Gorfaynta Gaabiska Golaha Deegaanka Hargeysa: Toddoba Gu’ oo ay xilka hayeen Q.4aad (WQ: Siciid Maxamuud Gahayr)

Dawladda Hoose ee Hargeysa waxa ay bixisaa mushaharka ilaaliyeyaasha dugsiyada ku yaalla caasimadda. Qaarkood ayaa igu odhan jiray “afar bilood ma aannu qaadan mushahar. 29kii Sebtember 2019ka ayaan arkay Duqa Caasiamdda oo ku leh ardayda shaqo qaran qaybta wasaaradda waxbarashada “noo soo sheega baahida ka jirta dugsiyada hoose, waanu buuxin”. Maayar, waad aragtaa dugsigii Guryosamo ee aad labada weji maalgelisay!

. Sannadkii 2015ka waxa ay DHH rag guddi sheeganaya ku wareejisay $50,000 lagu dhisayo biriishka saddexaad ee Hargeysa iyo $5000 lagu dhisayo dugsiga Guryosamo, kaas oo ahaa wejigii labaad. Dugsiga Guryosamo ma gaadhin $1 ah wejiga kowaad iyo $1 ah wejiga labaad midna.

Xilliyo uu jiingadda roob ka qaaday oo 1999 iyo 2009 ahayd ayaa ugu dambaysay dayactir lagu sameeyo dugsiga Guryosamo. Waa ka sawirkiisu idiin muuqdo ee noqday biyo-fadhiisinka. Maanta ayaan sawirkan ka qaaday. Dhawrkii maalmoodba mar ayaan arkaa, waxaxanan xasuustaa wanjalka lagu sameeyay.Weli sidii ayuu qabyo u yahay biriishkii saddexaad ee Hargeysa. Waxa taagan laba lugood. Dad ayaa dhismeyaal cagaf laga geliyay markii la bilaabayay

Warkii arrinkaas lagu faafiyay oo aan ka xiganayo mareegta wararka ee DHH ayaa u dhignaa sidan

Hargeysa, Somaliland, August 20,2015 ()-Maayarka Caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelko ayaa maanta guddidayada horumarinta caasimadda Hargeysa iyo degmooyinka ku wareejiyey lacago dawladda hoose kala qaybqaadanayso dhismayaal Laba biriij iyo dugsiyada qaarkood.

Kulankan ayaa maanta waxa ka soo qaybgallay wasiirka Caasimadda, Xoghayaha dawladda hoose, xidhibaannada golaha deegaanka, guddida horumarinta degmooyinka iyo madax dhaqameedka caasimadda Hargeysa.

Ugu horreyn Maayarka Caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelko ayaa sheegay in lacag ku wareejiyaan qaar kamid ah guddiyda degmooyinka oo ay deegaankoodu ka socdo mashaariic kala duwan oo dawladda hoose iyo dadwyenaha xaafaduhu iska kaashanayaan, kuwaas oo dawlada hoose intii kaga beegnayd ugu deeqday.

Maayar Solteko oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Maanta waxaanu halkan ku wareejinaynaa sadex mashruuc oo ka mid ah mashaariicdii aanu wadnay oo laba yihiin biriijyo iyo dugsiga sare ee Guryo same oo ku jiray maamul daaddejinta dawladdaha hoosea lagu wareejinayey ee waxbarashadda ka qabanaynay”.

Waxaanu intaas ku daray “ Bariijka saddexaad ee caasimadda oo isku xidhi doonna degmooyinka Gacan libaax iyo Axmed dhagax, kaasi oo dawladda hoose sheegtay inay qaadhaankeedda oo ah konton kun dollar ugu darto, waxaanay, waxa kale oo jira Dugsiga guryo same oo dayactir ku samaynaysay dawladda hoose oo wajigiisa hore dhammaaday kii labaadna aanu hadda lacagtiisa u dhiibino guddida dugsigaasi, waxa iyaguna wejigii kowaad ku wareejinayn guddida horumarinta ee koodbuur, iyadoo bajadka ugu jirtay konton kun waxaanu ku wareejinaya toban kun, inta kale loo biixn doono si dhakhso ah”.

Sidoo kale, waxa isaguna halkaasi ka hadlay Garaad Mustafe Maxamed Cumar oo ka mid ah guddida biriijka 3aad ee xaafadaha Maxamuud Haybe iyo Gacan libaax ayaa dawladda hoose u mahad celiyey kaalinta ay ka qaadatay dhismaha biriijkaasi oo baahi weyn u qabeen dadweynaha deegaanka, waxaanu yidhi “waxana guddidaasi nagu wehelinaya wasiirka diinta iyo awqaafta iyo wasiirudawlaha madaxtooyada Maxamed Muuse Abees, anigoo ka wakiila ah raggaasi,

waxaan mahad ballaadhan u soo jeedinayaa maayarka oo sidaas uu idin sheegay qaybtii hore igu wareejiyey 25,000 dollar oo aan anigu gacantayda kaga qaaday, maanta aanu u fadhino shan iyo toban kun oo dollar oo wejigii labaad ah,halkaasi waxa ku hadhay toban kun o dollar kontonkii kun ee noogu deeqeen maayarku, waxa kale oo aan u mahad naqaya dugsiga guryo same oo ay dib u habaynta u sameeyeen oo wejigii hore u dhiibay odyaaasha xaafada wejigii labaadna igu wareejinayo anigoo ka mid ah odayaasha xaafadda ee qaybti hadhsanayd ee dugsigaasi”.

Garaad Mustafe Maxamed Cumar markii uu lacagtaas %5000 ah guddoomay waxa uu tegay xashka waxaanu u dhiibay sidii uu sheegay markii aanu wacnay rag uu ka mid yahay Mustafe Muuse Cismaan (Ina Muuse Dalab) la yidhaahdo. Ninkan oo uu Garaad Mustafe noo sheegay telkiisa waxa uu nagu yidhi “Lacagta ma idinkaa lahaa, waanu cunnay”.

Bay ay soo saareen dhallinayrada Maxamuud Haybe 2016kii ama sanand kaddib markii lacagtaas waxna la cunay waxna Xashka lagu tegay ayaa ugu dambayntii lagu yidhi “Haddaba waxa aanu Maayarka caasimadda ugu baaqaynnaa in uu hubiyo halka ay lacagtaasi martay. Waana in sharciga lala tiigsado ragga xoolihii ummadda u adeegsaday xeeladaha gaarka ah.

Haddii kale waxa aanu Dawladda Hoose iyo raggaa iska dhigay inay metelaan Maxamuud Haybe u arkaynnaa shuraako u bahoobay hagardaamada ummadda. Mustafe-girgire nama metelo. Caqliga ma geli karto in qaadhaan horumarineed lagu dhisto guryo, gawaadhina laga iibsado iyo in lacag xaaraan ah lagu tago magaalada barakaysan ee Maka.

 

La Soco Naarnaar 5 idanka Alle.