GARAAD BADNAAN (FARIIDNIMO)…W/Turjumay: (Kamaal Marjaan)

Dhammaanteen waa aynnu naqaannaa fariidnimada, waana aynnu ku ammaannaa qofka aynnu ku tuhmaynno. Laakiin waxaa mararka qaarkood innagu dhacda in qofka aynnu ku aragno fariidnimo, haddana meelaha qaar ama dhaqannda qaar aynnu suโ€™aal iska weydiinno in fariidnimadaasi ay run tahay.

Fariidnimada ama garaad-badnaantu waxa ay ka mid tahay arrimaha aanu aadamuhu weli aqoonteeda ka gun gaadhin. Waxaa joogto u soo baxa daraasado iyo cilmibaadhiso lagu baranayo, waxa se la ogyahay in aanay jirin hal fariidnimo ee ay jiraan siyaabo ama dhinacyo kala duwan oo uu qofku fariid u noqon karo, iyada oo dhinacyo kalana lagaga fariidsanyahay.

Si guud ahaaneedna waxaa jirta qiyaas ama halbeeg guud oo tilmaamaya in qofku uu dadka la midka ah ka garaad-sarreeyo. Waxa ay noqon kartaa heerar kala sarreeya, tusaale ahaan qof hooseeya, mid dhexe ama dabiici ah, iyo mid aad u sarreeya. Waxaa lagu qiyaasaa dhibco iyo halbeegyo la isla yaqaanno oo lagu qiimaynayo heerka garaad badnaanta ee qofka (Intelligence quotient โ€“ IQ).

Illaa hadda dhinacyada si fiican loo ogyahay in fariid laga noqon karo waxaa ka mid ah:

1. Fariidnimo ah maskax furnaan, faham, ildheeri, iyo in qofku awood u leeyahay in uu dareenkiisa iyo caadifaddiisa iyo ta dadka kalaba maarayn karo. Waxaa afka Ingiriisiga lagu yidhaahdaa (Emotional intelligence โ€“ EQ)

2. Fariidnimo ama garaadsamaan la xidhiidha goob ama aag gaar ah. Tusaale, waa qofka oo si dadka caadiga ah ka sarraysa u dhugta xidhiidhada ka dhexeeya muuqaallada iyo xaaladaha kala duwan ee dunida ku xeeran uu ku arkayo, waxa uu awoodaa in uu maloawaalo hummaag muuqaalka ama xaaladda kaddibna uu ku xidho ama is dhexgelin karo humaagyo kale.

Waa dadka xariifka ku ah furfurista hal-xidhaalayaasha, akhriska khariiradaha, fahamka xidhiidhada ka dhexeeya walxa iyo muuqaallada kala duwan iwm. (Spatial intelligence).

3. Fariidnimo dhinaca luuqadaha ah ayaa jirta, qofku waxa uu awood maskaxeed oo sare u leeyahay isticmaalka iyo ku hadalka afka, barashadiisa, ku xidhiidhistiisa, fahamkiisa, iwm. (Linguistic intelligence).

4. Waa ay badan yihiin oo waxa kale oo ka mid ah, garaad badnaan ah dhinacyada ay ka mid yihiin, Muusikada iyo mulaxannimada, fahamka iyo akhriska dareenka iyo xarakaadka qofku samaynayo, isticmaalka xaraadka jidhka, qancinta iyo jihaynta ama kasbashada maskaxda qofa, dhexgalka iyo isfahamka dabeecadaha qofka, sababaynta, xal u helidda dhibaatooyinka, fikirka, iyo kuwo kale oo badan.

Si kastaba ha ahaato ee midda loogu tixgelin badan yahay ama muhiimad gaar ah la siiyaa waa ta aynnu ku sheegnay halbeegga guud ee garaad badnaanta qofka (IQ) iyo garaad badnaanta dhinaca dareenka (EQ) oo aad ugu muhiim ah nolosha oo dhan.

FARIIDNIMADU MA U DHALASHAA MISE WAA BARASHO??

W/Turjumay: Kamaal Marjaan

Bandhige@gmail.com