Q4: Garba duubkii Buugta ubadka wax laga baro lagu sameeyey markii la diyaarinaayey:
Hordhac:
Waxaynu qormooyinkii hore kaga soo hadalnay ujeedooyinka waxbarashada qaranka iyo mabaadii’da guud ee waxbarashada qaranka Somaliland, qormadda 4aadna waxaynu ku lafa guraynaa oo si balaadhan ugu eegaynaa diyaarintii buugta lagu barto casharada uu jaangooyey muqararkeenu oo ah qaybta sheegta waxa la dhigan doono iyo xiliyada kala danbeeya ee la baran doono.
GARBA DUUBKA DIYAARINTII BUUGTA:
Buugta maanta casharada laga dhigto ee Somaliland waxaa la diyaariyey mudadii lagu guda jiray sanad dugsiyeedkii hore ee 2015 – 2016, waxaana la soo daabacay bilowgii sanad dugsiyeedka iminka lagu gudo jiro; hadaba sidee loo diyaariyey buugtaas? Barayaasha diyaariyey sidee baa lagu soo xushay? Waa maxay sababta keentay in loo soo xusho qaabkii loo xushay? Dhamaan gobolada Somaliland ma ka wada qayb qaateen? Maxay uga wada qayb qaadan waayeen? Somaliland waxbarashadeedu ma gobolo gaar ah ayey khusaysaa? Buugtan la soo daabacay ma yihiin kuwo ku haboon in loo adeegsado dugsiyada Somaliland ka jira? Dhibaato cusub ma abuureen iyaguba? Maxay ahayd sababta looga dan lahaa diyaarinta buugta?
Hadaba qormadan waxaynu ku qaadaa dhigaynaa qaar ka mid ah waydiimahan inagoo dul istaagayna, hadaan ugu horayn soo qaato; hadaba side loo diyaariyey buugtaas? Barayaasha diyaariyey sidee baa lagu soo xushay?
Buugtan waxaa loo hanaaniyey si aan garaad sare iyo garasho xeeldheer midkoodna wadan, waayadeed waxaa la soo ururiyey xoogaa barayaal ah oo ku dhaqan magaalada hargaysa iyo midhadh lagaga soo daray Boorama, kuwaasina waxay keeneen qormo diyaarintoodii (teaching notes), halkaas waxaynu ka fahmi karnaa in buugta wax laga bartaa ay tahay qormo diyaarintii qaar ka mid ah barayaasha Hargaysa iyo Boorama, loomana gogol dhigin qorshihii iyo hanaankii loo mari lahaa diyaarinta buugaagta wax laga bari doono ubadkeena Somaliland. Hadaba siday ahayd in loo diyaariyo ama loo yagleelo marka la rabo in la diyaariyo buugaag qaran leeyahay?
Markaan rabno in aynu ka hadalno wax sax ah oo qaran wadaago danta qarankuna ku jirto, taasoo aynu ka bar tilmaamsan karno arimahan dhawrka ah ee hoos ku suntan:
- In marka hore la dejiyo qorshaha guud ee la rabo in tusmo dhigaalka qaranka loo diyaariyo
- In xog ururin lagu sameeyo guud ahaan barayaasha khibrada dheer leh ee dalka jooga iyo goobaha ay ku kala sugan yihiin
- In la gundhabo qarashkii arintaas lagu meel marin lahaa si loo samayn karo xog ururinta rasmiga ah
- In la sameeyo cilmi baadhis khusaysa meelaha laga keeni doono tusmooyinka la diyaarin doono, si loo helo tusmo dhigaaleed xanaf tiran oo anfacda Somaliland.
