Guda Galkii SNM Cadaadley 29 May 1988: Mujaahid Janan oogo iyo Guda galkii SNM ee Burco Saamaynta uu ku lahaa (WQ: Sulaymaan Yuusuf Dhakhtar)

“Wax Ka Baro Mujaahid Janan Oogo, wuxuu ahaa abaanduulihii guutada Sayid Cali, oo faqashtu aad uga cabsoon jirtay!!!!”

Muj: Axmed Jaamac Saban ( janan oogo).

Sawirkani waa Muj.Axmed Jaamac Sabban, oo ku magac dheeraa “Janan Oogo”. Wuxuu ka mid ahaa saraakiishii waaweyneyd ee SNM. kuna shahiiday dagaaladii.

Muj. Axmed Jaamac Saban, wuxuu ku dhashay magaalada Hargeysa 1954-kii, wuxuuna waxbarashadisii hoose ku soo qaatay dugsiga Shiikh Bashii, waxbarashadii dugsiga sarena, dugsiga sare ee Faarax oomaar, Hargeysa. Markii danbena wuxuu ahaa saraakiishii Ruushka loo diray ee wax ku soo baratay, toddobatanaadkii.

Muj.Janan Oogo, markii danbe wuxuu ahaa saraakiishii waaweyneyd ee ka dhiidhiday xukunkii dooxatada,wuxuuna ku biiray ururkii dhaqdhaqaaqa waddaniga Soomaliyeed ee SNM.

Mujaahid Janan Oogo, waxaa lagu xasuusta goobo baddan oo dagaal, kii ugu danbeeyey”se ee uu noloshiisa ku waayey waxay ahayd 1988-kii, markii ciidamadii SNM, Burco galeen, oo dagaal xoogani ku socdo,gurmad baddana meel walba ciidankii Soomaaliya ka soo gaadhayo, ayaa Muj. Janan Oogo iyo saraakiil kale oo baddan waxay go’aan sadeen inay gurmadka Hargeysa ka baxaaya joojiyaan, isla markaana ay burburiyaan ciidamadii Dawladda ee fadhiyay cadaadley iyo nawaaxigeeda.

Galabnimadii 28.May.1988, ayaa saddex guuto oo kala ahaa, Sayid Cali, Barkhad iyo Sh.Sancaani, waxay usoo dhaqaaqeen inay cadawgii fadhiyay Cadaadley iyo nawaaxigeeda baabi’iyaan,

saddexdan guuto, iyagoo aan dhaqaaq joogsi lahayn ayey ciidankii cadawga isa soo kortaageen, galabnimadii 29.May.1988-kii, waa jibkooduna wuxuu ahaa.

1. Sayid Cali inuu qabto taliska guutada 86-aad oo ugu adkayd uguna xooganayd

2. Barkhad inuu qabto taliska gaaska 12naad.

3. Sancaani inuu qabto ilaalada kowaad ee Cadaadley oo fadhigeedu ahaa Weeraarta.

Mujaahid Janan Oogo, wuxuu ahaa abaanduulihii guutada Sayid Cali, oo faqashtu aad uga cabsoon jirtay. Wuxuuna galabnimadii 29.May.1988-kii, saacadu markay ahayd 05:30pm, Uu xabadii ugu horeysey ku riday, taliskii guutada 86-aad. Waxaana halkaas ka bilowday dagaal aan waxba la’iskula hadhin, waxayse guusho muddo 30 daqiiqo aan ka badnayn, ku raacday, guutadii Sayid Cali, waxayna si xarago leh ula wareegeen, taliskii 86-aad ee ciidanka faqashta.

Waxaase soddonkaas daqiiqo ku shahiiday, abaanduulihii guutada Sayid Cali, Muj. Axmed Jaamac Saban, “Janan Oogo” oo ciidadamada hor kacaayey. iyo afar mujaahid oo kale.

Si’loogu dayduu geesina u diriraa

Meesha ay dad ka maagaan

Usha weeye lagu dayo. Abwan Ibrahim Gadhle.

Mujaahidku xilkiisii waa gutay, illahayna janatal farduusa haku abaal mariyo, waxaase wanaagsan isaga iyo mujaahidiintii kaleba inaan la ilaawin ee la xasuus naado, goobo muhiima oo magacyadoodu ku waaraana, loogu magac daro.

Dhimashada xaqii

Waa dhaqan waddani! Abwaan Adan Tarabi.

Dhimasho xaq ah, oo ta ugu saraysa ee shahiidnimada ah, ayay shahiideen, Mujaahidiintii SNM.

 

Qore:  Suleyman Yusufdhakhtar