Goolab iyo sigiijin ma aan aqoon qaamuuskana kuma jiraan (WQ: Jaamac Muuse Jaamac)

Waxa aan tagay shalay Taysa. Qiyaastii 30 Km u jirta Hargeysa, dhinaca galbeedka meel ku beegan Arabsiyo marka looga kaco xagga hawdka. Waa dhulbeereed. Waxa u soo go’ay canbe-babay iyo sisin, waxana la joogay afar dumar ah oo kala-haadinayay sisinta. Waxan ka soo bartay toddobadan siyood ee hufidda loo adeegsado: Asoorid, Dhebaandhebid, Hufid, Goolab, Haadis, Dulkaxaadin iyo Sigiijin.

Ereyadan qaarkood ma aan aqoon, sida goolab iyo sigiijin, qaamuuska Afsoomaaliga ee qoranna kuma jiraan. Inkasta oo goolab ay ugu jirto sharrax ahaan iyada oo erey kale la macnaynayo, haddana labadooda midna kama mid aha erey saleedyada ku taxan qaamuuska.

Ereyada kale ee la xidhiidha hufidda, waxa ka mid ah “Meeris” (magac lab), taxanaha goobooyinka ee tolliinka weelka la tolayaa raaco; “Rigrigid” (magac dheddig), adkaynta meeriska ugu danbeeya kolka tolliimadu dhammaato; “Gaar” (magac lab), dahaadh maas ah ama shiraac ah oo masafta xagga hoose lagaga tolo; “Idiin” (magac lab), haragga la muldhiyey ee “gaarka” loo adeegsado; “firi” (magac dheddig), midhaha (hadhuudhka ama sisinta kolba wixii la hufayo), “Idhan” daliigga meeriska ah ee weelka la tolo; rogid (fal), kolka la soo qalloociyo masafta tolliinkeeda si ay weel godan u noqoto; iyo “Afmeer” (magac lab) oo ah meeriska ugu danbeeya marka la soo “rogo” ee weelka tolliinku dhammaado, waana halka “rigrigista” u baahan.

Fg. Taladii Mohamad Hirsi G Abdibashir ee in la duubo waged, waxaan kusoo daray filimkan yar.

https://www.facebook.com/jamamusse/videos/10157451703187219/