Gorfayn: Doorka Qurba-jooga Somaliland: Siyaasada, dhaqaalaha iyo musuq-maasuqa: Qormadii 2 aad (W.Q: Maxamed Cabdikarim “M-Maarshaal”)

Dhaqaale intee leeg ayay masuuliyiinta qurba joogga ah ee la magaacaabaa u diraan dibbaddaha? Doorka qurba joogga ee musuq maasuqa, tahriibka iyo qabyaaladda? Doorkii dhismaha iyo yagleelka qaranimadda Somaliland?

2.3: Muwaadiniinta labadda jinsiyadood sita maxaa ka reeban

Inta badan waddamada qaaradaha kala duwan ee adduunku, intoodda ogol labada jinsiyadood, waxa shuruucdooda ku qoran in aan muwaadinkaa labada jinsiyadood sita aan loo dhiibin, Xafiisyada dawladda ee muhiimka ah iyo waliba in aan la qori karin kuliyadaha militariga, tiro aad u yar oo laga xusi karo Israa’iil ayaa ogol in muwaadinka Israa’iiliyaanka ahi in isagoo jinsiyad kale sita hadana qaban karo xilalka waawayn ee waddanka, waana arrin inta badan aan ka suurto galin adduunyada kale, Israa’iilinimadu waa waxwayn dhexdooda, mana khiyaami karo waanay adag tahay in uu dano shisheeye u adeego isagoo xil waddankiisa u haya.
3.0: Qurba-joogga Qaaradda Afrika

Qurbo-joogga Afrikaanka ah ee ku kala filiqsan daafaha dunidda waxa lagu qiyaasaa 169 milyab, sid uu bangigga adduunku sheegay warbixintiisii 2012 (world bank:2012), qurbo joogga waddamadda Afrikaanku waxay door wayn ku leeyihiin horumarka qaaradda africa, Siyaasadda, dhaqaalaha iyo horumarka guud ahaan. Bal aynu daalacano Qurja-joogga qaaradda Afrika ee waddamadda Nayjeeriya iyo Masar.

3.1: Nayjeeriya

Waddanka Nayjeeriya waa waddanka ugu qurbo-joogga badan Qaaradda Afrika waxa lagu qiyaasaa in ka badan 17 milyan oo Nayjeeriyaan ahi ay yihiin qurbo-joog ku kala filiqsan dacaladda dunnidda, (World Bank: 2012). qulqulka aqoonyahanka, dhallinyaradda, waxgaraddka iyo hormoodka bulshada oo ay sabab u tahay, siyaasad xumo iyo xukuno macangag ah oo shacabka dhaxalsiiyay, duruufo nololeed oo xun, fursad la’aan, musuq maasuq, dhaqaale xumo, caddaalad daro iyo collaaddo sokeeye.

2012-kii wax-soo-saarka iyo dakhliga waddanka soo galay ee loo yaqaano ( Gross National Product GNP) boqolkiiba toban 10% ayaa laga helay qurbo-joogga Nayjeeriya  oo xawilaadaha la soo dhigay oo u dhigmaysay 21 bilyan oo Doolarka Maraykanka ah. (World Bank: 2012).

3.1.1: Doorka siyaasadeed ee qurba-joogga Nayjeeriya

Qurba-joogga Nayjeeriya si dadban iyo si toos ah ayey saamayn ugu leeyihiin siyaasadda iyo dhaqaalaha waddankaas, sharcigga jinsiyadaha Nayjeeriya wuxuu ogolyahay in muwaadinku yeelan karo laba dalasho (dual citizenship), balse muddo dheer waxa siyaasadda ku soo botorinayay qurba-joogga, waxay taasi horseeday dhacdooyin soo dadajiyay in siyaasadda waddanka Nayjeeriya laga xakameeyo qurbo-jooga, waxaana ka mid ahaa dhacdooyinkaas:-
1. Musuqmaasuq baahsan oo ay khayraadkii waddanka kaga gateen guryo waddamadii ay dhalashooyinkooda siteen.
2-Waxa sare u kacay, qulqulka dhalinyaradda iyo aqoonyahanka, iyadoo qurbo-joogga ku soo fatahay waddanka, ee misana boobay hantidii Qaranku ay dhiirigalisay tahriibka.
3-Hoos-udhac wayn oo dhaqaale oo waddankii soo foodsaaray iyo dagaalo salka ku haya kala jiidasho khayraadkii waddanka ah.
4- Waxa khilaaf iyo kala qaybsanaan wayni ku dhex timid qurbo-joogii Nayjeeriya.

