Gobsanaa Hooyo! (WQ: Xasanqani Aareeye)

Waxan dhex lugaynayay laamida dhinaceeda waxan ku
socdey xaggaa iyo aqalkii oo aan casar dheer kabaxey. Xilligu waa
cawaysin hore, waana maalmaha ay magaaladdu ugu diirantahay
habeenkii, oo inta fiidkii aqaladdan wada dhagaxa ahi kulka maantii
oo dhan ku dhaca soo celiyaan baa dumarkuna hor fadhiistaan
guryaha, oo gambadho dhigtaan, xan dad dhow iyo kuwo durugsanba
halkaas ka botorinayaan, kuwa dariiqa hortooda ah marayana
faaleeyaan. Waxay ku sugaan filimaan shisheeye oo lagu qaatey,
dhaqan xumo maahee aan wax kalena laga korodhsaneyn. Fiidkii bey
soo galaan, berigii horena af Carbeed buu ku bixi jirey oo koox-koox
bey udaawan jireen intaan TV yadan maanta aqal walba dhex
kambadhuudha innagu soo badan, tu luuqadda Carbeed wax ka taqaan
baa kuwooda aan luuqaddaas ama af Carbeedka aqoon u turjumi jirtey
oo sayidad yar bey u ahyd oo la dhageysto, hadda se warkaas laysla
dhaaf!. Afka hooyaa lagu turjumey, meel walbana waa ka socdaa.
Raggiina ruuggaa iyo jilibkaa u laaban meelo halkeera oo lagu qayilo!
Beryahan danbe kulkan aan dhamaan ee gu’ iyo jiilaalba ah maxaa
ugu wacan tolow? Mooji! Ma baabuurtan iyo dadkan is jiidhaya ee
kala bateybaa? Ma wasakhowgan hawada laga sheegayo (air
pollution)ee ina sadheeyey inaga oo aan waxba ku darsan baa? ileyn
warshado malihin e! Ma nidaam xumadii hore ee magaalooyika qaar
badan oo xaafadaheeda kamida loo degay ama u dhisantey oo qaabka
qorsheyntoodu(poor planning) aad uliidato baa? Ma fusuqan batey
adduunkii na ku baahey ee Roobabkii iyo Raxmaddiina la yaraataa?
Malaha kuwaas iyo kuwo kaloo kabadanba wax ka saar. Dhaqankii
reer guuraa-nimmodaa wali taagan oo dad baad arkeysaa daaro ka
bineeyey meelo aan deggis, furis reereed iyo ku ganacsi midna ku

habbooneyn oo dowlad hoose iyo tu dhexe toona aaney waxba ka
qaban amaba u qaban.
Sidii agabkii iyo aqal-soomaaligii aynu asalka ulahyn ee
Ayeeyooyinkeen iyo Awoowayaasheen ikhtiraaceen, Injineeradana ka
ahaayeen, kana sameysnaa xakabka iyo loolkii, dhigihii iyo udbihii,
qobtolkii iyo kebbeddii, alooladii iyo cawsaskii kala wada duwanaa ee
noocyada badan lahaa ama xeedho iyo faldhaankii, mooyihii iyo
midxinkii, masaftii iyo haamihii qaboda iyo cawaha laga toli jirey ku
dar intaan ka tegey ama aad taqaannoo, ee marka la guurayo iyo
marka la furayoba hal-haleelka lagu qaban jirey baa dadka qaar wali
daaruhu la yihiin in sidaas oo kale loo rari karo. Ku darsoo intaas oo
dhanna dibbed iyo dal shishe toona lagama keeni jirin ,dadkaa
sameysan jirey oo farsameysan jirey iyaka oo aan kambalka
reerahooda dhaafin. Waxaan daaraha lagu dhistana intooda badan
dibbeddaa laga keenaa hadda. ALLAH na kheyraadkii wuu ina siiyey
e innagaan si habboon oo miyir qabta uga faa’iidaysan inteynu isku
tashano.
Baddaas oo dhan maxaa horta ila xuley maan ka hadlo sheekadii
dumarkii is dhaley e gobta ahaa ee aan qalinka u qaatey?!
Haa!…. waddadii aan sheekada ka bilaabey anoo maraya oo ah mid
aaney dad iyo baabuur toona isku weydaaran karin oo hareeraheeda
maqaaxiyo lagu qayilo, kuwo raashinka bisil laga cuno, kuwo laga
shaaho, meelo dhar noocyo kala duwan lagu iibsho, dukaamo iyo
bakhaaro is wada dhex yaal baan dhex jibaaxayaa. Waxa iga dhex
guuxeysa waxa loo kala habeyn waayey, haddey taas kawaayeen
ciddan canshuurta subax walba ka gurtana ay iyaguba isku abaabuli
(organize) waayeen. Halkaas haddaan marayo uun baan waxan ku
warhelay mar keliya anoo gaadhi JEEP ah oo dusha ka furan oo aanan
noociisa oo kale magaaladda hore ugu arag dhirbaaxo indhaha kaga
bakhtiyey. Yaabey ana siday dhirbaaxada an gaadhigan kaga dhuftey
fuqa sare ee kawarka dushiisa ah faarkii gaadhiga ee indhaha iga

