Garo Ilaha Kheyraadka Nafeed Q.1aad (WQ: Cabdirasaaq Sandheere)

Kheyraad (Resourse) waa: shey aad u adeegsan karto si aad ugu gaadho hadafkaaga.
Inkastoo ay jiraan ilo badan oo kheyraad; waxaynnu kusoo ururrin afar qeybood: 1- Kheyraadka dadka 2- Kheyraadka shey’yada 3- Kheyraadka Deegaanka 4- Kheyraad guud.

1- Kheyraadka Dadka
Kheyraadka dadka waxaa laga helaa naftaada iyo dadka kale. Waxaanna ka mid ah: Aqoonta ( Knowledge), iyo Xirfadda ( Skills). Aqoontu waxa ay ka koobantahay shey kasta oo aad akhrido, baadho, barato, ama aad xasuusato.

Hal’abuurnimadu ( Creativity) waa qeyb kale oo ka mid ah kheyraadka qofka. Waanna habka qofku uu ku xallinayo dhibaatada naftiisa, kuna bandhigayo dareenkiisa.
Si aad ugu guuleysato hadaf, waxa aad u baahantahay labo shey: Waqti ( Time) iyo tamar ( Energy). Sidoo kale, qoyska iyo saaxiibbaduna waa qeyb ka mid ah kheyraadka dadka.

2- Kheyraadka Shey’ yada
Kheyraadka walxuhu: Waa dhammaan shey’yada muuqda ee aad u isticmaalaso si aad ugu guuleysato hadafkaaga. Tusaale, lacagta. Haddaad doonayso in aad barato sida loo ciyaaro, sideed ku gaadhi kartaa hadafkaa? Waa in aad lacag bixisaa.

3- Kheyraadka Deegaanka
Deegaanku sidoo kale wuxuu kuugu deeqayaa kheyraad kaa caawinaya in aad noloshaada ku raaxaysato, xirfaddaada horumariso, iyo in aad xalliso dhibaatooyinkaaga. Waxyaabahaa kuu sahlaya waxaa ka mid ah: Dugsiga, Dhigaal oolka, Dhakhtarrada, Carwooyinka, Barkinnada iyo Tiyaatarrada.

4- Kheyraad Guud
Kheyraadka sida dabiiciga ah loo helo waxaa ka mid ah: hawada, biyaha, carrada, dhirta, iyo macdanta. Dhammaan kuwan waa in aad si xilksanimo ah u isticmaashaa.

~ Waxa aan ka Turjumey buugga Creative livin skills( 8TH Edition) waxaanna qorey: Sue Couch, Ed.D. Ginny Felstehausen, Ph.D. Oatricia Clark, M.ed., CFCS.