- In guud ahaan Wasaarada Waxbarashada iyo tacliinta sare ee gobolada iyo xarunta guud ee qarankuba ka wada yeeshaan shir guud si looga arinsado diyaarinta tusmo-dhigaalka (Textbooks or course contents)
- In lays waydiiyo mudada ugu haboon ee ay arintani u baahan tahay iyadoo lagu xisaabtamaayo dhaqaalaha la haysto, khuburada u heeganka ah diyaarinta
- In la dejiyo siyaasada lagu soo kala xulanaayo barayaasha khibrada dheeraadka ah leh ee ka bixi kara diyaarinta buugaagta
- In lagala tashado dhamaan jaamacadaha qaranka ha ahaadeen dawli ama kuwo gaar loo leeyahay
- In la bar tilmaameedsado barayaashii hore ee aan maanta ku guda jirin waxbarashada ee ah hawlgabka guryahooda iyo rugahooda ku sugan si loo manaafacaadsado khibradooda dheeraadka ah
- In la diyaariyo gudi hufan oo ka hawl gasha buugaagta qaranku yeelan doono
- In la diyaariyo gudida tafatiraysa (editors) buugaagta si looga ilaaliyo dhamaan khaladaadka ay yeelan doonaan
- In la ogaado xadiga buugaag ah ee qaranku u baahan yahay iyo siday ku hir geli karto daabacida xadigaas buugta ah
- In la ogaado madbacada qaranku in ay daabici karto ka hor intaan la siin ganacsato
- In lays waydiiyo hal mar ma la wada diyaarin karaa buugaagta ay adeegsan doonaan heerarka waxbarasho ee kala sareeya sida dugsiyada hoose, dugsiyada dhexe iyo dugsiyada sare.
Barahaas iyo kuwo ka sii badan ayaa loo baahan yahay ka hor intaan la guda gelin in gorfayntoodu sii dhacdo lagana sii baaraan dego. Hadaba sidaas iyo si la mid ah midkoodna ma qabsoomin ee waxaa lagu sameeyey GARBO DUUB AAN GABASHO LAHAYN, waxaa ugu horayn la sameeyey in loo yeedho tiro barayaal ah oo wasaarada waxbarashada ee qaranka madaxdeeda xarunta qaranka saaxiibtinimo dhow la wadaagta, iyaguna hawshii iyagoon ka fiirsan ayey iska guda galeen; waxaa intaas lagu daray uun in loo yeedho qaar ka mid ah barayaasha ka hawl gala jaamacadaha Camuud iyo Hargaysa oo aan iyaga uga mahad naqaayo intay qabteen. Qoladii dhalinyarada barayaasha ah ahaydna waxay sameeyeen in ay soo ururiyaan xidhmooyinkoodii ay caruurta u dhigi jireen, ka dibna waxaa lagu sheegay buugaagta lagu baran doono manhajka qaranka Somaliland, manhajka qaranka Somaliland ma u qalmaa in xoogaa qoraalo ah oo midhadh barayaal ahi leeyihiin in lagu masaalo?
Markaynu halkaas ka nimaadno waxaa iyaduna is waydiin mudan ma la sameeyey cilmi baadhis mug leh oo anfacda waxbarashada qaranka JSL? Arintan waxaynu ka haynaa midhadh websites ah oo waxyaabo laga soo dheegtay, balse iyagana laga yimiday wixii ugu manfac badnaa ee barteedii ayaa lagaga yimiday! Waxaa hadaba is waydiin mudan maxay sidatani u dhacday? Ma garasho la’aan baa mise waa dibindaabyo qaranka loo geysanaayo? ALLAA XAAL OG!
