Gorfayn: Doorka Qurba-joogga Somaliland: Siyaasada, dhaqaalaha iyo musuq-maasuqa: Qormadii 5 aad (W.Q: Maxamed Cabdikarim “M-Maarshaal”)

Dhaqaale intee leeg ayay masuuliyiinta qurba joogga ah ee la magaacaabaa u diraan dibbaddaha? Doorka qurba joogga ee musuq maasuqa, tahriibka iyo qabyaaladda? Doorkii dhismaha iyo yagleelka qaranimadda Somaliland?

5.8: baratanka qurbaha ee masuuliyiinta dawladda

War-warka iyo walbahaarka laga qabo ku noolaanshiyaha Qarankani, waxa tusaale kooban kuugu filan, masuulka la magacaabo ama xil loo dhiibo ee waddanka degaanka ku ahi, waxa ugu horeeya ee maankiisa ku soo dhacaa, waa sidii uu qoyskiisa u tahriibin lahaa, isagoo ka bilaabay afadiisa iyo ubadkiisa, waxa uu qabaa war-war nololeed, war-war dhaqaale, war-war rajo iyo war-war daganaanshiyo, ku darsoo waa kii loo doortay , in uu abuuro ididiilo, rajo iyo nololba, sababtuna waa marka ciddii ka saraysay ay yihiin qaar ay maankooga ay buux dhaafisay waynaynta qurba-joogga.

Gabo Gabo iyo Tallo bixin

6.1: Gabo Gabo

Khilaafka, kala daadsanaanta, xifiiltanka iyo u soo kala dheeraynta mansabyadda xukuumadda iyo waliba sheegashadda cido gaara ah hadba guulaha ay qurba-joogu gaadhaan, waxay horseeday, in awoodii, isku-duubnidii, sumcadii iyo cududii qurba-joogu lunto, oo ay u kala falfaliidhmaan darafyo, xaafado iyo ururo yar yar, waxa ku yimid hoos u dhac wayn, halgankii ay ugu jireen iibgaynta qaranka, sababtuna waxay tahay:

  1. Adduun lacageed oo xaddi badan oo laga soo urursaday qaranka kadibna lagu maal gashaday dibeddaha ayaa keenay khilaaf dhaqaale oo soo kala dhex-galay qurba-jooga.
  2. Qurba-jooga oo aaminsanaa in dalkoogu yahay sabool, kana go’anayd in ay waxtaraan waddankooga, ayaa dhaqaalaha adage ee laga soo boobay iyo soo dhawaymaha tiro beelka ah, iyo lacagaha qurba-joogga cid gaar ah la siinayo ay sababtay kal qaybsanaan wayn oo dhex timaada.
  3. Tahriibka oo sare u kacay tan iyo dib ula soo noqoshadii Somaliland, iyadoo tiradii ugu badnayd ee dhallinyar ahina ay ku lee’atay badaha, ayaa  xafladahan qurba-jooguna isa sii kaba raaciyeen huubihii hadhay.

6.2: Tallo Bixin

Inagoo raacayna shuruucaha inta baddan u yaala dunida ee jinsiyadaha, xakamaynaynana khilaaf ba’an oo qurba jooga ku yimaadda dhexdiisa sidoo kalena ka fikirayna sare u qaadidda dawllad wanaaga iyo dhiirigalinta bulsha waynta reer Somaliland, waxaa muhiim ah in:

  • Wax ka baddal iyo kaabid lagu sameeyo xeerka jinsiyadaha ee (Xeer Lr.22/2002).
  • In masuulka qurba-joogga ah ee xil loo magacaabayaa daganaado 5 sano waddanka isaga iyo qoyskiisu, si ay xogogaal ugu noqdaan, heerka waxbarasho, caafimaad, dalxiis, nasasho iyo ciyaaraba
  • Si waddanku horumar balaadhan ugu talaabsado loona dhiiri galiyo in dadku ay waddankooga joogaan, hoosna loogu dhigo tahriibka, waa in masuulka qurba-jooga ahi daganaadaa waddanka isaga iyo qoyskiisu
  • Si aanay u dhicin in masuulka qurba-jooga ahi marka xilku ka dhamaado uu u huleelo waddankii ubadkiisa iyo noloshiisuba taalay ee uu sharcigiisa sitay, una dareemo qiimaha waddaniyada, waa in shuruudaha qofka xilka loo dhiibayo la qeexaa, si hufana loogga baaran dagaa
  • In la dhaqan galiyo xeerka ka-hortagga ku tagrifalka hantida qaranka iyo ladagaalanka musuqmaasuqa xeer No.38/007
  • In la qeexo masuuliyadaha iyo waajibaadka xilalka ay dawladdu magacaabayso, si loo helo kala xadayn awoodeed, shaqooyinkuna u kala socdaan, la xisaabtankuna u fududaado
  • In la xoojiyo dawlad wanaaga, sharciguna uu noqdo ka damaanad qaadaya xuquuqaha muwaadiniinta si ay meesha uga baxdo, eexda, qabyaaladda iyo kala qaybsanaanta bulshadu
  • In dib loo soo nooleeyo, midnimadii, jacaylkii iyo awoodii qurba-joogga, si simana ay ugu yeeshaan xuquuqda waddanka.
  • In hoos loo dhigo waxkasta oo dhiiri galin kara, in dhallinyaraddu sibiq dhaqaaqaan, holladaana in ay u tahriibaan waddamo shisheeye
  • In dib loo nooleeyo waddaniyadda, laguna abuuro dhallinyaradda jacaylka waddanka iyo qiimahiisa, sidoo kalena loo raadiyo fursaddo loogu abuuri karo shaqooyin
  • In ay ka waantoobaan qurba-jooggu, kala qaybinta bulshadda masaakinta ah, sidoo kale ay ka fogaadaan in ay adduun lacageed ku bixiyaan hurinta collaadaha iyo daadashadda dhiiga walaalahood.

TIXRAAC

__________________________________

http://moia.gov.in/services.aspx?ID1=300&id=m9&idp=59&mainid=23

http://www.egypt.iom.int/Doc/IOM%20Migration%20and%20Development%20in%20Egypt%20Facts%20and%20Figures%20(English).pdf

http://indiandiaspora.nic.in/mandate.htm

http://siteresources.worldbank.org/INTDIASPORA/Resources/AFR_Diaspora_FAQ.pdf

http://homecomingrevolution.com/blog/2013/10/10/african-diaspora-statistic/

https://en.wikipedia.org/wiki/Indian_nationality_law

https://en.wikipedia.org/wiki/Remittances_to_India

https://en.wikipedia.org/wiki/Convention_relating_to_the_Status_of_Refugees

https://en.wikipedia.org/wiki/Somali_diaspora

http://ww.merit.unu.edu/refugee-diasporas-as-development-actors/

 

DHAMAAD