Go’itaan Mise Bixitaan? Keebaa ku haboon eray-bixinta siyaasadda? (WQ: Garyaqaan Hassan Mohamed)

Go’itaan Mise Bixitaan? Keebaa ku haboon eray-bixinta siyaasadda?

Somaliland miyay ka go’day Soomaaliya, mise waxa ay ka baxday Heshiiskii ka dhexeeyay? Waa su’aal aynaan in badan iswaydiin. Inta aanan u galin jawaabta su’aashaasi bal aan in yar hollado oo isku dayo in aan qeexo labada eray, erayga hore ee “go’itaan” waxa loo adeegsan karaa dhul ka go’aya dawlad la aqoonsan yahay, aalaabaana dawladaha jiraa ma soo dhaweeyaan go’itaanka gobol ka go’ayo dawlad dunida waxa u danbeeyay Sudan oo Koonfurta Suudaan.

Halka ka bixitaan loo adeegsado marka labada dawladood ama wax ka badani heshiis ay galeen oo midaw ama urur ay ka baxayso dawlad ka mid ah, waxana shardi ah in dawladaha heshiiska marka hore galay ay lahaayeen siyaado iyo madaxbanaani” tan danbe dawladaha ayay u taalaa in ay kala xaajoodaan bixitaanka dawladi ka baxayso heshiiska sida dawlada Ingiriisku uga baxayso Midawga Yurub, waxana dunida jira tusaalayaal badan oo dawlado inta ay heshiis midaw galeen markii danbe kala baxay, tusaalayaashaasi waxa ka mid ah Suuriyada iyo Masar oo inta ay midoobeen la baxay Jamhuuriyada Midawday ee Carabta, midawgaasi waxa uu jiray 1958 ilaa 1961 markaas oo Suuriyada iskeed uga baxday heshiiska, sidoo kale Sweden iyo Norway ayaa lahaa nidaam midaysan intii ka dhaxaysay 1814 ilaa 1905 tii taas oo loo yiqiin “United Kingdoms of Sweden and Norway” midawgaasi oo markii danbe iskii u baabaday dawlad kastaana soo ceshatay magaceedii hore.

Sidaa marka ay tahay mid ka mid ah eray bixinta qaldan ee dhinaca siyaasada ee aynu u adeegsano si isku mid ah siyaasi iyo aqoon yahan ba waxa ka mid ah erayga “go’itaanka Somaliland ama gooni-isku-taaga Soomaaliland” oo aynu u isticmaalno “ka bixitaanka midawgii Jamhuuriyada Soomaalida” erayga saxda ahi waa “bixitaan” cida aynu kala baxaynaana waa Jamhuuriyada Soomaalida oo aan maanta jirin ee iskeed u baaba’day.

Markii ay midoobayeen Somaliland iyo Somalia waxa ay ku midawbeen oo lagu wanqalay dawlad cusub oo magaceeda la yidhaa “Jamhuuriyada Soomaalida” taas oo sida laga dhadhansan karo magaca dawlad u ahayd dhammaan umadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogto, muwaadiniinteeduna ahayeen wixii ku abtirsada Soomaali, meel kasta oo ay joogto, hiigsigeeduna ahaa in hal calan la hoos keeno dhammaan umadda Soomaaliyeed, laba dawladood ee midawbayna ay horseed ka ahaayeen, waliba dhinaca Somaliland aad ugu waynayd.

Bal aynu dul istaagno jumlada ku jirta heshiiska labada dawladood ee u dhigan sidan: “all rights lawfully vested in or obligations lawfully incurred by the independent Governments of Somaliland and Somalia … shall be deemed to have been transferred to and accepted by the Somali Republic upon its establishment”. Heshiiskani in kasta oo uu lahaa ciladihiisa sharci, haddana waxa uu inoo cadaynayaa in labada dawladood oo mid kastaa madax banaan tahay oo kala ah  Somaliland iyo Somalia ay sameeyeen Jamhuuriyada Soomaalida “Somali Republic” taas oo loola jeeday dawlad ay wada leeyihiin dhammaan cida ku abtirsata jinsiga Soomaaliga sida Soomaalida Kenya, Itoobiya iyo Jabuuti, Jamhuuriyadaasi oo markii ay suurtogeli wayday loo badalay Jamhuuriyada Soomaaliya, si khilaafsan heshiiska labada dawladood galeen. Jumladaa heshiiska midawga ku jirta waxa kale oo si cad ugu muujisan in labba dawladood oo kala madaxbanaani ku heshiiyeen in ay dhistaan dal leh magac ka duwan ka ay markaa siteen. Halkaa haddaan hoosta ka xariiqo wixii ka horeeyay heshiiska may jirin Jamhuuriyad sheegata Soomaalidu, balse waxa jiray Somaliland oo maxmiyad ahayd iyo Soomaaliya oo haysatay maamul hoosaad, iyo Soomaalida kale oo hoos imanayay Itoobiya, Kenya iyo Jabuuti oo markaa Faransiis haystay.

Sidaa darteed, reer Koonfureerku waxa ay jabiyeen heshiiskii koowaad ee aynu wada galnay sanad ka dib, markaas oo Dastuur cusub loo sameeyay Jamhuuriyada magac cusubna loogu wanqalay. Dastuurkaasi dadka reer Somaliland diidmo qayaxan ayay ku diideen, markaa dhinacooda kama noqon dhaqangal. Ka dib Burburkii Soomaaliya reer reer Koonfureerku waxa ay qaateen nidaam kii hore ka duwan, iyada oo mar labaad aan wax ogolaansho ah laga hayn dhinaca Somaliland. Sidaa darteed, horta ma jirto sabab aynu reer Koonfur u wada hadalnaa ilaa la isla ogolaanayo wixii lagu heshiiyay iyo inta goor ee ay jabiyeen iyo in aan laga haysan ogolaansho shacabka Somaliland, waayo Jamhuuriyadii Soomaalida “Somali Republic” waa ay baaba’day, dhinac kama nihin waxa loo yaqaan Dawlada Federaalka ee Soomaaliya, metelaadna kuma lihin sifo sharci ah aynu u dooranay ama la inoogu matalay, maxlal kasta oo siyaasi ahi siyaasada iyo rabitaanka shacabka ma daadafayn karo.

Marka ay Sidaas tahay, wadahadal kasta oo lala yeesho cida sheegata Dawlada Federaalka ee Soomaaliya waxa ka horeeya oo shardi u ah in marka hore la isla qiro, oo la isla ogolaado, qodobadan hoos ku qoran:

1. In aynu ahayn labada dawladood oo kala madaxbanaan oo si xor ah u midoobay;

2. In magaca aynu ku midawnay ahaa Jamhuuriyada Soomaalida;

3. In magacaasi cid maanta wadataa aanay jirin, labada dhinacna kala wataan Somaliland oo magaceedii hore lasoo noqotay, iyo Dawlada Federaalka Soomaliya oo dhalatay wixii burburka ka danbeyay sida uu Dastuurkeedu qabo;

4. Qodobada laga wada hadlayaa ku qotomaan ka bixitaanka iyo buritaanka heshiiskii midaw ee ay galay;

Inta aan qodobadani taagan yihiin ma jiri karo wadda hadal midho dhal noqon karaa, maadaama oo aan la isku waafaqsanyn mabaa’diida waawayn ee saamaynaya wada-hadalada. Isla markaana arrinku yahay maan baray iyo maan bilaal.

Wa Bilaahi Tawfiiq