Go’itaanka Soomaaliland sidee ayuu ku yimid?! (WQ: Cali Sh. Maxumed Cabdi “Ileeye”)

Xasan Ciise Jaamac* ayaa ka warramaya:
” Yaxye Xaaji Ibraahin oo reer Gebilay ah iyo Axmed Maxamed Halac oo Burco barigeeda ah ayaa hoggaaminayay rayigaas —in la soo celiyo madaxbannaanida Soomaaliland oo ii la yimid [Aniga oo ah Xasan Ciise Jaamac, reer Balligubadle]. Markii hore [arrinkaas] lamaan qaadan, laakiin markii danbe ee aan fikiray ee aan arkay dareenkii dadka caadiga ah waan ku qancay. Laakiin Cabdiraxmaan Axmed Cali* [HY] ayaa ku qanci waayay. Odayaal badan oo kale oo SNM ahina, imika waxba u geli maayee kumay qancin. Laakiin raggii aan ka tirsanaa, ee ka da’yaraa odoyaashaasi waanu ku qanacnay. Oo waxaanu aragnay dareenkii dadkeennu inaanu qaadayn karayn ba xaggaa [koonfur] in wax danbe lala wadaago.

Markii aanu ku qanacnay, Cabdiraxmaan Axmed Cali waanu ka wadahadalnay, wuxuu yidhi, “Xasanoow haddii arrintaasi shirkaa Burco ay soo baxdo oo la qaato oo la go’aamiyo anigu istiqaaladii ayaan dhiibayaa ee diyaargarow.” Odayaal badan oo kalena halkaas ayay ka taagnaayeen oo SNM ah. Waxaan arkay markaa inay arrintaasi xoog tahay oo taageero badan ay wadato. Shir hordhac ah ayaanu ku qabannay Hargeysa, oo aanu dadka ku tijaabinaynno ra’yigooda. Waxaanu aragnay inay dad badani taageersan yihiin. Markaa waxaan sameeyay si aan maamulkan cusub ee kumeelgaadhka ah iyo dadku isaga hor iman, Burco ayaan ka hortagay Cabdiraxmaan. Shirkii baan qabtay keligay, oo aan guddoomiyay. Hawshii baan socodsiiyay. Maalintii ugu danbeysay ee aanu go’aanka soo saaraynay, ee aan guddiyadii saaray, ee guddiyadii soo shaqeeyeen, ayuu Cabdiraxmaan noo yimid. Waxaanu samaynay hordhac [ka gaadhsiis] arrintii oo aanu dhammaynay ayuu Cabdiraxmaan noo yimid.

Midigtaan soo fadhiistay, Sheekh Ibraahinna bidixdaan fadhiisiyay; waxaan idhi dhageysta go’aamadii shirka. Sidaasay arrintu u dhacday [arrinka go’itaanku].”

* Xasan Ciise Jaamac; Guddoomiyexigeenkii u danbeeyay ee SNM, isla markaana noqday madaxweynexigeenkii ugu horreeyay ee Soomaaliland.
* Cabdiraxmaan Axmed Cali; Guddoomiyihii u danbeeyay ee SNM, ahaana madaxweynihii ugu horreeyay ee Soomaaliland.

Maxaa kuu baxay?

Hadalka Xasan Ciise oo duuban, eeg faallada koowaad.