Go’aamadii ka soo baxay Shirkii Beelaha Somaliland ee Burco 27kii April ilaa 5tii May 1991kii (WQ: Khadar Cabdilaahi Qabile)

Go’aamadii ka soo baxay Shirkii Beelaha Somaliland ee Burco ee 27kii April ilaa 5tii May 1991kii ee lagula soo noqday madax-bannaanida Jamhuuriyada Somaliland 18 May, 1991kii waxa ka mid ahaa in Golihii dhexe ee SNM oo lagu kordhiyay xubno ka soo jeeda beelihii aan SNM ahayni noqdaan Golaha Cusub ee Wakiillada Somaliland muddo labo sanno ah, golahaas ayaa noqday Golihii kowaad ee Wakiilada Somaliland.
Hadaba laga soo bilaabo 1993 kii Shirweynihii beelaha Somaliland oo lagu soo xulay Golihii labaad ee Wakiilada Somaliland Qaabkii ay
beeluhu u qaybsadeen 75 xubnood ee Goluhu ka koobnaa waa sida hoos ku qoran:
Tiradii Beelaha loogu qaybiyay 75 xubnood ee Golaha Wakiilad shirkii Borama ee sanadkii 1993:
1. Habar jeclo 14
2. Samaroon 11
3. Dhulbahante 10
4. Garxajis 9
5. Habar Awal 8
6. Arab 7
7. Ciise 5
8. Warsangeli 5
9. Ayuub 3
10. Tol-jecle 3

Shir beeleedkii sannadkii 1997 ka dhacay Hargeisa Waxa lagu soo xulay 82 xildhaaban oo Golaha Wakiilada ah, Waxa lagu kordhiyay 7 xubnood tiradii golihii hore ee lagu soo dhisay shirkii Borama oo ahaa 75 xubnood.
Waxaaa shirkaasi dib loogu eegay cabashada beelo saluugsanaa tiradii loogu qoondeeyay shirkii Borama. Waxaa kale oo shirkani xubno cusub u ogolaaday beelaha laga tirada badanyahay oon hore xubinimo ku lahayn Baarlamaanka. Qaabka cusub ee uu shirkani wax ugu qaybiyay beelaha Somaliland waa sida hoos ku qoran:
Tiradii Beelaha loogu qaybiyay 82 xubnood ee Golaha Wakiilad shirkii Hargeysa ee sannadkii 1997.
1. Habar jeclo 14
2. Samaroon 11
3. Garxajis 12
4. Dhulbahante+Fiqishini 10
5. Habar Awal 8
6. Arab 7
7. Ciise 5
8. Warsangeli 5
9. Ayuub 3
10. Tol-jecle 3
11. Somali-Carab 1
12. Gabooye 1
13. Jibraahiil 1
14. Gurgure 1

Sanadkii 2005 ayaa Somaliland markii labaad laga doortay baarlamaan ay dadweynuhu soo doortaan, markii kowaad waxay ahayd 17 February 1960 kii oo lagu soo doortay 33 xildhibaan. Doorashadii labaad ahna doorashadii kowaad intii lala soo noqday gooni isutaaga somaliland 1991 kii waxay dhacday sebtambar 2005kii, hadaba ujeedada aan u daadagee doorashadan oo ay ku tartamayeen sadex xisbi laguna tartamayay 82 kursi oo laga dooranayay lix Gobol natiijadii xagaa beelaha xubnaha la doortay waxay noqotay sidan:
1. Garxajis 19
2. Habar jeclo 16
3. Habar Awal 16
4. Samaroon 13
5. Dhulbahante 6+ Fiqishini 1 (7)
6. Arab 5
7. Warsangeli 4
8. Ayuub 1
9. Ciise 1

Fiiro Gaara: Hada sida beeluhu u fadhiyaan waxbaa iska badaley ka dib markii xubno geeriyooday, qaar laga saaray, qaar wasiiro noqday oo uu banaanaaday booskoodii ay soo buuxiyeen xubnihii keydka u ahaa xissbigaa ama gobolkaas.