Gorfeyn: Buugga Barnaamijka Siyaasiga ah ee Xisbiga Waddani,Q.1aad (WQ: Khadar Gurayte)

Afeef: “Qoraalkaygani, maaha mid ka turjumaaya in aan taageero ama aan necbaanshiyo u hayo xisbiga WADDANI. Buugga barnaamijka WADDANI, Dhalliil iyo Toosnaan-ba Wixii uu Lahaa, Ayaan Idin La Wadaagayaa Soo Bandhigiddeeda, haddii Eebe qadaro.”

Aaraar: Buuggan cad ee barnaamijka siyaasiga ah ee xisbiga WADDANI, waa buug uu xisbiga WADDANI ugu tallo-galay in uu ku gallo doorashooyinka la filaayo in ay dalka ka qabsoomaan horraanta 2017ka, sida oo kalena waa buugga xisbiga WADDANI uu dalka ku haggi doono haddii uu ku guulaysto tallada dalka Somaliland.

Waa buug macno badan innoogu fadhiya shacbi ahaan, kaliya maaha midka WADDANI se iyagana waxa muhiimad gaar ah iyo sida oo kale in fiiro dheer loo yeesho ay tahay, loona baahan yahay in la dhugto waxyaabaha ay xambaarsan yihiin buuggaagta siyaasiga ah amba barnaamijyada siyaasiga ah ee xisbiyada UCID iyo KULMIYE, maadaama oo saddexda xisbi qaran midkii guulaystaaba uu saamayn innagu yeelanaayo buugga uu doonaayo in uu dalka ku haggo, waxaana aynu u baahannahay in ka hor doorashooyinka aynu iska hufno, shiilno, kala miirno midkii mustaqbal ahaan innagu haggi kara horumar iyo badhaadhe aynu bulshooyinka caalamka ee tallaabsaday ku barbar istaagi karno aynu umaddeena u soo bandhigno, iyada oo ay innaga dheer tahay eex, nin jeclaysi, qof necbaanshiyo iyo qaraabo kiil, intuba.

Buugga Barnaamijka Siyaasiga Ah ee Xisbiga WADDANI
Hordhac: Buuggani muuqaal ahaan waa buug-yare(Book-let) aad u qurux badan, waa buug midabkiisu yahay caddaan, waxa uu ka kooban yahay 44-warqaddood amba bog marka lagu darro labada gal ee sare ama Jaldiba.
Buuggan, waxaa markiiba ay ishaadu qabanaysaa qoraal far waaweyn lagu xardhay oo magac loogga dhigay guud ahaanba buugga oo lagu qoray xagga sare ee Jaldiga Buugga, waxaana uu qoraalkaasi u dhigan yahay sida tan: Barnaamijka Siyaasiga ah ee Xisbiga WADDANI(Qabyo-qoraal).

Xagga badhtanka Jaldiga hore ee buugga, waxa iyana markiiba ishaadu qabanaysaa laba calan oo ba’banaya ku waasi oo kala ah calanka Somaliland iyo calanka WADDANI iyo astaanka gaarka u ah xisbiga WADDANI.
Calanka Somaliland: Waxaa uu ka kooban yahay saddexdiisii midab ee Doogga, Caddaanka iyo Casaanka ahaa oo xidigtii shanta gees lahayd-na ay badhtanka kaga taallo iyo sida oo kalena xagga sare ee midabka doogga ahna ay ku dhex qoran tahay kalmaddii qiritaanka Eebaha inna abbuuray iyo rumeynta Nebi Muxamed(NNKH).
Calanka WADDANI: Isna waxa uu ka kooban yahay midabka Liimiga ah oo badhtankiisa ay ku dhex qoran tahay far-waaweyn oo ah magaca xisbiga “WADDANI”.

Astaanta Xisbiga: Astaanta xisbiga WADDANI, ayaad iyadana markiiba ay ishaadu qabannaysaa, iyada oo ku hoos taalla labada calan ee Somaliland iyo midka WADDANI, waana astaan ah Gorgor meel geedda ku taaggan oo dib jalleecaya, sida oo kalena ay ku wareegsan tahay laan yar oo geed ah, waxaana laanta geedka ah ka sii hooseeya oo isla astaanta uun ah magaca xisbiga oo iyana far waaweyn lagu qoray “ WADDANI”.
Xagga Hoose ee Jaldiga hore ee Buugga, waxaa ku qoran taariikhda buugga la soo bandhigay ama la soo saaray oo ah “November 2015”.

