin manta bariba waydun hawanaysane

Hal doolaroo u hurtaa naf haqabtiraysee

Ugu hili walalka hada ducaduna wa lama hurane

Hadaan la is taakulayno hor illah la isu cawin

Horumar lama gaadhoo lama hawaysto guulee

Raboow hanunka adiga hayo hagaaya adunke

Habaaskiyo boodhkan nagu habsade na idleeyey

Daruur hoortiyo noogu badal hadhac qaboobo

Laga dhurto hamaho naqiyo doguna harerayalan

Raboow hurdo barwaaqo leh aanu ladno helnee

Hogol no da’adiyo nooshub midan hagardamo lahayn.

 

Maxamed Saleebaan Cumar “M. Axbaabi”