Guur doon Talo u Baahan !!!

Bari ayaa waxa la yidhi nin guur doon ah oo dumarku ay dhibeen ayaa go’aan ku gaadhay in uu 100 qof la tashado mooyee in aanu guursan markii uu 99 qof la tashaday ee hal u dhiman yahay ayuu subax raadiyey qofkii boqlaad, waxaa ka soo hor baxay nin ul uu maro ku duubay fuushan oo faras ka dhiganayan lafana taxday oo kuul ka dhigtay wajigana rad madow is mariyey.
In uu waalan yahay garte laakiin wuxuu is yidhi is ba ka dhigo kii boqlaad oo waydii, waxaanu ku yidhi waxaan rabaa su’aal in aan ku waydiiyo, wuxuu ku yidhi: wixii dantaada ah uun i waydii wax kale ha i waydiin.
durba la yaab jwaabtii una dan sheegay talada uu gaadhay iyo qofkii boqlaad ee uu la tashan lahaa in uu yahay wuxuu ku yidhi ninkii waalaa: waar dumarku waa sadex:
1- mid aad leedahay
2- mid ku leh adiga Bahluul
3- iyo mid aadan lahayn iyadana aan ku lahayn
tan hore waa gabadh aad gashaanti ku guursatay hadii ay wanaag kaa aragto waa sax hadii ay xumaan kaa aragtana raggu waa sidan uun bay is odhan, tan ku lihi waa naag la guursaday hadii ay wanaag kaa aragto waa siday doonaysay hadii kalena ninkii hore ayey rabtaa oo ay xasuusan, tan aydaan is lahayna waa mid la guursaday caruurna wadada iyadu caruurta uun baa u dan ah ee adiga kuma rabto.
ninkiibaa yidhi waa xikmado qaaliya ee maxaa sidan kaa dhigay? horaan kuu idhi ayuu ugu jawaabay dantaada uun i waydii wax kale ha i waydiin? maya buu yidhi Ilaah baan kugu dhaariyee maxaa sidan kuu galay? wuxuu ku yidhi: garsoorse maxakamd ayaa la ii maagacaabayey taas anoo ka ordaaya ayaa sidan ka door baday waanu ka cararay

Waxaa soo xigtay Xasan Ciise  ( buuga cuqalo Waalan)