Gabayg: Gubaabo (Waxa curiyey: Abwaan Xasan Daahir Weedhsame)

Gabaygan oo uu curiyey Abwaan Xasan Daahir Weedhsame waxa uu ka hadlayaa xaalada Abaareed ee ka jirta guud ahaan Somaliland iyo geyiga Soomaalidu degto.

Guubaabo waxa uu  sifeynayaa oo sharaxaad kooban ka bixinayaa shacabka abaarta la il-daran iyo xaalada siyaaasiga dhabta ee maanta ku dul ololaynaya dadka abaaruhu saameeyeen.

Sidoo kale waxa uu Abwaanku ugu baaqayaa dadweynaha in ay ka qayb-qaataan gurmadka abaaraha.

Saddex goor haddii aad gasiin gawska la helayso,
Haddaad midhaha geedaha ku yaal gurato hoobaanta,
Haddaad guri dugsoon jiifto iyo ilo-xidh kuu gaara,
Haddii goolal kuu looggan yiin dhereg ku goohayso,
Way galangalcoobeen dadkii kugu gadaanaaye,
Goonyahaaga baahida jirtaa waa mid ganac weyne,
Giriyaad harraad baa ku dilay gabanadeeniiye,
Hooyada sidii awr gurgura guudka ubad saartay,
Ee socodka goobyaalaysee qaydku kala gooyey,
Ee goror biyo ah haysanee luunka lagu gaadhay,
Ee weliba gabankay siddaa hooyo garow leeyey,
Uma waayin guullaha ilaah gaawe iyo soore,
Gurmadaay dadkeenii miyiga waan ka gaabinaye,

Markaan hebel u guusaynee doorashada gaadho,
Laabtaan garaacnaa hoheey ginida dhiibnaaye,
Inta aan is guubabineen wax isu geygeyno,
Waynaga nimaan gees ridayn laguma guuraanka,
Gumariyo adduun siinaneen gurano qaadhaane,
Gaasiraad abaar gaabisiyo, gaajo lagu leeday,
Kama gubano keenii golmoon waad ka gudhantiine,
Nin walaalkii gaajoonayoo saa gilgilan waayey,
Wada dhalasho geeraa ka mudan kuu gurmani weyday,

Halkan hoose ka daawo muqaalka iyo codka gabayga Guubaabo:

Waxa curiyey: Abwaan Xasan Daahir Weedhsame