Guddida Abaaraha mise Hay’adda Abaaraha (WQ: Khaalid C. Xirsi)

 

Somaliland wa dalyar oo curdin ah oo dhaqalihisu liito isla markaana ilaha dhaqaalaha uu ku tiirsan yahay ay yihin dhoofinta xoolaha iyo cashuurta kooban ee laga qaado ganacsatada iyo danyarta maxaysatada ah ee ku tukaamaysata suuqyada magalooyinka, sidaasoy tahay suuqa kaliya ee xoolaha aynu ku xidhanahay ee ah ka suciidiga uu haatan xidhan yahay isla markaana cashuurka laga qaado, ganacsata iyo shaqaalaha aanay ahayn inti laga qaadi lahaa sharciyan iyo in u odhan toona.  Halkaana waxa kaga muuqda in awooda dhaqaale ee dalka ay aad u liidato horumar balaadhana aan lagu talaabsan Karin isla markaana aanu iska difaaci karin dhibaatoyinka dabiiciga sida abaaraha ba,an ee dalka ku haabsaday illahay oo inaga so furto oo raxmadisa ino shuba moyaane, xaaladu way ka si daraysaa, waxaana bulsho, dowlad, xisbiyo inala wada gudboon inaynu meel uga so wada jeeesano, unana gurmano dadka tabaalaysan,

Waxa wax lagu lagu farxo in Xukuumada talada haysa, ganacsatada iyo qurbo jooga reer Somaliland ayay tageero laxaadleh gadhsiyeen abaaraha, oo la odhan karo waa waxa aynu dheernahay wadamada kale ee Qaarada Africa,  isku gurmadka iyo isku naxarisashadu waxad ku kasban karta naxarista eebe swt, (Illahay wuu cawiyaa adoonku, marka uu caawiyo walalki) iyagoo ay ugu deqeen ganacsatadu abaaraha lacag ku dhow ila 5 million dollar iyo xukuumada oo ceelal u qoday deqaamada ay abaartu ka jirto. Raashino iyo lacag adagna gadhsiiyay iyo waliba misaaniyada sanadka oo ay sida xukuumadu ino sheegtay in ay laba million oo dollar ay ugu jirto sanadka 2017. Isla todobaadki horena ay dowlada iyo wasaarada maaliyadu ay ku wareejisay hall million dollar iyo waliba sadex booyadod oo biyaha loogu dhaamiyo dadka abaaruhu sameyeen.

Waxa kalo Iyana tageero inoogu deeqay qaybo kalena so wada deeqbixiyaasha caalamka oo inaga tageeri donaan abaarta uguna deeqi doona somaliland 10.000 million oo dollar iyago marka horeba wadanka wax badan ka caawin jiray haday noqoto xaga doorashoyinka, bani’adamnimada, kobcinta dhaqaalaha, kor u qaadida awoodaha shaqaalaha dowlada, dhisida dhismayaasha xafisyada dowladaha, dhisida wadooyinka, iwm Imikana ay xagi abaaraha gacan laxaaadleh ka geysan donaan

Waxa aynu odhan karnaa waa qadar lacag ah oo badan oo marka  intaaso dhan la isku geeyo oo la iskaba daayo deeqaha kale ee abaaraha loogu deeqay, intaaso kaliya ayaa ah 18 million dollar

Muwaadin ma kula tahay inay ku filan tahay gurmadka abaarta lacagtaa qadarkeedu dhanyahay 18 million dollar, mise kula tahay inay in uun wax ka qabanayso xaalada abaaraha?

So dhowow hadaba Su’aashaa jawaabtedu waxa weyaan way ku filan tahay oo ay waliba way ka badan tahay  in wax loogu qabto abaarta ba.an ee dalka ka jirta iyo in masharic horumarineed lagu sameeyaba,

Hadaba maxay qaban karta intaaso lacag ahi, imisa ceelbiyod ayay qodi karta, imisa biyo xidheen ayay samayn karta degaamada ay abaartu ka jirto,  inte oo raashin ah ayay dadka loogu iibin kara, qiimaha raashin waynu wada naqaan, qiyaas dadka deegamada ay abaartu ka dhacday degan, hadaad doonto kaba dhig 4ta million ee Somaliland ku wada nool,  inte oo xoolo ah aya logu ibin kara dadka ay xolahodu ka baabaa, intee oo qof aya dib u dajin loogu samayn karaa looguna rari karaa deegamada roobku ku danbeeyen ama dhaama xaalada abaarta ee dalka gaar ahaan gobolada bari ee somaliland.

Jawaabtu waxa ay noqonaysa hadi ay Dowladu Talaabo cad ka qaado ama qorshe wanaagsan samayso wax badan ayaa lagu qaban karaa lacagta, loogu gurman karo abaaraha kuwa hada iyo kuwa mustaqbalka dhowba.

 Habada maxa Xukuumada talada haysa  la gudboon?

Hadi in uu ay xukuumada talada haysa ay ka naxayso masaakinta baylahsan ee abaartu dad iyo duunyada baabisay, oo ay rajo ka leyihin in ay dalkan si hogaamiyeen wa in madaxweynaha qaranku mudane silaanyo  ku dhawaaqo haayad abaareed oo si gaar ah uga shaqaysay laguna sameeyo sida ugu degdega badan lana diyaariyo, shurucededi, iyo nidaamka ay u shaqaynayso, isla markana laga ansixiyo golaha sharci idajinta ee baarlamaanka.

