Dadka madow waxa ay jecel yihiin cilmibaarista dadka caddaanka ahe, naago dhogorcad oo jaan baa muddo waday baaris ay ku samaynayeen guurka raaxada leh ee najaxa. Waxa ay soo ogaadeen in guurka dadka isku xirfadda ah uu ka macaan yahay, ka xiiso badan yahay, kana waaris badan yahay guurka dadka aan isku xirfadda ahayn. Dadka isku xirfadda ah waxaa loo la jeedaa, haddii ay is haleen: nin iyo naag siyaasi ah, nin iyo naag ciyaaryahan ah, nin iyo naag wadaaddo ah, nin iyo naag ganacsato ah, nin iyo naag macallimiin ah, nin iyo naag tuugo ah, nin iyo naag muqayiliin ah, nin iyo naag faanaanno ah.
Waxa ay dheheen naagahan gaalada ah, dadka isku shaqada ah waxa ay haystaan fursad aysan haysan dadka aan isku xirfadda ahayn. Mihnaddoodaas bay wada hormarinayaan, shirarka iyo madallada looga wada hadlo bay wada aadayaan. Dee xirfaddooda oo ay xiiseeyaan bay ka wada sheekeysanayaan oo ay falanqeynayaan mar kasta oo ay kasho hayaan. Halka labada aan isku xirfadda ahayn ay isku caajisayaan, illeen isku wax ma xiiseeyaane, waxa ayna ku khasbanaadaan, in uu mid kasta xilliga uu firaaqada yahay aado saaxiibbadi ay isku xirfadda yihiin sida ay uga wada sheekeystaan hawshooda oo uu ugu soo nafiso.
Ka warran haddii ay is guursadaan nin wadaad ah iyo naag fannaanad ah?
Gabar aan musalsalka la ag marin iyo wiil aan ciyaaraha kubadda mintid ku ah baa ayaan dhaweyto isku furay Tv daawashadi, ka dib markii ay habeen isku aadeen Musalsal meel cajiib ah u marayey iyo ciyaar khatar ahayd oo u dhaxaysay Man City iyo Chelsea. Aniga ayaa daawanaya iyo aniga ayaa fiirsanaya ayaa la isku qabtay, waana la is furay, wiilkii baana u haray TVgii, gabadhiina, inta orodday bay guriga hooyadeed ka gaartay Musalsalkii.
U fiirsasho aan anigu sameeyeyna waxa ay sheegeysaa, in qof walba uu jecel yahay in uu ka sheekeeyo xirfaddiisa, dadkana uu ugu jecel yahay qofka ka dhageysta oo la falanqeeya.
Tusaale waxaa oo dhan isku fuuqsaday: Waxa aan aqaannaa nin iyo naagti aad u yaqaan turubka, balwadna uu u yahay. Waa ku tartamaan oo sharad bay ku kala dhigtaan. Aad bayna isugu foorjeeyaan. Ninku marka uu firaaq yar helaba guriga ayuu ku soo ordayaa, isaga oo taleefoon u sii dira afadiisa, uguna dhaaranaya in uu maanta ka rayn doono. Ninkaas arki maysid isaga oo biibato iyo meel kale iska fadhiya. Turubkii iyo xaaskiisii oo bahalkaasi xariif ku ah ayuu u ordayaa kol walba.
Sheekadii xiisaha lahayd ee labada sheekh ee CAWO iyo BULXANNA, dee waa adigii ku arkayba buugga CAWO.
Cilbaaris gaalo dhul ma dhacde, oo waa duuduub u liqe, ka warran taxliilka aan ku daray?
Waxaa qoray: Suldaan Nayruus