Garbo-duubka garashada (WQ: Khadar Faarax Siciid)

Uumiyaha iyo abuurkiisu waa cajiib. Waxa uu qabatimo ayuun buu ku qaatan yahay. gabbal dumay iyo oog soo iftiimayba maskaxdiisu waxay ku maqan tahay oo ku mashquulsan tahay adkaynta afkaarta uu ka cokan yahay ee qalbigiisa ku camiran iyo ceeb u raadinta midda tiisa liddiga ku ah.

In badan ayaan arkaa ama akhriyaa qoraalo cadhaysan oo cuqdad iyo ciil qab ka soo uraayo, kuwaas oo bulshada ku canaanaya inay caqliyadoodii curyaamiyeen, maskaxahoodii dabar sudheen, garasha-doodiina garba duub u figeeyeen.

Canaantu waaba gar mar hadday maskax dhaga xoobidda iyo hawl gelin la’anta garaadka ka dhiidhidhiyeen. Waa run oo waa gar in bulshada wacyigeeda boodhka laga tumaa, waana mid ay xaq uleeyihiin inay gol-daloolooyin keenna bulsheed faydaan si loogu baraarugo dabeedna baabi’intooda loo bar-tilmaameed sado.

Hadaba daw iyaga oo u leh inay dhalliilo dhisma raadin ah soo bandhigaan ayaa waxay soo dhiraandhiriyeen afkaar dhan ka raran oo dheelisan. Garshadii ay xoraynteeda u xiiqsanayeen ayay misna xero kale oo oodan ku amuugeen. Caqli u doodayaashii intay kor iyo hoos noo fiiriyeen ayay nagu yidhaahdeen caqliga ayaa seetada sibirta loogu duubaaa kadibna isga ayaa loo daba fadhiisataa sargoynta qaybaha nolosha oo idil.keligii ayaana laga dhigtaa sayid.
Oo inadeerow waxaan ku waydiiyay tan aad noogu baaqaday miyaanay ahayn xeradii xaaraan yahanadu (Atheists) ooteen? Miyaanay ahayn marinkii falsafad ruuggii runta ka fogaaday ee John Anderson uu jeexay? Miyaanay ahayn tubtii Karl marx (diin lawihii Ilaah diidka ahaa) ? Miyaanay ahayn majarihii Maskax caabudkii Jeremy Bentham (kii xumaan iyo samaan xadka u dhexeeya garanwaayay)?

Tan aad iga la diqoonayso (garaad xidhnaanta) markaad igala dudo ee aad dalawgaa jaan iga tuurto ma waxbaad ii tartay mise waad I wareentay? Mise adigu caqli caabudayaasha ayaa baad isu dhiibtay oo waxaad rumaysan tahay in caqliga keligii lacuskan karo.

Waxyigu horta heerkee ayuu kaa taagan yahay? Mise marka lagu la soo hadal qaado wadhi iyo is-waneehin ayaad ku war celisaa?

Bal caqligan aad ku falantahayba aan kugu la faalleeyo : Waxa aad leedahay laba indhood oo aad, aad u mahdisay kaalinta ay noloshaada kaga jiraan. sow maaha? Haa, waa sax, Bal aan ku waydiiyee indhahaagu masaafo intee jirta ayay wax ka arkaan? (aragti qumman oo aan hilaadin iyo himbiriisi toona ahayn) waa marka aadan isticmalayn agabka wax soo dhoweeya.Waxaan filayaa masaafo dhawr Km ah inaad u malaynayso. Taas macnaheedu waxa weeye aragtida indhuhu waxay leedahay masaafo g’an oo aanay gadeeshada waxba ka arki karin, hadaba caqligu miyaanu isna lahayn masaafo go’an oo aragtidiisu ku gabaabsido? Dhan kale kolka laga fiiriyo indhuhu ilayska cadceedda la’aan tood waxba ma arkaan, hadaba caqligu waxyiga la’aantii sidee buu xaqiiqada u arkayaa?

Waan ogahay doodo badan oo caata ah ayaa kaa reemaya sida; Dulmananta dumarka, kala irdhaynta diinta iyo dawladda iyo waxyabihii kale ee xilka lahaa ee aad hadhka galay ku hadri jirtay.

