Guudmarka Buugga “War Games-The story of aid and war in modern times” (WQ: Axmed Sulaymaan)

Buuggan magaciisa la yidhaahdo War Games-The story of aid and war in modern times oo ay qortay suxufiyadda Linda Polman.

 

Buuggan oo ka kooban 218 bog iyo toban cutub waxay Linda oo ah in ka badan labaatan sanno ku shaqaynaysay suxufiyad madax bannaan oo waxna ku qorta wargeysyada Times iyo Gaurdian waxaanay degantahay Holland iyadoo dhigta journalismka. Waxay wax ku qortaa afkeeda Dutchka inta badana waxaa loo af celiyaa Ingiriisi.

 

Had iyo gooraalee cid kasta oo mucaawinada aadamaha ka shaqaynaysa waxay xustay in saddex arimood ay saldhig u tahay kuwaas oo kala ah: 1.Neutral 2. Impartial

3. Independent.

 

Ceel kasta oo aad qodayso cid kasta oo ku lug leh hawshaasi waxay doonayaan in aad adduun u laabta ka hor inta aanad far dhaqaajin waxaana ka mid ah askarta kula socota iyo kuwa mashruuca bixinaya laftooda, inta ugu badan qaylo dhaan ayaa loo dirsadaa kuwa qaadhaanka bixiya ee kala jooga London, Washington iyo New York iyagoo lacagta ku bixiya waxay iyagu raali ka yihiin oo keliya.

 

Labadii qof ee ka mid ah dadkii ugu horeeyay ee arimo baniiaadamnimo u shaqeeya oo ay qoraagu ku kala sheegtay Florence iyo Dunant waxay kala qabaan laba aragtiyood oo kala ah wixii la cunayo ha la cunee dadka wax ha la gaadhsiiyo iyo arinta kale oo ah haddii musuq meesha ka soo ifbaxo in faraha laga qaado badbaadinta nafaha aadamaha, Korodhka joogitaanka NGOyada ayaa iyaguna kordhay xero qaxoonti oo Cambodia ahayd waxaa joogay 40 NGO shan iyo toban sanno ka dibna waxay ahaayeen 250 NGO, Waddanka Afgaanistaan ee ay colaaduhu dib u dhigeen ayay UNDP sheegtay in ay 2004tii joogeen 37,000 INGOS.

 

Goma oo ah magaalo ay ku yaaleen 25 xero qaxoonti oo ay ku qaxeen Tutsigii la gumaadayay ee kor ay u dhaaftay in 800,000 laga dilay ayaa waxaa taas u raacday Daacuun ku dhuftay xeryahaas oo ka dilay 50,000 oo ruux oo ay markii dambena u bixiyeen inuu ahaa second genocide, Goma waxa calan ka lulanayay ayaa yaab lahayd ayay qoraagu sheegtay ha uba badnaadaan ku UNtu magacyadooda raacdo’e, Maleeshiyaadka ayaa inta badan gada mucaawanooyinka la soo gaadhsiiyo xeryahaas qaxoontiga iyagoo iibiya 60% qaadhaankaas qaxoontiga loogu talo galay, Care Canada ayaa laga laayay shaqaale iyadoo markii dambe shaqo gelisay in ay kiraysato kuwo amnigooda ilaaliya, MSFta Belgium laga leeyahay ayaa mid kasta oo ka mid ah askarteeda u qortay $100 bishii halka hogaamiyayaasha Hutu-gu ay ka guri jireen baad dhan $11,000 shaqaalaha, Maalintii Goma waxaa ku bixi jirtay $4 Malyuun sida ay sheegeen qolyaha gargaarku waxaanay qoraagu sheegaysa in gargaarkaasi inta badan ay ku heli jireen waxa loo yaqaan “Moral Economy’ oo iska sadaqad noqonaysa, Inta badan kuwa gargaarka ka shaqeeyaa waxay aad iyo aad u isticmaalaan suxufiyiinta iyagoo hadba u kaxaysta meelaha ay macaluushu ka taagtantahay.