Guddo-galka Barnaamijka Xisbiga WADDANI
Buuggu guud ahaan, waxa uu ka kooban yahay shan tiir oo aas aas u ah dawladda xisbiga WADDANI haddii ay tallada dalka ku guulaysto, waxaana tiirarkaasi loo soo kala horumariyey sida ay dawladda WADDANI mudnaanta u kala siinayso. Ka sakow Kalmadda guddoomiyaha, Mabaadi’ida Guud iyo Hiigsiga xisbiga WADDANI oo iyagu sharaxaado faah faahsan innaga siinaaya mabda’iyan waxyaabaha xisbigaasi aaminsan yahay iyo waxa uu hiigsanaayaba iyo sida oo kale qeybta tusmada oo innoo tilmaamaysa qodobadda uu ka kooban yahay buuggu, ayaa ay kala yihiin tiirarka uu ku dhisan yahay buugga xisbiga WADDANI sida tan, iyada oo aynu isku deyi doonno in aynu mid walba gaarkiisa aynu si sar-kaxaadis ah u dul marno.

Tiirka Koowaad
Xisbiga WADDANI, waxaa uu tiirkan innoogu soo qadimay dhowr qodob oo muhiim u ah jiritaankeenna iyo sida oo kale horumarkeenna umaddeedba, waxaana qodobka hore uu tilmaan ka bixiyey qaabka ugu habboon ee loo raadin karo ictiraaf ay bulshada Somaliland kaga mid noqoto dunida inteeda kale, waxaa uu farta ku fiiqay sida ugu sahlan iyo dhammaanba xeeladaha kala duwan ee ay u marayaan siddii ay bulshada caalamka uga soo dhiraan dhirin lahaayeen Ictiraaf ay siiyaan dawladda Somaliland.

Tiirkan Koowaad qodobkiisa ugu horreeya oo lagu soo qaatay Ictiraafka iyo xidhiidhka caalamiga ah,waxaa uu muujinayaa sida ay dawladda WADDANI door muhiim ah u siinayso siddii ay Somaliland beesha caalamka uga heli lahayd Ictiraaf dhammaystiran iyo in ay jaarkeeda iyo beesha caalamkaba uu dhex maro xidhiidh wanaagsan iyo iskaashi dhaqaale iyo mid siyaasaddeedba.

Sida buuggu xusaayo xidhiidhada saaxiibtinnino ee dawladaha Jaarka IGAD iyo EU-da oo dib loo abbuuraa, waa meelaha ugu muhiimsan ee aynu dib uga raadin karno in aynu wanaajino xidhiidhkeenna caalamiga ah ee aynu la samaynayno beesha caalamka iyo sida oo kale in aynu ka dhex raadin karno aqoonsigeenna.
Mar kale sida qodobkani xusaayo in la sii xoojiyo xidhiidhada dawladaha waaweyn ee galbeedka sida Mareykanka, Faransiiska, Ingiriiska IWM, iyaduna waa tallaabo muhiim innoogu noqon karta siddii aynu u illaashan lahayn kaalinteenna nabadadeed ee ay Somaliland kaga jirto beesha caalamka, sida oo kalena suurta gelin karta in dawladaha waaweyn il-gaara ku hayaan xawliga dhaqan, dhaqaale iyo dimuqraadiyaddeed ee Somaliland ku koreyso sida oo kalena ay innaga dhex eegtaan danno ay leeyihiin, oo innoo suurta gelin karto innoona horseedi karta in daneeyayaal caalami ahi ay maal-gashadaan Somaliland.

Qodobkan oo lagu xusay arrimo badan oo muhiim ah ku waas oo dhammaantoodba suurto-gelin kara siddii ay Somaliland bulshada caalamka uga mid noqon lahayd, ayaa haddii haddii ay dawladda WADDANI fuliso, waxaa dhab ah, hubbaal-na ah in wax badan iska bedeli karaan nidaamkii siyaaaddeed ee hore ay Somaliland ugu wejahi jirtay raadinta Ictiraaf aynu ka helno beesha caalamka, waana tallaabo lama huraan u ah in aynu helno dawlad qaabkan oo kale u wajahi karta siyaasadda raadinta Ictiraafka innala daba-dheeraaday.

Bahweynta WADDANI, waa ay ku mahadsan yihiin sida hufnaanta iyo hagar-la’aanta ah ee ay innoogu soo bandhigeen siyaasadda ay ku wejahayaan xidhiidhadha caalamiga ah iyo weliba raadinta qadiyadda Ictiraafka, waana arrin u baahan in shacabka Somaliland ay u dhug yeeshaan hadba xisbiga sida fudud innoogu raadin kara amba innoogu soo dhiraan-dhirin kara Ictiraaf aynu ka helno beesha caalamka.

La Soco Qeybaha Dambe…………
khadargurayte@gmail.com
Dhaqaaleyahan/ suxufi.
Hargeysa, Somaliland