3.2: Masar

Waddankan Masar oo ah waddan xadaaraddo waawayn oo qadiimi ah leh, kana mid ah waddamadda ugu dadka badan Qaaradda Afrika, tiradda qurba-joogta reer Masar ee ku kala quban daafaha dunidda waxa lagu qiyaasaa 2.7 Milyan oo Masaari ah, waa waddan waxsoor badan leh. (World Bank: 2009)

2009-kii, sida laga soo xigtay bangiga adduunka, Masar waxay noqotay waddankii ugu badnaa barigga dhexe oo dhan, ee hela qaadhaanka qurbo-joogaa (remittances), xaddi lagu qiyaasay $7.8 bilyan, waana boqolkiiba 5% dakhliga dhaqaale ee waddanka soo gala. Waddanka oo leh wax-soo-saar, hormarna ka gaadhay dhinaca ciidamadda iyo warshadaha. (World Bank: 2009)

3.2.1 Doorka siyaasadeed ee qurba-joogga Masar

Qurba-joogga waddanka Masar waxa lagu tiriyaa, qurba-joogyadda ugu xirfadaha badan, ee aqoon iyo kartiba leh, sumcadna ku dhax leh waddamadda ay ku nool yihiin.
Taariikhda Masaariddu waxay ku abtirsataa, xukun milatari iyo afganbiyo siyaasaddeed. Inta badan waxa maamulayey ciidamo, sharcigga jinsiyadaha waddankaas ayaa ogol in muwaadinku yeelan karo laba sharci (dual citizen ship), sharcigu wuxu kaloo dhigayaa, in qofka haysta laba sharci, ay mamnuuc ka tahay in uu ka mid noqdo ciidamadda ama la qoro kuliyadaha ciidamadda ama uu isku soo taago doorasho baarlamaan. Waxay ka hortagaysaa in la dhiirigaliyo tahriibka, boobka hantidda qaranka iyo in ay tartan u soo galaan qurba-joogu kala hororsashadda xilalka dawladda.

4.0: Qurba-joogga Qaaradda Aasiya

Qaaradda Aasiya oo ah qaarad aad u balaadhan, waxaynu si kooban ugu lafa guri doonaa waddanka Hindiya oo ka mid ah waddamada horumarka balaadhan ka gaadhay dhinaca, wax-soo-saarka warshadaha, beeraha, tiknoolajadiyada iyo dhinaca xirfadaha dadka.

4.1: Hindiya

Waddanka Hindiya waa waddan baaxad ahaan, dad ahaan, aqoon ahaan, tiknoolajiyad ahaan, iyo wax-soo-saar ahaanba ah waddamada ugu horumarsan Qaaradda Aasiya, tiradda qurba-joogga Hindiyaa waxa lagu qiyaasaa 28,455,026 (Siddeed iyo labaatan milyan, afarboqol iyo shan iyo kontonkun iyo lix iyo labaatan), Qurba-joogga Hindiya waa kuwa ugu muuqa dheera waddamada ay dageen, lana fal galay, horumar baaxadlehna ka sameeyay. Waddanka Hindiya oo ah dal dimuquraadi ah wuxuu dhiirigalin, taageero iyo soo dhawayn u sameeyaa qurba-joogiisa asal ahaan ka soo jeedda waddankiisa, Waxay u abuureen komishan arrimaha qurba-joogga qaabilsan, si loogu dhiiri galiyo soo dhawyantooda iyo maalgashigoodaba.

4.1.1: Doorka siyaasadeed ee qurba-joogga Hindiya

Waddankan Hindiya waa mid ka mid ah waddamadda ugu horeeya adduunyadda ee hella lacagaha qurba-joogga ee ugu badan dib ugu diraan waddamoodii. 2013kii waxa waddanka Hindiya qurba-jooggu u soo direen $70 bilyan oo dollar, waa xaddi lacageed oo tiro baddan, kana noqonaysa dakhligga guud ee waddanka 4% (World bank: 2013), miisaan balaadhan ayay ku leeyihiin, door muuqdana way ugu jiraan dhaqaalaha waddankaas, arimaha siyaasadda markaynu eegno, waxay ku xidhmaysaa ‘Indian citizenship law’ ama xeerka jinsiyadaha oo dhigaya in aanay Hindiya ogolayn muwaadin laba jinsiyadood sita in loo dhiibo mansab dawladeed ama la qoro kuliyadaha ciidamada. muddo badan oo ay dood iyo halgan baddan ku jireen qurba-joogu waxa loo ogolaaday aakhirkii in ay helikaraan fiisaha dal ku galka dhowrka jeer ah oo ay waddanka soo booqan karaan markay doonaan, intay doonaana jooggi karaan, laakin waxa ka reeban in aanay maalgashan karin beeraha sidoo kale aanay qaban karin xafiis dawladdeed……La Soco……

Hoos ka akhriso maqaalladii hore ee Maxamed Cabdikariim “Maxamed-Maarshaal

Doorka Qurbe-joogga Somaliland: Siyaasadda, dhaqaalaha, musuq-maasuqa

Maxamed-Maarshaal Cabdikariim wuxu si adag u naqdiyey Wasiir Xirsi iyo Somaliland Today

Faallo: Jahawareerka siyaasadda hoggaamineed ee xisbiga UCID 

Ma laga yaabaa doorasho in ay dhacdo 2017-ka? 

Anteennada lacagta

Weerarkii Faysal + Garnaqsigii Muuse + Isdhul-dhiggii Cabdiraxmaan Q.3aad 

Weerarkii Faysal + Garnaqsigii Muuse + Isdhul-dhiggii Cabdiraxmaan Q.2aad 

Weerarkii Faysal + Garnaqsigii Muuse + Isdhul-dhiggii Cabdiraxmaan Q.1aad