Guddida Dhexdhexaadinta Xisbiyadu ma Xalinkaraan Khilaafkeena? (WQ: Ahmed M Elmi)

Guddida Dhexdhexaadinta Xisbiyadu ma Xalinkaraan Khilaafkeena?

Inkastoo ay dadaal sameeyeen gudidda is xilqaantay haddana filimaayo wax ka badan siideyntii Khadar iyo Barkhad inay qaban karaan. Komishinkii doorashooyinka la ansixi, la dhaari, doomiyana doorte. Guurtidii kordhiste una kordhiye golihii wakiilada taasina sidey doonta ha ahaatee dhamaatey. Waxaas oo dhami way shariciyoobeen sidii xeerarku qoreyeen qalad iyo sax kay doonaan haku dhacaane.

Xisbiyada mucaaradkuna waxay doonayaan in waxaas oo dhan dib loogu noqdo oo wax laga bedelo. Taa waxaan ahayn marimaayaan. Xaalkeenu markaa waa hala isla meereysto reer Somalilandow.