Gefka Ay Soomaalilaan Kula Kacday Idaacadda VOA Somali. W/Q: Cali Cabdi Coomay

= Baahintii idaacadda ee 6:30 aroorimo warkii xafladdii 26 Juun ee 64 guuradii ay Soomaalilaan kaga xorrowday Ingiriiska, waxa ay warkii xafladda siiyeen Muqdisho. Waa gef weyn, waayo halkii calanka laga taagay ee xorrnimada qaadatay waa Hargaysa. Maxaa keenay inay Muqdisho siiyaan?
= Madaxda Soomaalilaan tallaabo ha ka qaado, gefkaasi kagula kacay dalka. Madaxa laanta Af-Soomaaliga ee VOA waa Cabdiraxmaan Yabarow, oo ay hayb hoose yihiin madaxweynaha Soomaaliya. Sida muuqatana inadeerkii ayuu la safan yahay, isaga oo idaacad Soomaali loo wada furay madax ka ah, reerkiisiina ugu adeegaya.