 

Waxa kale oo ay qoraagu xusaysaa waxay u bixisay contrtact fever oo ah hadba cidda qandaraas la siinayo iyo dheefta la waydiinayo markuu mashruucu soo go’o, isticmaalka hanti badan oo ay ku lumiyaan in ay siiyaan dumarka jidhkooda ka ganacsada iyo walibana gawaadhi cadcad oo aad qaali u ah oo ay ku gataan hantidaas gargaarka loogu talo galay, meelaha agoomaha ayaa iyaduna saro u kac ku yimid iyadoo lagu qaadiyo xataa dad ay waalidkood noolyihiin, lacagta yar ee ka soo hadha dadka qaxoontiga ah waxay u soo siiyaan wax aan manfaco u lahayn sida Ski gloves, rotten cheese meelaha qaar Kenya ka mid tahayna waxaaba lagu arkay canned dog food, qoraagga ayaa sheegtay in waxyaalaha ugu badan ee loo bixiyo gargaarka ay ka mid tahay arimo diimeed sida ay sheegtay Maraykan waxaa jooga 150,000 oo NGO oo inta badan soo raaca mucaawanada ay waddankoodu soo diraan, waxaa la arkay NGO-yo qaybinaya raashin iyo Baybalka oo wada socda, Rwanda colaadaha ka dib waxay iska saartay 50 MONGOS oo ah kuwa aan waxtarka lahayn, 1991-2001 waxaa dhintay 200,000 oo ruux oo ku haligmay dagaalkii ahliga ahaa ee waddankaas ka dhacay, waxaana isku shubay 500 INGOS waddankaas yar ee Afrika ku yaal, caruurta aan lagu dawayn karin waddanka gudihiisa waxaa la gayn jiray US si xaaladahooda loola tacaalo iyagoo marka dambe ubadkaasi aan kuba soo noqon jirin waddankooda bal soo ba nacdali jiray.

Charles Taylorkii waddanka Liberia ayaa codsaday in mucaawaano la waday loo bedelo cash deetana isaga la siiyo 15% gargaarkaas waliban kaash lagu siiyo, Soomaaliya ayay qoraagu sheegtay in ay iyagu dooni jireen 80% mucaawinada in kaash lagu siiyo,halka Taliban ay codsan jirtay saddex meelood meel in cuntada iyo gargaarka kaleba farta laga saaro, Somaliland ayay qoraagu sheegaysaa in wakiil qaramada midoobay ahaa uu is yidhi bal kala xaal sida ugu haboon oo lagu soo gaadhsiin karo mucaawano waxaanay sheegeen madaxdii ciidamadu ay nagala hadleen oo kaliya maxaa anaga noo naf ah marka laga tago waxan aad qabanaysaan ee biyo iyo caafimaadka ah, Waddan Indonesia 30% ayay ciidanku qaadanayaan waxa kale oo suuqyada lagu arki jiray kiishashkiii ay ku qornaayeen dadkii qaadhaankaas ku soo yaboohay, waxay xusaysaa oo kale in marka mashruuc la soo hadal qaado tartan ay u galaan qaadhaan bixiyayaashu haddii baanka adduunku u fursada dayaco waxa markaba ka jawaabaya baanka Islaamka iyo China oo ay reer galbeed is colaadsadaan, marka qaadhaan bixiyayaashu ay waddan soo galaan waxa qaali lagaga kireeya gaadiidka aanay xabbadu karin iyo walibana guryaha sida guri lagaga kireeyay $5,000 bishii, nin ka mid ah qolyihii maraykanka ahaa ee Somalia loo soo diray ayaa laga guntay “We came, we fed them, they kicked our asses”,.

Reer galbeedku intii dambe sida hubka ayay u isticmaali jireen qaadhaanka ay bixiyaan, waxay si toos ah ula hadleen hay’adihii ay dirsan jireen iyagoo faray in ay waddankooda u maqnaadaan oo waxii macluumaad ah ay wasaaradda khaarajiga u soo gudbiyaan, tusaalaha mashruuc kooban oo Afghaanistaan looga soo dawaray reer galbeedka ayaa ku dhamaaday midhadh sarab ah oo Iiraan looga keenay oo ay markii dambena iskaba xaabaysteen, wasaaradda qorshaynta waddanka Afghaanistaan ayaa diiwan gelisay 2,325 oo NGO 2004-tii. Nin madax ka ahaa Save the children ayaa laga guntay “if you don’t have starving babies, you don’t get the money” oo ah hadaanad awlaad macaluulaysa soo xaadirin cidina baysteen kuu dhiibi mayso.

Intaas iyo xogo kale oo xiiso badanba waxay dhex ceegaagta buuggaasi.

Wasalaam.