The horn of Africa state formation and decay. oo uu qoray Christopher Clapham oo lagu tilmaamo khabiir arimaha Ethiopia iyo geeska Afrikaba waxaana u saldhig ah xarunta barashada Afrika ee jaamicadda Cambridge buugaag door ah ayuu qoray oo uu ka mid yahay African Guerrilla(1998), Africa and International system(1996). Buuggaasi waxa uu ka koobanyahay 224bog iyo 6qaybood waxaanu soo baxay 2017-kii.
Qoraaggu waxa uu sheegayaa in geeska Afrika muhim u yahay dadyawgan dambe ee cilmi-baadhista inta badan ku foogan dhawr arimood ayaana keenay in geeska la darso waxaana ka mid ah:
1. Gun dheerida taariikhda geeska, geesku waxa ku yaal wadamo aan la gumaysan amaba la diriray iyo ilbaxnimooyin fac weyn.
2. Qaab dhismeedka bulsheed oo ah mid kakan.
3. Waxa kale oo jira nabaro badan oo ay colaadihii kala dambeeyay kaga tageen geeska.
Geeska waxaa loogu bixiyay marka sawirka qaaradda la eegayo waxaa jira wax u eeg gees dibi oo bad weynta Indiya eegaya, Geesku waa meel inta badan dhib u joog ah oo ay ka dhacaan colaado iyo walibana abaaro riiq dheeraada sida tii Itoobiya ku dhufatay amaba qaran jabkii Soomaaliyeed, geesku waa gobolka ay ugu badan yihiin wadamada wadamo kale ka go’a sida Ereteriya oo ka go’day Itoobiya, South Sudan oo ka go’day Sudan iyo Somaliland oo u xusul duuban in ay Soomaaliya ka goosato rimoodhka,.
Geeska cidiba dawlado ayay ku sheegaan waxaanu qoraagu sheegaya in geesku ka kooban yahay oo keliya Itoobiya, Ereteriya Iyo qaramada Soomaalida, qaar ayaa la xidhiidhiya geeska Suudaan iyagoo wabiga niil ee ay Itoobiya wadaagaan ku sidkaya amaba Kenya oo ay qayb ka tahay bulsho Soomaaliyeed oo ku xidhan Soomaaliya, Harada weyn ee rift valley ayaa ka dhigtay Itoobiya meel joogeedu sareeyo meelaha qaar waa 2,000M Ras Dashen meesha la yidhaahdaana waa 4,500M taasaana keentay in ay roobka u soo dabto, Muslim iyo Kiristan ayay dadyawgaas diin ahaan u haystaan, Cafarta ayaa gumeystihii reer Yurub ku kala dareen dawladaha Itoobiye. Jabuuti iyo Ereteriya, Jihaadkii dhex maray Itoobiya iyo Axmed Gurey ayaan wali maskaxda Itoobiyaanka ka bixin 500 oo sanno ka dib, Soomaalidu waa xoolo dhaqato dhul maren ayaana ku sheegay “Every man is his own sultan” in mid waliba tiisa hayste yahay, itaal darida Oromada ayaanu dhawr arimood u sababaynayaa oo ay ka mid tahay Amxaarada oo muddo dheer xukunka haysatay luqadoodana rasmi waddankaas uga yeelay, ma aha dad meel isku iman kara diin ahaana waa Muslim iyo Kiristan kala duwan, Itoobiyaan badan ayaa u firdhaday caalamka Maraykan waxaa ka joogay nus malyuun qof, Eretiriya waxaa si siman u qaybsada Kiristan iyo Muslim,.
