Geeska iyo Gulufka Webiga Niil (WQ: Axmed Nuur Guruje)

Loolanka ka socda maalmahan Geesku waa mid aad u xiiso badan ,Wadamadii Geeska ayaanad moodaa in ay kala raaceen badankoodu labadda Maroodi ee Masar iyo Itoobiya .

Wadamadda Jaamacadda Carabta ayaa fadhigoodii ugu danbeeyey si toosa u taageerey Masar oo budhtuur u ah Ururka Jaamacadda Carabta , dabcan Wadamadda  Jaamacadda carabtana Soomaaliya waa ka mid .

Dawladda Itoobiya mawqifka jaamacadda carabta aad bay uga xumaatay  , gaar ahaan mawqifka Soomaaliya , waxaanay ka dalbtay in Soomaaliya mawqifkeeda cadayso .

Soomaaliya durbadiiba waxay qortay qoraal ay ugu sheegayso ururkii jaamacada carabta in ay ka noqotay mawqifkii horre , goaan dhexdhexaadana qaadatay , mawqifkan danbe isna waxaa ka xumaatay Masar , waxaana soo gaadhay durba Mogdisho wasiir ku xigeenka arrimaha dabada ee wadanka Masar .

Si kastaba ha ahaatee Itoobiya siyaasadii Mogdisho durba way la fahmi wayday , waanay ka shakiday , sidaa darteed Waxaa maantaa u dhoofay Adis ababa Raysal wasaare Khayre .

Dhinaca kale , wadanka Kenya ayaa u janjeedha dhinaca Masar halka wadanka  Sodana la safan yahay geesta Itoobiya  , waxa kale oo iyana kala cadaan doona Ereteriya oo ishaafalataynaysa .

Si kastaba ha ahaatee , xarakaadka imika socda ayaa u muuqda kii ugu xamaasadda iyo xiisaha badnaa , marka la barbar dhigo xitaa waagii uu socday dagaalkii qaboobaa ee dhamaadkii todobaatanaadkii , waxaana la joogaa xiligii shankaroon sugaysay haday shaqaysanayso .