“Victory awaits him who has everything in order – luck people call it. Defeat is certain for him who neglected to take necessary precautions in time; this is called bad luck” Roald Amundsen
Buuggan Great by Choice oo ay wada qoreen Jim Collins and Marten T. Hansen oo caan ku ah wax-ka-qoridda arrimaha hoggaaminta ayaa ka dhashay mashruuc cilmi baadhis ah oo ay wadeen muddo sagaal sano ah, kaas oo bilaabmay 2002 soona gabagaboobay 2011kii.
Daraasaddan qotada dheer ayaa wax weyn ka bedeshay aqoonta hoggaaminta iyadoo xilliyadaa ay daraasaddu socotay uu hoos-u-dhac weyni ku yimid suuqii Maraykanka ee soo dhismayay, miisaaniyaddii xukuumadda Maraykankuna ay gashay dhinaansho kadib weeraradii argagixiso ee 11kii September 2001kii, kuwaas oo argagax geliyay dadwaynaha meel kasta oo ay joogaan. Waxa intaa barbar socday isbeddel farsamo iyo tartan caalami ah oo adduunka oo dhan ah.
Cilmibaadhistan waxaa lagu soo diiwaan geliyay 20,400 oo shirkadood oo laga soo dhex xushay 7dii shirkadood ee ugu guusha badnaa Maraykanka. Cilmibaadheyaashu waxay akhriyeen toddoba kun oo dhokumenti oo ka waramaya taariikhda shirkadaahaas lagaa soo bilaabo maalintii la aasaasay ilaa 2002dii.
Arrimahaas oo dhami waxay keeneen su’aashan fudud: maxay shirkadaha qaar ugu kobcaan xaaladaha murugsan (Thrive in uncertainty)? Marka ay la kulmaan jawi cakiran, marka ay asiibaan xoogag waaweyn oo xawaare dheere ku socda kuwaas oo aynaan saadaalin karin ama xukumi karin, maxaa ka sooca shirkadaha guulaysta kuwa guuldaraysta?
Haddaba, si su’aashaa jawaab waafiya loogu helo, cilmibaadheyaashu waxay u xadhko xidheen inay helaan shirkado soo bilaabmay xili nugul, dabadeedna kobcay si ay u noqdaan shirkado waawayn oo aad u guulaystay, guulahaa is-daba-joogga ahna gaadhay iyadoo jawigu qasan yahay oo ay hadheeyeen quwado waawayn oo aanay maarayn karin. Kadibna waxaa la barbardhigay shirkadahan koox kale (Control group) oo ku guul daraystay inay noqdaan shirkado waaweyn.
Waxa loo bixiyay shirkadahan guulaystay “10X” sababtoo ah may horumarin oo kali ah runtiise way kobceen. Shirkad kasta oo 10X ah mar kasta waxay garaacday dhiggeeda ama ka goosatay ugu yaraan toban jeer (10 times). Haddii aad ku maal galisay $10,000 (toban kun oo doolar) shirkadahaas (10X) dhammaadkii 1972, maalgashigaasi wuxuu dhali lahaa $6 million (lix million oo doolar) dhammaadka sanadkii 2002da.
Haddaba sidee loo soo xulay shirkadahan loogu magacdaray 10X?
Sannadihii ugu horreeyay ee cilmibaadhista, cilmi baadheyaashu waxay ku mashquulsanayeen sidii ay u dooran lahaayeen 10ka sharkadood ee ay u aqoonsanayaan 10x (10x cases) iyagoo ku salaynaya dhacdooyin taariikheed oo waafaqa saddexdan tijaabo:
- Marka la is barbardhigo suuqa iyo shirkadaha dhiggooda ah, shirkaddaasi waa inay horumar la taaban karo ku talaabsatay muddo ka badan shan iyo toban sano (15+).
- Shirkaddu waa inay xaqiijisay horumarkan iyadoo jawigu cakiran yahay, oo ay ka buuxaan dhacdooyin aan la maarayn karin, xoog u socda, is badbadalaya oo waxyeelo laxaad leh u gaysan karaya.
- Shirkaddu waa inay tahay mid yar ama curdin ah oo ku bilaabmatay xaalad nugul ka dibna ay noqotay shirkad aad u weyn.
Maxaa ka soo baxay cilmi baadhista?
Waxa lagu ogaaday cilmi baadhista in shirkadaha (10xers) ay wadaagaan astaamo dabeecadeed ama habdhaqano (behavioral traits) kuwaas oo ka soocay hoggaamiyayaasha dhiggooda ah. Shirkadahani waxay curiyeen oo ay tijaabiyeen saddexdan habdhaqan oo kala ah: Ku Talaxtag Anshaxeed (Fanatic Discipline), hal-abuur cilmi ku dhisan ama caddayn hore loo tijaabiyay (Empirical Creativity) iyo shaki ama taxadar wax-soo-saar leh (Productive Paranoia). Cilmibaadhistu waxay mid mid u dul istaagaysaa saddexdan habdhaqan:
- Ku talxtag anshaxeed (Fanatic Discipline)
Anshax ama nidaamsanaan (Discipline) waa joogtayn ficilo, ku sugnaasho qiyam, ku sugnaansho ahdaaf dhaadheer, ku sugnaansho hab, ku sugnaansho habab horumarineed iyo ku sugnaansho wakhti.