2016-kii bulshooyinka geesku waxa ay kala ahaayeen: Jabuuti 893,780 qof, Eretiraya 5,281,340 qof, Itoobiya 100,658,562 qof iyo Soomaaliya/Somaliland 10,904,271. Itoobiya 2050ka waxaa la filayaa in ay gaadho 145 Malyuun oo bilaa bad ah. Itoobiya dagaalada ay soo martay qoraagu waxa uu ka xusay kii dhex maray gumeystihii Talyaaniga oo dhacay 1896 Adwa, Menelik 2 ayaana maamulayay talyaanigu waxay wateen 100,000 oo askari oo qalabkooda dagaal u dhanyahay, Menelik ayuu qoraagu sheegayaa in uu dhisay qaran u eeg ka reer Yurub isla markaana diyaar u yihiin inay dhariga reer yurub gacanta la geliyaan qaybsashada Afrika, Eriteriya iyo Itoobiya ayaa isku biiray 1952dii si bad loogu helo Itoobiya, 1916kii Faransiisku waxa uu sameeyay waddo tareen oo isku xidha Itoobiya iyo Jabuuti, 1941kii waxaa xukunka Itoobiya gacanta ku dhigay Xayle Salaase isagoo sameeyay qaran ay saldhig u yihiin laba arimood oo kala ah in dhaqaale ahaan uu noqdo waddan aan meelna ku tiirsanayn oo is bixiya iyo samaynta aqoon heer sare ah 1951-kii ayaa jaamicaddii ugu horaysay laga unkayn soona saartay indheer garan meelo kala gedisan u shaqo tegay, Itoobiya waxay u kala duwantahay sida ay u kala taal dhul ahaan qaar waa highlanders ka ilbaxsan kuwa lowlanderska ah oo u badan xoolo dhaqato aan dawladnimada waxba ka aqoon, Mingiste ayaa xukunkii yimid is dil badan ka dib isaguna waxa uu yagleelay dawladnimo, 1977 ayay Soomaaliya weerar ku soo qaaday Itoobiya iyadoo ka faaidaysanaysa khalkhal gudeed, 1991kii ayay jabhadaha TPLF oo Tigranya hogaaminayaan la wareegeen Adisa, EPLF iyana Eretiriya.
Qoraagu waxa uu soo qaadanayaa cutub uu u bixiyay dhimashadii riyadii Soomaalida, Bavin oo ahaa xoghiyihii Ingiriiska ayaa soo jeediyay in Soomaalida ku kala firidhsan dawladaha kala jaadka ah meel la iskugu keeno qaran Soomaaliya la yidhaana loo sameeyo, qorshahaas waxaa loo yaqaana Bavin Plan mana hir gelin, Soomaalidu ayuu qoraagu sheegay in ay ka duwanyihiin jabhadihii galay wadamada jaarka ah oo iyagu siday geel uun ula joogeen markii dambena qoryihii la soo galay magaalooyinka tahlina kari waayay in ay qaran dhistaan, SYL oo Koonfur ka jirtay iyo SNL oo waqooyi ka jiray ayaa dhaliyay gobonimadii isla markaana keenay dalwaddii Soomaaliyeed, 1969 golihii sare ee kacaanku waxay qabatimeen mabda’ii hantiwadaagii cilmiga ay sheegeen inuu ku dhisnaa waxaanay isku dayday in ay yeelato xidhiidho sida Itoobiya ay US ugu xidhantahay Kenyana UK waxaanay jaal la noqotay USSR oo hub iyo tababar siiyay ciidankooda oo 4,000 ahaa ayay Soomaaliya yeelatay ciidan ku dhaw 17,000 oo askari, Soomaaliya waxaa joogay 3,600 oo saraakiil Ruush ah oo la taliyayaal ahaa saldhigyo ayay ka samaysteen Berbera iyo Kismaayo.
Qaran dhiska ayay ku kala duwanyihiin dawladaha geesku jabhaduhuna waa ay kala duwanaayeen, Itoobiyaanku dawladaha iyagaa dhista jecelna inay dawlad yeeshaan waxaana qoraagu soo qaadanayaa maahmaah Amxaari ah oo tidhaahda” the sun that rises tomorrow is our sun; the government that rules tomorrow is our government” caceeda berri waa teena, dawladda berri ina xukumi doontaana waa dawladeena, EPRDF markuu xukunka qabsaday waxay damceen in Adis ay noqoto xarun talis oo Afrika iyo caalamkaba wax la qaybsato waxaanay hore saldhig ugu ahayd Midawga Afrika iyo ururo caalami ah. qaadashadii Federaalku waxay ahayd ta ugu badan ee cabsiyi ka haysay in gobolo go’aan sida gobolka Soomaalida oo jecel in ay Soomaaliya ku biiraan, Melez oo uu qoraagu sheegay in uu isagoo Medicine barta ku biiray jabhaddi TPLF isla markaasna noqday philosopher king xisbigii EPRDF, Meles ayuu qoraagu sheegayaa in aanu jeclayn in sumcadda Itoobiya lunto waxaanu in badan isku dayay in uu si salmi ah ku dhameeyo khilaaf xuduudeedkii markii dambena dagaalka isu bedelay ee Ereteriya dhex maray 1998-2000, Itoobiya ayaa qaadatay hanaanka dimuqraadiyadeed ee ay ku dhaqmaan wadamada bariga Aasiya, oo ah in dawladda gacanta ku hayso ilaha dhaqaalaha ee ugu muhiimsan sida isgaadhsiinta, China ayay dhinaca saartay, Abai dam oo Suudaan u dhaw ayay damacday in laydh gobolkaba ku filan ka soo saarto, World bank ease of doing business index Ethiopia waxay noqotay 132 out of 189.
