Gar aan gar ahayn, xukunka dacwada UCID (WQ: Cabdillaahi Xasan “Plastaro”)

Dab haddii uu dhaxmoodo, maxaa lagu diiriyaa? Go’aan Maxkamad Sare soo saartay marka uu muran ka dhasho, maxaa lagu kala baxaa?

Go’aan ka maxkamada sare ee Somaliland kasoo saartay dacwada xisbiga UCID oo ay  ahayd in uu noqdo garsoor gunta ka jara khilaafka soo jiitamay ee Xisbiga ayaa ka gaabiyay higsigaas, taas oo khatar ku noqonaysa xisbiga gaar ahaan iyo guud ahaanba  doorashada fooda inagu soo haysa.

Xukunka maxkamada oo nuxur kiisu ahaa: 1. Qabashada shir weyne aan caadi ahayn si loo ansixiyo heshiiskii labada garab, 2. In guddida qaban qaabada shirka si siman loo qaybsado, iyo 3. In hogaanka xisbigu iska leeyahay go’aanka kama dambaysta ah, ayaa isla makiiba labada dhinac ay ka yimaaddeen fasiraado isku lid ah, koox walibana guul sheegatay.

Dhanka garabka gudoomiyaha oo aan la xidhiidhnay garyaqaanadiisa ayaa tilmaamay in xukunka ay ku qanacsan yihiin, uu yahayna wixii ay rabeen. Libinta Gudoomiyuhu isa siiyey ayaa ku qotonta in ergada ka qayb galaysaa shirweynahu ay tahay garabkiisa, maadamaa garabka kale aanu ka qayb gelin shirweynihii sadexaad ee xisbiga. Taas waxa u dheer in Faysal Cali Waraabe yahay hogaanka xisbiga haatan ee go’aanka kama dambaysta ah iska leh.

Garabka musharax Jamaal ayaa maxkamada horteeda ku caddeeyay sida xukunku ugu cuntamay. Waxa ay ula muuqatay  in hawsha shirweynuhu  tahay meel marinta heshiiska oo kaliya, iyo in ay ka mid yihiin hogaanka xisbiga ee taladu ka go’ayso. Faysal Cali Waraabe taas dambe isagu ma qirsana.  Si kasta ha ahaatee, masuuliyiin kale oo garabkan ka tirsan  ayaa iyagu walaac ka mujiyay in Faysal uu isku dayi doono xukunka in uu cuskado carqaladaynta musharaxnimada Jamaal Cali Xuseen.

Qodobka ugu muhiimsan ee xukunku sharaxaad aanu ka bixin ayaa hadaba ah macnaha  “ansixinta heshiiska,” oo ah ajendaha shirweynaha aan caadiga ahayn. Su’aasha aan laga jawaabin ayaa ah: ergada shirku ma diidi kartaa heshiiskii labada garab ee Jamaal Cali Xuseen musharaxa ku noqday, mise ansixintu waa “haa” oo kaliya. Garabka Jamaal waxa ay ula muuqataa in ansixintu tahay “haa” kaliya, halka Faysal aan la hubin waxa uu shirka la imaan doono.

Go’aanka maxkamada oo madmadaw iyo la-jiifiyaana-bannaan-tu ku badan tahay,  ayaa lagu tilmaami karaa gar aan gar ba ahayn. Hadal ba gam ayay ahayd in uu noqdo marka xukunku soo baxo, maadaama ay  tahay Maxkamadii Sare. Iska dhaaf in hadal ku go’ ee, labadii dhinacba waa ay mushxaradeen; Sawtii la odhan jiray, gar labo kama wada qosliso, sidee wax u jiraan?

Labada dhinac ee is hayaa haddii ay sidan shirweyne ku qabsadaan waxa ay noqonaysaa laba mid: in ay is-qancin iyo niyad sami murankooda ku dhammaystaan, ama dhexdhexaadin dibadeed ama garsoor in ay mar kale iskula tagaan. Sida hore haddii ay u dhacdo, xisbigu fursad ayuu u heli doonaa in uu dib isu abaabulo, doorkiisana uu ka ciyaaro loollanka doorashada fooda inagu soo haysa. Haddii ay sida kale u noqoto, waxa ay raad aan la mahadin ku yeelan kartaa doorashada 2017-ka.

Saamayntaasi waxa ay noqon karaysaa in doorashada madaxtinimadu ay noqoto laba geesood oo labada xisbi ee kale  ay ku tartamayaan. Taas waxa ay ku suurto galaysaa in muran ku jiitamo, ugu dambayntiina doorashada oo waxba ka hadhin, labada dhinac mid guuleysto dabadeedna qolfoof xisbi oo aan waqti u helin is abaabul, olole doorasho, amaba dhisida barnaamij siyaasadeed uu tartanka ka qayb galo.

Ixtimaalka taas kasii daran ayaa ah in is-marin waaga labada dhinac uu horseedo in doorashada gebi ahaanba dib loo dhigo. Muranka murashaxnimadu haddii uu soo af-jarmi waayo ka hor inta aan la gaadhin xiliga daabacada warqada codaynta, waxa uu marmarsiinyo u noqon karaa dib u dhigista doorashada. Waynu wada og nahay in arrimo  tan ka liita xukuumadihii dalka  soo maray ay ka dhigteen qiil doorashooyinka dib loogu dhigo.

Gunaanadkii, waxaa habboon in Maxkamadu ay soo saarto inta aan la gaadhin shirwaynaha lifaaq ay ku qeexayso meelaha madmadawgu ku jiro si looga hor tago is qabqabsi ka dhaca shirweynaha dhexdiisa. Haddii shirweynaha la gaadho, wakhti badan oo khilaaf dambe xal loogu raadiyaa ma jiro.

 

Cabdillaahi Xasan (Plastaro)

Saxafi Madax bannaan

Email: Abdiplastaro@gmail.com