Doodaha ugu doqon san ee caqliraaca waxaa ka mid ah difaacidda Falalka dadqalnimada ah ee lagula kaco dayowga muslimka ah.

Markasta oo ay difaacayaan falalka foosha xun ee addunka ka dhaca (sida dawladaha la gumeeyay;ciraaq/Afganistan/Libiya Iwm) waxay food saaro ka dhigtaan in dadyowga dunida ku nool dan toodu mid qudha tahay, ciddi ka hortimaada danta Addunkana gafuurka la duminayo.

Tusaale ahan xasuuqii iyo xil ka tirintii lagu sameeyay dawladdii Mursi iyo dadkeedii (Tagerayasheedii ka badna %75) ee sida naxriis darada ah birta looga aslay, ayay qoladan Jeremy u faruur xidhani kasameeyeen maqaallo iyo dhiganayaal farxad burqasho ah oo aad u tira badan. qoraladoodaa waxay ku hanbalyeyeen Cabdifatax sisi iyo militerigiisa orgobka ah ee muddo aan kabadnay laba saacadood 2300 oo mudaharad nabad ah ku dhigayay fagaraha taxriix madfaca iyo suntan ku dilay.

Marka la waydiiyo aaway dimiqradiyadii iyo mabaadi’dii kale ee aad sheeganaysaeen waxay ku warcelinayeen Adduunkan Maanta aynu ku noolahay waa isku dan, ikhwaankiina taas ayay ka horyimaddeen sidaa darteed habkasta oo meesha lagaga saarikarayay wuxuu ahaa xalaal!!!

Haba jiraan dano wadaag ahi mararka qaar iyo meelaha qaar balse sida adigu aad u dhigayso ( oo ah waxa dawladda maraykan dantu ugu jirto ayaa somalida iyo soodaanigani dani ugu jirtaa. ama Ingiriis iyo Cumman waa isku cadaw) waxaa burinaya soyaalka adduunyadan guun ka ahi na bartay.

Jiitankaa nololeed ee jiilba mid waydaaranayay waxaa laga dhaxlay waayo-aragnimo wayn oo tilmaamaysa dabeecadaha dadka iyo falgalka ka dhexeeyn kara bulshooyinka ku kala beeran barbarada dunida.

Waxba yaan hadal sii tixine waxaan uga socdaa uun Isku-dan ahaanshuhu inuu yahay hiigsi been ah oo Badw iyo qof naanaab ah lagu siro. Maraykan iyo ciraaq isku dan maaha maxaa yeelay isaga dantiisu waa burburka ciraaq oo wuxuu helayaa ceelal shidaal ceegaago oo aan cidina dooh ka odhan karin.

Itiboyaanka iyo somaliduna isku dan ma aha maxaa yeelay Xabshigu wuxuu u xiiqsanyahay una suxul duubayaa hanashada xeebtan dheer khayraadka dihini ku duugan yahay.

Iraa’iil iyo muslimkuna isku dan maba noqon karaan oo waxay duullaan ku yihiin guriga dahiran ee Aqsaa iyo magaalda sharfan Qudus.

Addunyadana isku dan ahaansho kaba suura gelimaayo inta ay wada joojaag; dulmane la duudsiyay iyo damiir laawihii dakanooyinka gaystay. Inta ay isu muuqdaan itaal laawe aargoosi raba iyo arxan laawihii amlayda geliyay. Inata ay goob ka soo wada toosayaan dhabcaal dhaqaale xejiste ah iyo soobir soofkiisii la dareersaday. Inta ay wada joogaan samatalis isa-seegga neceb iyo qaswadeen qalalaasaha ku liibana. Inta ay deris wadaag yihiin fule khiyaamada iyo dhagarta ku falan iyo foolaad feejigan oo falalka maroora ee deegaankiisa kasocanaya u fiirsanaya.
Halkaana kaga quuso bulshooyinka Addunka oo dhami waa isku dan.

Qore: Khadar Faarax Siciid
Email: Dalmartogdheer @gmail.com