Guddoomiye Faysal iyo Madaxweyne Biixi: Hadalkii taageerada Dhaliyey. W/Q: Cali Cabdi Coomay

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe wuxuu dhawaan sheegay in madaxweyne Biixi uu biriish u samaysto Berbera iyo Gabiley, dalka intiisa kalena ay maamul ka samayn doonaan. Hadalkaasi wuxuu keenay laba arrimood oo taageero weyn u noqday madaxweyne Biixi.

= Markii uu madaxweynuhu ka soo noqday xafladdii qallinqabinta ee jaamacadda Camuud ee Boorama, wuxuu soo dhaweyn ficil wadata kala kulmay shicibweynaha ku dhaqan Gabiley, taasi oo ay kaga falcelinayaan hadalkii uu guddoomiye Faysal faray madaxweyne ee ahaa biriish Gabiley ka samayso. Dad badan oo reer Gabiley ah ayaa dib u liqay dooddo iyo aragtiyo ay ka qabeen xukuumadda madaxweyne Biixi markii hore ee aanu hadalka biriishku ka soo bixin guddoomiye Faysal.

= Berbera ayaa iyana ka ficil qaadatay weerarkii deegaamaysnaa ee guddoomiye Faysal ku gannay madaxweyne Biixi ee ahaa biriish ka samayso Berbera iyo Gabiley. Kumanaan kun oo ka tirsan shicibka reer Saaxil ayaa si ficil leh uga jawaabay hadalkii guddoomiye Faysal Cali Waraabe, waxaanay madaxweynaha ku qaabileen soo dhaweyn ka duwan kuwii hore.

= Marar badan waxa dhacda in ficillada iyo hadallada madaxda mucaaradku ay taageero hor leh u kordhiyaan madaxweyne Biixi, waxaana u dambeeyey labadaa dhacdo.

 

 

 

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan

Calicoomay@gmail.com