Guddida ka hortagga COVID-19 basaska lacag uun bay u kordhiyeen (WQ: Quraysh M. Ismaaciil)

Maanta ayaan xilli duhurkii ah, Baskan idiin muuqda ee Numberkiisu yahay 67914 ayaan ka soo raacay istaanka basaska Xero-awr ee Magaalada Hargeysa. Ninka ka masuulka ka ahaa Basku, intii uu meesha taagnaa ee dadku fuulayeen waa dhextaagnaa qof kasta oo soo kora Baskana lacagta waa ka qaddimayey. Lacag dhan 3000 oo shilinka Soomaalilaan ah. Qof na kama uu ogolaaneyn inuu daqiiqad fadhiyo illaa lacagta diyo ama dhiibo.

Dadku markii ay gaadheen 16 qof baa gabadh lacagtii 1000 ka dhinnaaday, inuu ka qaado 2000 ee ay haysatay waa ka diiday oo inuu dejiyo ayuu isku dayey se ugu danbayntii waa laga bixiyey lacagtii oo sidaas buu ku dhaqaaqay basku, inaanu cid danbe saaraynna waa ballanqaaday.

Markii uu meeshii ka soo dhaqaaqay buu bilaabay baskii 16 ku soo dhaqaaqay inuu saaro dad cusub. Isku buuq baa bilaabmay dadkii oo dhan qaar na isaga ayey u doodayeen oo leeyihiin, โ€œ Ha iska shaqaytoโ€ qaar kale na naftaa ka dhacasanayd oo inuu dad kale qaado ayey ka xanaaqaanaayeen, waana saxsanaayeen oo illaa inta ay dad ka degayaan inuu kordhiyo ma ahayn.

Ugu danbayntii baskii waa buuxiyey dadkana lacagtii 3000 ahayd baa uu ka qaadayey. Qof na kama dayn kun ka dheeraadka ah ee ay ahayd inaanu cid kale qaadin hadduu ku daro.

 

Haddaba, guddidu amar ma ay siin ee lacag bay u kordhisay Basaska.