Sida aynu ognahay howl walba oo la qabanayo waxa muhiim inay leedahay xeer iyo sharci iyo qaab ay u shaqayso, arinta gurmadka abaaraha iyo la tacaalideeduba waxa u baahan tahay in ay xukuumada samayso haayad gaar uga shaqaysa abaaraha oo kaliya aan lagu halayn hayada NERAD ee awooda yar ee u qaabilsan qaranka ka hor taga aafoyinka dabiiciga ah, hadi laga maarmi waayana ay si dhow u wada shaqeeyan, isla markaana sida dasturiiga ah loo sameeyo xeer shaqo ama mandate iyo qorshayaal shaqo, loona sameeyo maamul iyo gudi dusha ka maamusha board members, iyo gudi fulineed isla markaa golaha sharci dajinta ee baarlamaanku ansixiyo,

Gudidena heer qaran iyo heer gobol ba ee abaaruhu ila hada howl fiican ayay qabteen iyago intooda ugu badan ay yihin culuumadeena sharafta iyo karaamada dhexdena ku leh, gurmad degdega ahna ku dhaqaaqay oo ay xukuumada iyo shicibkuba wixi ay bixiyeen ay agaadhsiyeen dadki abaartu samaysay uguna tageen degaanadooda iyo kuwa waliba dadka inta ka baqooshay ee baad iyo biyo u doontay degaanada ay filayeen inay dhammaan ama uu roobku ku danbeeyay.

Balse xaqiiqda jirta waxa ay tahay in gudida abaaruha loogu talo galay uun xaaladaha degdega ah balse ay lagama marmaan tahay in la sameeyo haayad abaaraha si khaas uga shaqeysa, lala xisaabtami karo, shicib iyo dowlada iyo beesha caalamkuba meel ugu so hagaagi karaan, xeerki shaqo iyo xafiisyo leh, sharci ah, isla markaana gudida abaaruhu ay noqdaan boodhka ama kooxda dusha ka maamusha, balse shaqada ay qabto hayadu iyo shaqaalaheeda oo ah kuwa xirfadeeda shaqo leh.

Hadi wax laga doonaya ganacsatada iyo beesha caalamkaba iyo deeq bixiyaasha waxa la maraa wado ama hab loogu talo galay kasoo ah in lo qorto proposal/warbixin qoraalka oo dhamaystiran oo sharaxaysa waxa aad doonayso in laga caawiyo, qaab aad howsha u qaban doonto iyo waliba kharashka ku baxaya markaas  ayay dowladaha caalamka iyo deeqbixiyaashuba ku qanci karaan in ay cawiyaan ama bixiyaan kharashka ku baxaya howsha iyago shuruudoda kowaad ay tahay in jirto haayad sharci ah oo waxan shaqo ku leh isla markaana dhisan ayna jogaan xirfadlayaal ku takhasusay ku shaqaynteda kana so bixi kara shaqada loo igmado,

Tusaale waxa kugu filan dalka aynu jaarka nahay ee Ethiopia oo isla abaartan somaliland haysa mid ka darani hayso  sadexdii sano ee u danbeeyay balse nasiib wanaag ay deeqbixiyaasha maraykan sanadka 2016 ki ay ugu deqeen 1.6 billion dollar loguna gurmanayo abaaraha ethiopia 1.1 billion ka mid ahi ay loo siinayo raashin laguna caawinayo dad tiradodu dhantahay 9.7 million dad ah, oo u baahan raashin degdeg ah iyo 3.9 million dad ah oo u baahan biyo nadiif, iyo sixo nadiif ah, arinta waxa suuro galiyay ka sokow aqoonsiga caalamka ay aqoonsan yihin Ethiopia, dalkaasi waxa u leeyahay haayad abaaraha si gaar uga shaqaysa oo heer qaran ah oo sharci ah,  lala xisaabtamo, leh sanduuq loogu shubo tabarucaadka isla markaana so gudbiya warbixino dhamaystiran haday noqoto xisaab xidho, iyo warbixinaha waxqabadkaba haday noqoto bill leh iyo sanad leba,

Hadii aynu rabno in dadkeena reermiiga, xoolaha, daaqa & degankuba inoo ahado mid sii jira waxa muhiim in laga fikiro mustaqbalka dalka, oo alle oo inaga qabta moyee in wakhti xaadirka aanay jirin wax qorshe ah oo ay xukumadu samaysay, waxa muhiim in la sameeyo qorshaayaal mustaqbal fog leh oo laga hortagi karo abaaraha, isla markaana loola tacaali karo marka ay abaarahu dalka ka dhacaan, oo aynu meel ha uga soo wada jeesato abaarta oo gacmaha la is qabsado, shicib iyo madaxba,  madaxweyne silaanyo iyo xukuumadisuna  ha ka so baxaan wajibka ay u dharteen, madaaba doorashadu dib loo dhigayo hada oo sababta ugu waynina ay tahay abaaraha dalka ka jira, waxa xukuumada la gudboon in samayso haayad  gaar uga shaqaysa abaaraha, sharci ah, barlamaanku ansixiyay, lagana gudbo guddida abaaraha oo iyagu shaqadoodi so gutay balse ay tahay in hore loo socdo caqliga iyo cilmiga iyo cududana la isticmaalo,

Mudane Madaxweyne looma baahnayn inaad magacdo wasaarado iyo haayado aan wakhtigan loo baahnayn in la sameeyo, oo waxbana aan so kordhinayn iyago ay wakhti xaadirkan ay jiraan wasaarado ama haayado ka mudan in la abuuro ama la sameeyaba oo dalka iyo dadkaba wax u tari lahaa sida haayad abaaraha ka shaqaysa, iyo haayad shaqo abuurka dhalinyarada u qaabilsan qarankan ay abaarta iyo shaqo laantu ragaadiyeen, etc.

Hoos ka akhri maqaal hore oo uu qoray Khaalid Cabdi Xirsi

Abaaraha Somaliland iyo doorashada 2017-ka

Hasskhaled2@gmail.com

Hargeisa/Somaliland