Gefafkii kujiray khudbaddii xoghayaha xisbiga Waddani ee Burco (WQ: Cabdinaasir Axmed Abraham)

Nin habari dhashay hal seegi waayo’e waxa aan daawaday khudbad fagaare ka hadal iyo weydiin iyo warcelin iskugu jirtay oo wakhti 50 mirir ah socotay oo uu X. Khadar kula hadlayay dhallinyar reer Burco ah. Ciwaankeeduna ahaa; Sidee ummadi u guulaysataa? Mawduuca oo aad ii soo jiitay ayaa sababay in aan sugo kaddibna daawado, dhuuxiddii aan dhuuxayna waxa ka dhashay waajib kale oo ah haddii Khadar maanta la sixi waayo in cidkastaa ku dhiiran doonto in ay ummadda hor timaaddo iyaga oo aan soo diyaar garoobin taasi oo laf-jab ku ah dadka.

Maxaa gafaf iiga muuqday khudbaddan?

▪ Mawduuca xoghayuhu uu siyaasad xisbiyeeyay waxa aanu ahaa mawduuc aqooneed “Academic lecture” Waxa aanu gunaanadkii isagu biyo shubtay aragti qofeed oo ay jiidanayso caadifad badani.

▪ Mawduuca uu ka baxbaxayay oo hadba dhinac ayuu ula taraarayay hadalku tusaale; hadal toos ah wuxuu hadlayay Khadar 18 mirir shan mirir ayuu mawduuca ku ekaa inta kale wax kale ayuu ka warramayay.

▪ Tusaaleyaashiisu may ahayn waaqici . Haddaan mid iyo laba soo qabto;

1. Burco ayaad kaga baxaysaa dhammaan astaamaha dawladnimo ayuu yidhi Khadar, Laascaanood na inta ogaalkayga ah xukuumaddii Siilaanyo ayaa raadkii dawladnimo ee abid ugu weynaa ku reebtay. Tuka-raq na koontarool cashuuraha lugu qaado aniga ayaa cagahayga ku istaagay. Markaa xoghayuhu tusaaleyaasha uu soo qaatay wayd bay ahaayeen. Waan se qabaa dhalliilo badan ka jiraan adeegyada xukuumadda ee guud ahaan dalku.

2. Tuulada la yidhaa SANYARE, wuxuu sheegay in uu bookhday oo dadka waraystay oo uu weydiiyay marka aad is dhishaan sideed u kala baxdaan? kaddibna ay ugu jawaabeen; In ay geedka hoostiisa ku kala baxaan oo gar- naqsadaan. Arrintaa Khadar uu la yaabay waxa aanu ku tilmaantay in 18++ ka hor sidaa loo kala bixi jiray!

Anna waxa aan xog-ogaal u ahay in Hargeysa oo caasimaddii dalka ah inta maxkamadi kala saarto ay ka badan tahay inta xeer dhaqameedka lagu kala saaro, dunida oo dhanna waa wax ka jira oo afka qalaadna lagu yidhaa” Costomary law” halkaana waxa iiga baxday in aan aanu arrimo badan oo hoose ka war qabin xoghayuhu.

▪ Taariikhda ummadda in uu khalad fahansan yahay ayaa iiga muuqatay hadalkiisa, aan sababeeyo. Khadar wuxuu yidhi: 1924 nin caddaan ah baa wax innaga qoray wuxuu yidhi:

“Waxa aan u tagnay qaybsan, qabyaaladaysan oo reer-reer isku haysta oo u nool sidii dadkii ay ka soo farcameen ay u noolaayeen Illaa wakhti aan is garannayn. Guri kasta oo qof weyn oo rag ahi joogo waxa yaalla qori rayfal ah. Si fudud ayay isku dilaan, waxa ay isku dilaan biyo iyo doog. ” Daglas. African Studies.

Waxa muuqatay sida aad ka ah ee ugu riyaaqsan yahay Khadar saanacaddahan anigu se aad baan uga aragti geddisanahay, tusaale noocaas oo kale ah in ummadda ilbaxnimadeeda iyo taariikh nololeedkeeda lagu jaan gooyo liidnimo weyn baan u arkaa.

Gunaanadkii waxa aan X. Khadar kula talin lahaa in uu so hagaagsan u soo diyaar garoobo marka uu ummad hor tagayo oo la hadlaayo, xisaabtana ku warsado in warkiisu dad badan gaadhi doono iyo in kuwan uu hortaagan yahay ay ku jiri karaan kuwa ka xog ogaalsan.