hayey ee aan wax ba ka arki la’aa ugaga bakhtiiyey iyo waxa iigeeyey
gacanfudeydka intaas leeg.
Ileyn naxdin looma dhinto! misa gaadhiga gabadh baa wadata aan
da’deeda sodomaadka iney madaxa la gashey ku qiyaasey. Waxa la
socota hooyadeed iyo gabadh yar oo aan afar ilaa shan sano jir
umaleeyey oo ay iyadu dhashey sidaan gadaal ka ogaadey,
dhammaantood na xagga hore ayey fadhiyaan. Gaadhigu wuxu taagan
yahay waddaas cidhiidhiga ah ee aan marayo dhexdeeda oo ay
iyaguna waa dumarkan is dhaley e’, ka baayacayaan alaabo meherad
jiingad iyo alwaax ka sameysan oo waddadan cidhiidhiga ah ku dhex
taal.
Indhahaa kuu shidan oo faar(phare) kaa kuu baxaya anana indhahaad
naga qaadey oonnu midh ka arki weyney! Haddana intaas baa
afkeyga kasoo baxdey, laakiin markii hore garaacistii gaadhidhu wax
ay iga ahayd ba markan hadalku wuxuu iga yahay is-difaacid.
Ileyn gabadh gaadhi wadata lagama lug baxee! maxaa kaaga soo
socda tolow baan hoosta iska leeyahay, Allow muu nin ahaado
wuxuun baad kala yeeli lahaydeen iyo boqolaal wax oo kalaa
madaxayga ku soo daadanaya, dhidid kuus-kuusan na shax buu iga
soo yidhi!
Gabadhii iyadoon isba waalin oo aad u deggan bey raali galin ku
bilowdey.
Kuye wiilyahow raali naga noqo horta, waan iloobey inaan indhaha
gaadhiga ee iftiinka dhaadheer (phare)leh bakhtiiyo, midda kalena
haddii aanu dariiqa dhan uga bixi lahayn marka horeba looma sameyn
waddadan meel looga baxo(Parking), dadkii na dhan walba wey kasoo
galeen kuna soo durkeen, baabuurtana lagama xidhin oo waddada
dhan kaliya (one way) u socdana lama odhan, hadduu dab ka kacona
ALLAH ha inaga hayo e’, dad wax ka baxsadaba hubaal hantida
suuqan dhex taal way shufbeeli doontaa, dadka intooda ugu badan ee

ku caydhoobi doontana haddey taasi dhacdona waa danley iyo danyar
dumar u badan.
Dabadeedna markey intaas gabadhii tidhi waan nafisey, oo markale
dib isugu noqdey iyadoo ay igu adagtahahay inaan rumeysto ama iga
degto warkan gabadha igaga soo noqdey.Yaab kale waxa uu ahaa
gabadhan hooyadeed waxba naguma darsan dooddii aniga iyo
Inanteeda na dhex martey aan ka ahayn markhaati. Hooyo inanteeda
lagu ag-maagona haddaanay kabta kuula bixin waxa ugu yar eed ka
sugtaa saw cay maaha? Innaguna haddeynu Soomaali nahey maanta
haddey labo murmaan, ku mid uu garanayo la socda iska daa e’, ka
waddada maraya ee e idinku soo beydhaan idin kala xukumaya ama
dhan la safanaya. Muranku sidiisaba haddii loo daayo labada qof ee
bilowdey wuu iska damaa oo iyaga madhaafo, balse marku mid
saddexaad, afraad, koox ama wadari soo gasho, hadalkana la saydh-
saydhaa xaajadu murugtaa.
Anoo wali rumeysan la’ oo isu haysta inaan riyoonayaa gabadha
hooyadeed iyadoo dhoola caddeyneysa si kaftan ah iigu tidhi “waar
Eedo bal indhihii gaadhiga mar kale dhirbaaxo noogu shi”!?Intaan yar
khajiley baan hoos eeggey, dhididkii baan iska tirey, xaajadiina wey
iga baahdey.
Anoo madaxa xoqonayaa meel aan wax ka bilaabona garan la’ baa
gabadhii gaadhiga wadatey hadashey oo hooyadeed ku tidhi “hooyo
inanku wuu yar xanaaqey ee la saayir oo inanta yar iyo adiguba
dhaadhaca aan gaadhiga waddada meel uun uga saaro eh”.
Islaantii markey soo degtey baan ku idhi “Edo inanta maadigaa
dhaley”? haa bey iigu jawaabtey tan yarna Ayeey baan u ahay oo
iyadaa dhashey bey iigu dartey. Waxan mar kale weydiiyey yartan
Aabaheed, inantaada odeygeedii ama inankaad sodohda u ahaydna
mee oo halkuu idinkaga hadhey? Intaanay su’aashaas ka jawaabin,
anna aan ka dareemey wejigeeda in aan markale khaydka jiidhey ayey
yartii intey gacantii Ayeydeed ka muruxsatey orodey oo mar kaliya

