Dal kasta oo ka mida dalalka caalamka waxa ka dhaca sicir-barar, waxaana lagu xalliyaa qorshayaal lagu fadhiisiyo oo lagu dejiyo mushkiladaha sicir-bararka, sidaasi awgeedย waxay dalalka caalamku ku kala duwan yihiin saamaynta iyo nooca wax soo saar ee uu ka yimidย baahiyaadka daruuriga ah ee shacabka, waxaana xaqiiqo ah in guud ahaan dalalka caalamka, dal kastaaba leeyahay qorshayaal wax soo-saar oo ah dalaga beeraha, saliidda iyo macdanta. Haddaba dalkeena Somaliland oo ka mida ah dalalka wax soo-saarka midhaha iyo saliidda midna la soo bixinย waxa innagu waajib ah dawladda iyo shacabba in aynu u dhaqaaqno wax soo-saarka dalagga midhaha ee beeraha oo wakhtigan qiyaas ahaan 5% lagu qiyaasi karo midhaha daruuriga ah ee dalkeena laga beero. Haddaba si aynu uga baxno saamaynta adag ee Sicir-bararka waa inuu qof kasta oo awood u leh inu dalag beerto waa inuu ku dhaqaaqo haddii Alle yidhaahdo.
Intaasi kadib, tallo-gudbinta qoraalkani wuxuu ku socdaa guddida Sicir-bararka Qarankan waxaanan leeyahay xalka sicir-Baraka maceeshaddu waa in Xukuumadduย soo iibiso raashinka daruuriga ah ee Sonkorta, Bariiska Iyo Daqiiqda, kadibna ganacsatada lagaga iibiyo lacagta Shillinka Somaliland.
Muhiimadda ugu wayn ee ay ku fadhidaana waxa weeyaan in sicir-bararka ku yimid lacagtii dalku hoos u dhaco oo qiimaha lacagteenu kor u kaco, waana qorshaha ugu wayn ee dalalka wax soo-saarku ku yaryahayย ay kula dagaalamaan qiime jabka ku yimaadda lacagta dalalkooda, sidaa awgeed waxaan guddida leeyahay wax ka qabashada sicir bararka dalku waa in waa in xukuumaddu soo dajiso ugu yaraan raashin dhan (75000) oo tan oo qiimaha ay dalka ku imanayaana uu noqonayo ugu badnaan ($21 000 000).
Haddaba, marka xaqiiqda jirta ee dhibaatada qiime jabka lacagteena la dawaynayo maaha in suuqyada sarifka lagu sii daayo malaayiin Dollar ee waa in kumaam Bilyan oo lacagta dalka ah dib loogu xareeyo baanka dhexe ee Somaliland taas oo qiimaha lacagta kor u soo qaadaysa Hadii Alle Yidhaahdo.
WQ: Mawliid Aadan Cumar
Hargaysa, Somaliland