Gorfeyn: Buugga MAYAL Maxaa Ku Duugan Xumaan iyo Samaan?…Q…2AAD. W/Q: Cali Cabdi Coomay

Isku Dhicii Ugu Horreeyey ee Abwaan Cabdirxmaan Abees iyo taageerayaasha xisbiga Kulmiye.

Hudheelka Lake Asal ayuu Maxamed Cali Bile casuumada qado ah ugu fidiyey Abwaan Abees, Abwaan Cabdilaahi Xasan Ganey iyo Dr. Cabdishakuur Cali Maxamed. Iyada oo ay kulankii qadada ku jiraan ayuu Maxamed Cali Bile oo imika ah agaasimaha guud ee Madaxtooyada labadii nin ee kale siiyey kaadhadh martiqaad lagu galaayo xafladda xisbiga Kulmiye ee barnmaamij siyaasadeedkiisa 2017-2022. Waa xafladdii lagu soo bandhgiyey buuggii xisbiga. Abwaan Abees wuu ka cudurdaartay inuu xafladaasi tago, waayo xisbiyada midna ma taageersana, siduu goobta ka yidhi. Goobtii iyada oo la fadhiyo ayuu Maxamed Cali Bile u sheegay Abwaan Abees inuu helay farriin uga timid musharrax Muuse Biixi Cabdi inuu kulan casho ah uu la yeesho saddexda Abwaan ee Abees, Weedhsame iyo Ina Xasan Ganey.

Iyada oo ballantaasi sidaasi tahay, ayaa la ogaaday inuu Weedhsame dalka ka maqan yahay, laakiin labada kale ee Abwaan ay tegi doonaan kulanka cashada. Labadii Abwaan oo kulankii u diyaargaroobaya, ayey hawli ku soo kordhay musharrax Muuse Biixi oo uu dalka dibabadiisa u baxay, sidaasina ay ku baaqatay ballantii. Ina Xasan Ganey oo markii horaba dalka Maraykanka ka yimid ayaa yidhi berri wixii ka dambeeya waa tagayaa dalka Maraykanka. Waxa musharrax Muuse Biixi loo sheegay inuu dalka ka baxaayo Ina Xasan Ganey, markaasuu yidhi haddaa aanu caawa si deg deg ah u kulano. Sidii ayey ku kulmeen. Markii uu soo noqday Musharraxu wuxuu dalbaday in ballan kale looga soo qabto Abwaannada kale, hasayeeshee Weedhsame muu soo noqon weli.

Kulankii ugu horreeyey ee Abwaan Abees iyo Musharrax Muuse Biixi  yeeshaan ayaa ka dhacay Maansoor oo ahaa kulan casho ah. Waxa kulanka ku wehelinayey Maxamed Cali Bile iyo Guuleed Xasan Dirir. Ballantu waxa ay ahayd inay Musharraxa iyo Abwaan is-waraysaan. Markuu uu Musharrax Muuse Biixi soo galay qolkii waxa ka soo dabagalay koox dhallinyaro ah, oo aan qorshaha ku jirin oo ah kuwii Kulmiye u ololeynayey. Maxamed Cali Bile ayaa hadalka qaatay oo yidhi” Guddoomiye, sidii aynu isku ogeyn, waxa aan caawa iskiin barayaa dhallinyardii Kulmiye ee iskood u hawlgashay, ee naf iyo maalba u huray sidii aad ugu guulaysan lahad tartanka.”..bogga 41. Intii markii uu yidhi Maxamed Cali Bile ayuu Abwaan Abees hadalka ka boobay oo uu yidhi” Anigu kulmiye ma ihi mana taageero, halkana idinkaa igu soo casuumay doorkii hal-abuurka.”….bogga 42. Maxamed Cali Bile ayaa dareemay markay halkaasi marayso inuu arrimaha isku dhexdaray, hadalkii ayuu ku soo noqday markaasuu yidhi” Guddoomiye, saddexdii hal-abuur ee aad noo dirtay in aanu casuuno oo wada cashaynno, Cabdilaahi wuu noqday oo waad is aragteen, Weedhsame waddanka wuu ka maqan yahay. Waxa inala joogga Cabdiraxmaan Abees. Halkani waa halka ay ka bilaabmayso isku dhaca Kulmiye iyo Abwaanku. Xafladdii wuu ka baxay Abwaan Abees maadaama sida uu qoraalka ku sheegay aanu xisbiyada qaranka midna taageerin. Halkan waxa muuqata in Maxamed Cali Bile wuu agaasinka kulanka khalday, maadaama ay Musharraxa iyo Abwaanku ballansanaayeen inuu dhallinyarada kale meesha ka saaro ayey ahayd, si ay fursad isugu helaan. Intii aanu kulanka ka bixin Abwaanku, wuxuu goobtii ka akhriyey qayb ka mid ah gabay uu allifay oo Saxar-seeg la yidhaa. Wuxuu ku sheegay laba qoddob: in dhaqankeenna iyo afkeennu aynaan u dhaadinin iyo guud ahaan milgaha aynu leenahay, iyo sida aynu duruufaheenna uga boodno ee waayo ummad kale u falanqayno. Ta labaadna waa dhaqanka bulshada ku cusub ee qof kastaa uu rabo inuu muuqdo. Wuxuu kula dardaarmay in dadkii intii laga aragti iyo karti badnaaba xagga sare bulshada u soo mareen  oo uu kala haadiyo.

Markii uu gabaygii dhammeeyey Abwaanku ayuu hadalka qaatay musharrax Muuse Biixi oo uu yidhi” Nimayahow hal-abuurka yaryar  ee hadda jooga waan ka baqaa, kuwii hore niman aannu is-naqaanay ayay ahaayeen oo budka ayaanu u qaadan jirnay, oo waanu iska celin jirnay, idinka ma la idinla kaftami karaa oo ma la idin ilaaqi karaa.”? bogga..42. Abwaan Abees ayaa ugu hal-celiyey “ Haa guddoomiye, waad kaftami kartaa.” Sida hadalka musharraxa ma muuqata wuxuu saluugay gabayga, waayo gabayga oo dhammaystirini halkan kuma yaalo. Hadda waxa hadalka ku soo noqday musharrax Muuse Biixi oo yidhi” Haddii aad abwaanno tihiin fulay baad tihiin. Ilaa kuwii waaweynaa ee aan aqaannay weligiinba dhex baanu nahay ayaad ku meeraysataan, waar meel raaca.” Bogga.43. Abwaan Abees ayaa haddana ugu jawaabay “Guddoomiye, waxa aan kaga waxtar badan nahay dhexnimada oo aan dadka iyo qarankaba waxa ugu tari karnnaa, waxaana laga yaabaa in aan dhexdhexaadkaa aan nahay adiga laftaada wax kuugu taro.”

La soco Qaybaha damb……………………….