Anshaxa dhabta ahi wuxuu u baahanyahay madaxbanaanida maskaxda si ay u diido culays kasta oo aan waafaqsanayn qiyamka, habdhaqanka horumarka iyo hamiga fogba. Shirkadaha 10Xka, anshaxa ugu wanaagsan waxa weeyi anshaxa ama nidaamsanaanta nafta (Self Discipline) oo ah inaad leedahay rabitaan nafeed oo aad ku abuuri karto maxsuul weyn, wax kasta oo ay kugu qaadanayso, si kasta oo ay u adag tahay.
Shirkadahani waxay muujiyeen waxa ay qorayaashu ugu yeedheen Fikradda Gaardiska 20ka Mayl (20 Mile Marching Concept). Macnaheedu waxa weeyi shirkadahani waxay lahaayeen hadaf cayiman oo ay soconayeen marka ay muddo soo wareegtaba, kaas oo aanay ka gaabin kana kordhin. Gaardiska 20ka Mayl wuu ka balaadhan yahay falsafad, waa inaad leedahay habab shaqo oo cad, la taaban karo oo caqli iyo cilmiba ku dhisan kuwaas oo kugu ilaalinayaa jidka toosan. Gaardiska 20ka Mayl wuxuu abuuraa laba nooc oo ah xanuun aad isa saartay (self imposed discomfort). Ta koowaad waa in ay kaa go’an tahay in aad gaadho horumar la tabaan karo marka ay xaaladuhu adag yihiin iyo ta labaad oo ah in aad hakiso socodka marka ay xaaladuhu wacan yihiin.
2. Hal-abuur wata caddayn hore loo tijaabiyay (Empirical Creativity)
Qoreyaashu waxay ku macneeyeen caddayn hore loo tijaabiyay (Empirical) isku hallaynta u fiirsasho toos ah (direct observation), fulinta tijaabooyin sax ah ama la macaamilida caddayn intii aad ku tiirsanaan lahayd fikir hal-abuur ah ama aragtiyo aan la tijaabin.
Caddaymaha lagu helay cilimi baadhistani maaha mid taageeraysa aragtida ah in shirkadaha 10X ka ahi ay ka hal-abuur (innovative) badnaayeen dhiggooda, wayse ka hal-abuur yaraayeenba dhiggooda.
Dabcan, ma aha anshaxa oo kaliya ka sababa weynida ama horumarka waxase keena isku darka anshaxa iyo hal-abuurka.
10xer kasta wuu sameeyey khalad, xitaa mararka qaar khalad weyn waxayse khaladkooda u arkaan mid qaali ah oo ay wax ka bartaan isla markaana aanay dib ugu celin, halkan shirkadaha dhiggoodu inta badan ay ku celceliyaan oo aanay waxba ka baran.
3. Shaki wax soo saar leh (Productive Paranoia)
Hoggaamiyeyaasha 10x-ku waxay mar walba aaminsanaayeen in xaaladuhu ay mar walba is beddeli karaan. Waxay aad ugu foojignaayeen xaaladaha isbeddellaya, iyagoo mar welba is weydiinaya maxaa dhici kara, kana sii diyaar garoobaya wakhti ka hor, samaysanaya kayd.
Aragtida guud ee maaliyaddu waxay leedahay, hoggaamiyeyaasha lacag badan u dhiga shirkadahoodu waa qayrul masuul xaga horumarinta hantidooda.
Laakiin qoreyaashu waxay baadhitaan qoto dheer ku sameeyeen xisaabaadka (balance sheet) shirkadaha muddo saddex boqol oo sannadood ah, waxaanay daaha ka faydeen caddaymo luxdan oo muujinaya in shirkadaha 10x-ku ay mar walba lahaayeen kayd hantiyeed aad u fara badan.
Shirkadaha 10x-ku miyay qaateen khatar ka badan ama ka yar dhiggooda?.
Qoreyaashu waxay ogaadeen in hogaamiyeyaasha shirkadaha 10x-ku ay qaateen khatar ka yar ta ay dhiggoodu qaateen.
Ka faaidaysiga nasiibka (Return on Luck)
Qoreyaashu waxay go’aansadeen in ay lafogur ku sameeyaan nasiibka iyagoo ka duulaya saddexda su’aalood ee aasaasiga ah:
- Nasiibku ma yahay maado caam ah ama ku yar taariikhda shirkadaha 10xka iyo dhiggooda?.
- Door intee leeg buu nasiibku ka ciyaaraa kala tagsanaanta shirkadaha 10x-ka iyo dhiggooda?.
- Maxay hoggaamiyeyaashu ku samayn karaan nasiibka si uu uga caawiyo inay noqdaan shirkado waaweyn?
- Miyay shirkadaha 10x-ku ka nasiib wanaagsanayeen ama ka nasiib xumaayeen shirkadaha dhigooda ah?
Markii baadigoob dhab ah lagu sameeyay arrintaas, cilmi baadheyaashu waxay ogaadeen in shirkadaha oo dhami ay si siman ula kulmeen nasiib wanaagsan iyo mid xunba. Caddaymuhu waxa kale oo ay muujinayaan in aanu nasiibku sabab u ahayn guusha shirkadaha 10xka ah.
Su’aashu ma aha miyaad nasiib leedahay? Su’aashu waxay tahay ma ka faa’idaysataa nasiibka aad la kulanto?