Waxa maal mahan la sheegaya in aqoon yahan Maxameed Cali Bile uu ku biiri doon xisbiga talo dalka haya ee Kulmiye taas oo dad badan oo Somaliland ah is waydiinayaan sababta uu ugu biirey isago oo wali sheegin sababaha ku kalifay in uu xisbiga talada dalka haya uu ugu biiro iyagoo dadku u aaneenaya in uu xisbiga Kulmiye si dad ban ugu jiray balse imika uu cadeeyay, sidoo kale dadkana loo baayaamiyay in uu ka mid yahay .
Aqoon yahan Maxamed Cali Bile inta aqoon dadku u leeyihiin waa nin hawl kar ah in badan kasoo shaqeeyay waddanka dibeddiisa iyo waddanka gudihiisa xaalada badan oo uu waddanka Somaliland soo maray si wanaagsan ugu war haya mana aha shaqsi dibedda inaga yimid oo maanta qurba joog ah ama qariib ku sheegi karno balse waa shaqsi in badan horumarka dalka kusoo jiray isaga oo hawlahiisa shaqo ku gudo jira.
Haddaba aqoon yahankan waa shaqsi uu waddanku u baahnaa in badan dhallinyarada Somaliland sugayeen goorta uu siyaasada waddanka ka qayb noqon lahaa, xalka loo raadinayo dhibaatooyinka waddanka haysta ee qabyaaladu ka kow tahay in uu ka mid yahay dadka ka qayb qaadan qayb laxaadleh.
Xisbiga talada haya ee Kulmiye ama labada xisbi ee mucaaridka ee UCID iyo Waddani aqoonyahanku kuu ku biiraba waxaan aaminsan ahay in maanta Somaliland guul usoo hoyatay maadama dad badan oo dhalinyaro ah ay eegi doonaan habka uu uga qayb qaato horumarka iyo ka hortaga dhibaatooyin badan oo dalka ka jira halka uu kaalintiisa kaga qayb qaato.
“#Aqoontu #Nolosha u #Adeegto” .(Mohamed ali bile)
WQ: Mahedi Ismaaciil
Gmail: Mahedi.alsomal@gmail.com