Ereteriya 24kii May 1991kii ayay qaadatay xornimada iyadoo dagaal lagu hoobtay la gashay Itoobiya dagaalkaas ayaa la sheegaa in ay ku naf waayeen in ku dhaw 160,000 oo ruux oo labada dhinac ahi, Itoobiya oo walibana ay quwado shisheeye taageerayeen, Afawerki oo ah nin China ka soo qalin qaatay waxa uu qaatay in dawladdu gacanta ku dhigto dhamaan ilaha wax soo saarka oo dhan, qof kasta oo Ereteriyaan ah oo jooga qurbaha waxay dawladdu amartay in 2% dakhligiisa uu ugu deeqo dawladda si ay hawlaha ugu dabarto, Ereteriya dhabar jabin badan oo lagu sameeyay xataa markii dambe waxaa lagu dhajiyay in ay kooxaha islaamiyiinta ah ee Soomaaliya ay taageerto.
Qaran jabkii Soomaaliya waxaa loo saaraa in kooxihii hubaysnaa ee dawladnimadii galalafay aanay lahayn aragti dawladnimo oo la mid ah tay sameeyeen TPLF oo kale ama EPLF, xataa amnigii inay soo celiyaan ayay awoodi waayeen.
Samaysankii Maxkamadaha Islaamiga ah ayuu qoraagu sheegayaa inay timid xilli uu amnigii caasimaddu faryaro bidix ka baxay, maxakamaduhu markii ay yimaadeen shacabkii Sooomaaliyeed laydh qabaw oo dawladnimo ah ayay dareemeen waxaana soo dedejiyay arimahan:
1. Hogaamiye kooxeedyo kor u dhaafaya 14 ayaa dhib iyo mushkilad ku noqday dawladnimadii, dadkiina karheen oo ay doonteen wax ay ku bedeshaan.
2. Baayac mushtarkii waxay u baahdeen hantidoodii cid aamin ah una ilaalisa taasina way soo dedejisay.
3. soo celiintii Social order ama hanaankii bulsho oo meesha ka baxay.
boobkii iyo bililiqadii ka dhacday Xamar qoraagu waxa uu sheegay in mashiinadii iyo talaagadihii ay waddanka iman jireen ganacsato reer Kenya ah oo iibsan jiray waddankoodana u raran jiray, waxaaba suuro gal ah in ay Soomaalidu isu qaadato in hantidoodu lagu qurxiyay Kenya.
Somaliland oo uu qoraagu xusayo ayuu sheegayaa in ay saddex arimood keeneen xasiloonida ay maanta haysato kuwaas oo kala ah; dib u heshiisiinteedii oo gudaha ka timid gacan shisheeyana aanay ku jirin, siyaasadda isu tanaasulka iyo wada hadalka, iyo ugu dambayn ganacsatadii oo kaalintoodii qaadatay, waxa uu ka sheekaynayaa in nin musharax ka ahaa shirkii Boorama lagu dooranayay madaxweynenimada uu sitay lacag uu Sacuudigu soo siiyay laakiin madaxnimo u gooyn weyday.
Jabuuti oo 1967dii laga bedalay magacii dhulkii Canfarta iyo Soomaalida waxaanay gobonimada Faransiiska ka qaadatay 1977.
Geeska Afrika ayaa xudun u ahaa is qabsigii dawladaha waaweyn laakiin dhammaadkii dagaalkii qaboobaa ee dunidu waxa uu keenay in geeskuna salka dhigo kana fikiraan wax wada qabsi iyo iskaashi dhan walb ah.
intaas iyo in kale oo badanba waxay ku dhigantahay buuggaasi aad moodo in Itoobiyaanku uu si badan wax uga qoray.
Wasalaam.