Si kastaba ha ahaatee bal aan amin yar siiyo isna MANHAJ, ugu horayn aan is waydiino waa maxay manhaj? Hadaba manhajku waa sidatan: manhajku waa qorshe loo diyaariyey in ay ku fuliyaan barayaashu gudbinta aqoonta (wax barid) ay u dhigayaan ubadkooda. Manhajka waxaa loo samaystaa lagaga warceliyo dhamaan baahiyaha iyo dhibaatooyinka ka jirta degaankaas (dalkaas), hadaba manhajkeenu waa ka warcelin kari waayey dhamaan baahiyaadkii iyo dhibaatooyinkii ina hor yaalay! Maxay tahay sababtu? Manhajku waa qabyo tiraha danaha, duruufaha iyo cidhib tiraha dhibaatooyinka dalka ka jira. Waxaan xusuustaa markaan baranaayey maadada la yiraahdo Manhajka(Curriculum) waxaan ku bartay marka waddan rabo inuu ka baxo dhibaato ha ahaato mid hore u jirtay ama ha ahaato mid cusube waxaa lagu daraa oo ka dareen iyo warceliya manhajka qaranka si aanay dhibaatadaasi mar danbe u soo laaban. Ka dib ayaan iswaydiiyey tolow manhajkiinu muxuu sidaas u noqon waayey? Maxay waxbarashadiinu u soo saartaa dadkan tahriibayaasha ah, dadkan musuqmaasuqa sameeya iyo kuwa idin boobaaya? Si kasta hadaan u fekeray waxay talo ii dhaafi wayday Somaliland waa Qabyadeed Moog! Hase yeeshee akhriste adigaan kaaga tegaye maxaad kaga jawaabi lahayd waydiimaha kor ku xusan?
Sidoo kale aynu hadana is waydiino waa maxay qodobada ugu sareeya ee manhajku ka duulaa, iyaguna waa sidatan:
- Waa maxay waxa la dhiganayaa (content)
- Yaa dhigaaya mawduucaas (implementation)
- Sidee loo dhiganayaa mawduuca la doortay (mission)
- Waa maxay sababta ka danbaysa in la barto mawduuca la doortay (vision or Education Goals)
Sidoo kale waxaa xusid mudan in eego oo laga baaraan dego goobahan
- Waa kuwee aqoonyahanada manhajka diyaarinayaa
- Waa xagee dalka loo diyaarinaayo
- Xagaa lagu diyaarinayaa
- Muxuu xal u sidaa qaranka
- Waa maxay hiraalka siyaasiga ah, dhaqanka ah iyo damiir bedelka ah ee uu manhajku u sidaa wadanka
Si kastaba ha ahaatee waxaynu isla aragnay habka iyo hanaanka loo soo xushay barayaasha ama khabiirada diyaariyey buugaagteena, hadaba aqriste bal adiguba garaadkaaga la kaashoo ma ina anfacaan buugaagta noocaas loo xushay dhamaan barayaashii diyaarin lahaa? Markaynu u fiirsano dalkeenan Somaliland ma Hargaysa keliya ayey joogaan barayaal aqoon leh iyo khuburo inoo diyaarisa buugaagta? Waa maxay sababta looga tegay dhamaan goboladii kale ee Somaliland Sool, Togdheer, Sanaag iyo Saaxil? Ma cid aqoon leh ayaan lagu ogayn? Mise xuduuda ayaa ah Hargaysa?
Markaan arimahan aad ugu kuur galay ayaa waxaa igu soo dhacday maansadan uu abwaan wax badan indha indheeyey tiriyey inkastoo magacii abwaanku iga maqan yahay.
Iska dhaashan maysee iyadoon calaf ba dheeraynin
Madawgaa lagugu dhaafay baa hablii dhamac u qooshteen
Dhulka kama baxdee kimikadan dhoofka lagu keenay
Raganaa la dheeliyey xilkay dhabarka saareen
Ee dhiidhiibso waayeel guntigu waa ka dhacaye
Dhafooradan la xiiray iyo timahan dhoorka lagu reebay
Sidii nirig dhukaan qaba garbahan dhan isu raacaaya
Ceebtan caamka u dhacday een cidiba dhaadaynin
Gebagebo:
Si kasta xaalku ha ahaadee bal aan soo gunaanado, Somaliland waxay u baahan tahay in tiirka loo adkeeyo ee uma baahna in xaalku caynkaas ahaado. Ragganaa la dheeliyey xilkay dhabarka saareene dhiidhiibso waayeel guntigu waa kan kaa dhacaye. Waxaan kusoo afmeerayaa qormada 4aad in la sameeyo guud ahaanba qodobadaan kor ku soo sheegay ee ahaa 14ka xubnood iyo wixii lagu sii siyaadin karo.
ALLAA MAHAD LEH
Bare-sare Maxamed Cumar Dhagax