Gobolka Gabiley: Qabyaalad/reernimo iyo tolnimo inoo kala doora? (WQ: Axmed Sheekh Nuur Ducaale)

 

Hadal kaftan ahaa oo Axmed Biito ka jeediyay kulankii Ambassador Maxamed Cali ee ahaa:

“Marka laga yimaad in Gobolku Gabiley doorkan leeyahay Ajande Siyaasadeed oo cad oo uu wax ku dooranayo ayna ka mid tahay Gobolnimada sharciyadeeda oo la qabyo-tiro, horumarinta adeegyada bulshada, shaqo-abuurka iyo wax-soo-saarka beeraha, waxa kale oo jirta doorasho kale oo hor taala Gabiley oo ay kala dooranayaan Reernimo (Qabyaalad) iyo Tolnimo?.”

Aan idin la wadaago qeexida aan u isticmaalay hadalkaygan kooban waxa ay kala yihiin Tolnimo iyo Qabiilku.

Tolnimadu waa xidhiidhka xididnimo ee ee ka dhexeeya dadka ay isku kiin xidho abtirsiinta labada waalid ee aabaha iyo hooyada, hablaha iyo wiilashuba way ku jiraan tolka, waxaa na ku jirta masuuliyad iyo xil qofka ka saaran dadkaa aad xididka iyo qaraabada tihiin. Waxaa tol noqon kara dad kasoo kala jeeda qabaa’il kala duduwan oo ay midayso xidhiidhka abtirsiinta labada waalid. Shirarka tolka waxaa ka wada qayb gala wiilasha abtirsiinta aabuhu ka dhaxayso iyo kuwa aanay habluhu dhaleen iyo hablaha laftooda.

Reernimadu waa qabyaalad waana xidhiidhka ka dhexeeya dadka ay isku kiin xidho abtirsiinta dhinaca aabaha oo kaliya, dumarku kuma jiraan qabiilka; Inanka inantu dhashay kuma jiro; abtigu kuma jiro waxaa na loo isticmaalaa ama la gu wadaagaa dhibta iyo dheefta reerka iyo reeraha kale dhex marta.Waa geed dad ul iyo diir ag kala qaybiya. Malahayga waa aafada qaran ee maanta halkaa ina dhigtay.

Ololaha doorashooyinka siyaasada ku dhisan dimuquriyaada haddii loo isticmaalo qabyaalada macneheedu waa marka aan cod la ga doonayn dumarka oo ah laan-dheeraha cod-bixiyaha. Waa marka raga odaygaa la gu wada abtirsanayo ka farcammay qaar ka mid ahi danaysanayaan. Waa bar bilowga keli-telisnimada, kooxaysiga, faquuqiya iyo qaran-jabka.

Waa Guri-cas dulin iyo qaniin badan qabyaaladu waana halka ay tahay in aynu ka guurno. Inanta gashaantida ah ee qabiilka ka doorata tolnimadu waxay ka hiilisay inankeeda, waxay calafkeeda ku koobtay nidaam qabiil oo u adeega raga xaga aabaheed ay ehel ka yihiin, nidaamkaas oo hagraday dumarka.

Tolnimadu waa qaranimo waanay ka qara wayn tahay qabyaalada…. Gobolka Gabiley 2003 ilaa 2010 waxay sameeyeen doorasho qaldan kadib markii ay Riyaale ka doorteen Siilaanyo. Riyaale wuxuu ku dhawaaqay Gobolnimada Gabiley, afar degmo oo cusubna wuu ku daray. Riyaale isagaa Biyaha ka soo saaray ceelka Botor.

Dhanka kale in ka badan 7 Agaasime, Taliye Ciidan qaran iyo Wasiiro “A” ahna way lahaayeen.

Siilaanyo markii ay reernimo ku doorteen wax u soo kordha iska daaye intii ay haysteen bay waayeen. Doorkan dugsiga sare ee Qalax ardaydii ugu badnay abid ee ka dhacda dugsi sare oo Somaliland ah baa ka dhacday.

Waxaa sababaha ka mid ah doorashada qabaliga ah ee 2010 Siilaanyo lagu doortay. Haddii doorashaddii Siilaanyo waxaas oo dhan lagu waayay, ta Muuse Biixi waxa lagu waayi doonaa wax badan oo Gobolnimadu ku jirto. Musharaxa Madaxwayne-ku-xigeenka xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Amb. Maxamed Cali Cabdi waa nin gobolka Gabiley ay ka dhaxayso Tolnimo.

Waa reer Gabiley waana arday Qalax ka baxay 1974. Gabiley maanta waxa u taala hawl ka balaadhan qabiilka aanu nahay ee Musharaxa Kulmiye ku doodayo oo ah in uu sharaxan yahay musharax gobolka Gabiley tol la ah oo xil iyo masuuliyad dheeraadi ahi ka wada saaran tahay.

Tolnimadu ma dhacdo ee way go’adaa ee yaan la goynin.

Reernimadaa dhacda waxba na loo ma noqdo oo reerihii hore u sharaxnaa ee dhacay wali way joogaan oo waa reerkii uun. Reer gob ahaa oo dhacay oo hadda na gun noqday ma jiro ee maanta tolnimadaa ka way nee yeynaan goyn tolnimada. Taa badalkeeda, aynu fursadan murashaxnimada Ambassador Maxamed Cali uga faa’iidaysano tolida iyo sii xoojintii tolnimadeenii jirtay. Aynu Cod dheer ugu quus goyno cid kasta oo horaysa iyo dambaysa isku dayday in ay faagto tolnimadeena.

Axmed Sheekh Nuur Ducaale