daf tidhi meel halkeera oo ah dabo-kaayo lagu qayilo, durba waxay
jiidh-jiidhey dar meesha ku jaadaya, falaasado, kabayow kala kaan-
kaan ah oo buudho-buudho, dabo-geshiyo, jambalo iyo jaan-gari ama
cagba-cag leh. Garaabo aad moodo tigaad ama calaf dibi dammaan
loo dhigey oo meesha tuulan iyo weelal biyo ku jiraan oo hor sharaxan
colkaas mirqaamayey bey kol ba dhan u- dul martey oo jiidh-jiidhey.
Waxan is idhi soo qabo. Intey gas isiisey bey meel halkana oo qoyan
intey ku silbatey ku kuftey, oohina afka laba waax ka dhigtey. Intaan
soo kiciyey ayaan HOBBO idhi! Aanoo boodhkii iyo dhoobadii ka
tumeya ayaa hooyadeed soo joogsatey. Maxaa helay!….Maxaa heley!
bey cod dheer ku tidhi? Aniga oo aan juuq odhan, si aan wax u
sharaxana ay madaxeyga ka maqantey, ayaa yarta Ayeydeed, inantana
Hooyadeed oo markhaati ka ahayd dhacdadii si fiican ugu sharraxdey
gabadheeda.
Anoo is-canaanaya ayaan ku idhi “Bilisyahay Xaawaley bal mar kale
ha la iga raali noqdo waxan oo mashaqo ah anaa idin la soo galey eh”
Waxan weydiiyey wax aan idiin qaban karo oo aad iga codsaneysaan
socod horena waan leeyahey eh?
Gabadhii ayaa igu tidhi “Hooyadey iyo inantan yar iila sii joog, intaan
daaskaas ka soo qaadanayo adeeg fudud”. Intey gacantii yarta ii
dhiibtey oo ay aamusiisey, dhunkashana labada dhaban murxisey ayey
igu tidhi si kaftan ah “markan haddaan iyada oo ooyeysa inanteyda
aan jecelahay u soo noqd,o kab waxan ahayn kaaga shaqeyn
meyno”!.Tan yarna waxabad moodaa iney hanjabaadda hooyadeed ii
hanjabtey(kaftan)ku is-tareexayso.
Hooyadiibaa intey igu soo dhawaatey igu tidhi “Eedo haddeer
waadigii I weydiineyey halkuu nagaga hadhey wiilkii aan sodohda u
ahaa e aqoon intee le’eg baad u leedahay?
Waxan u sheegey in aanan u weydiin aqoon iyo garasho toonna ee
markaan arkey farxaddiina iyo deganaanshahii kaa muuqdey intaan
gabadhaada la murmayey ayuun baan is idhi inta kaliya e farxaddani

tebeysaa ee ka dhimmani waa yartan Aabaheed! Waan se dareemayaa
in aanad jecleysan su’aashaan ku weydiyey. Waxa jirana inaan
ogaado hadda iyo hadhow danbe toona u ma xiiso qabo.
Balse, waxa la yidhaahdaa gabadhi waa hooyadeed. Midna waligey
ma arag hooyo inanteedii loogu hor hanjabay ama lagu adyedoodey
iyo sidaad markii tan yar ee aad Ayeyda u tahay ooyey-sey u dajisey
gabadhaada waa wax aad u wanaagsan in dumar oo dhanna kaaga
daydaan mudan.
Shaw hooyadan ama Ayeeydani waxan aan leeyahay warba uma
hayso ee waxay la miirowsantahay su’aashaan weydiiyey oo xasuus
uur-kutaalo leh ku reebtey.
Waxay iga codsatey inaan si fiican u dhegeysto, anna waxan filayey
iney igu tidhaahdo faro-dheeri-daadii baad af-dheeri ku darsatey.
Eedo horta gabadhan agoonnimaan ku soo koriyey oo edbiyey,
waxna kusoo barey heerkaasna ku soo gaadhsiiyey, haseyeeshee
halkaan uga dhameystiri lahaa farxadeeda inta nolosheyda iyo teeda
ba ka hadhsan mid kayo horreyn ALLAAH oge, ayaan kala
dhantaaley.
Halkaas hadday marineyso hooyaddii ayaa gabadhii oo alaabo gacanta
ku sidataa nala soo joogsatey, hooyadeedna waa ay aamustey, bal se
intey gabadhu dareenka hooyadeed akhrisatey, ayay kaftan ku tidhi
“hooyo wiilka waa isugu kiin dhacdey, laakiin waqtigaa idinku yar
isna socod horuu inoo sheegey inuu leeyey”Anna waxey igu tidhi “ku
mahadsanid intaad yarta iyo maamoda sii maawelisey..nabadeey”
Intaan tii yareyd oon mar qudha nuuxsan intay hooyadeed maqnayd
gancanteeda u dhiibey anoo is weydiinaya yarta malaha xoogbaad
gacanta u xejisey misa sheekadda ayeydeed bey dhegta uraaricineysay
baan idhi kuligiin nabadeey, hana la isa saamoxo.
Qeybta labaad lasoco…

falcelinta kusoo dir Emailka: mourzal2020@hotmail.com