Guurtida Iyo Xukuumadda Siilaanyo haadaan bay ku rideen dimuqraadiyaddii Somaliland (W.Q. Baashe Cabdi Gaboobe)

Shalay daalinkana ridey

Dal baabu xukumaayee,

Qaar daaqii xoolaha,

Dekeddiyo madaarki,

Iyo dawladnimadi

Sarriftaa ka daba yimid

Oo sida dawaarlaha

Ninba dhan u dilaacsadey

AHN Gaarriye “Daba-taxan 1997″

Somaliland waxay u diyaar garoobaysay in doorashada madaxweynaha, ku-xigeenkisa iyo Golaha Wakiilladu dhacdo 26 Juun 2015, iyado madaxweyne Silaanyo balanqaadey mar walba oo uu saxaafadda iyo goleyaasha sharci-dejinta la hadlo.

Waxa kale oo aynu wada ogsoonahay in Golaha Wakiilladu muddo-dhaaf yahey oo la doortey September 2005, Golaha Guurtidana aan marnaba la dooran, badankooduna ku joogaan dhaxaltooyo ay aabayaashood ka dhaxleen.

Haddaba iyadoo xukuumadda Silaanyo, saddexda xisbi-siyaasadeed ee Somaliland UCID, Waddani  iyo Kulmiye ka faa ‘iidaysanayaan khaladaadkii ka dhacay doorashadii Golaha Deegaanka ee 2012-kii ayay ku heeshiyeen (kaabis iyo wax-ka-bedel Xeerka Doorashada 20/2001) in ka hor doorashooyinka soo socda la sameeyo diiwaangelinta codbixiyeyaasha. Beesha caalamkuna waxay diyaar inoola ahayd in ay innaga caawiso 75% kharashka ku baxaya oo qiyaas ahaan ah toban million  oo doollarka Maraykanka ah.

Haddaba halkii xukuumadda Silaanyo ay hore ugu soo gudbin lahayd Golaha Barlamaanka Xeerka Diwaangelinta codbixiyeyaasha iyadoo aynu wada oggsoonahey in Kulmiye aqlabiyad ku haysto labada aqal ee Baarlamaanka, wuxu doonana ka ansixin karo, ayuu 2014kii keenay Barlamanka Xeerki codbixiyeyaasha iyo Xeerkii Diwaangelinta Madaniga (civil registration ).

Waxaanay khasab kaga dhigeen muwaadiniinta reer Somaliland in marka hore ay qaataan kaadhka diwaangelinta madaniga ah, arrintaas oo ilaa maanta aanay fari ka qodneyn. Waxay marag ma doonto u tahay in Silaanyo uu waqtiga luminaayey si uu muddo kordhin u dalbado.

Waxa kale oo aynu oggsoon nahay in markii la ansixinayey Guddida Doorashada ee cusub in aqlabiyaddii Wakiillada ee Kulmiye ay fadhigii muddo iman waayeen.

Markii ay u caddaatey Guddiga Doorashada in waqtigii doorashadu dhaw yahay iyo eegeena qabyada meesha taal ayey soo saareen go’aan ay ku caddeynayaan in doorashadu aaney waqtigeedi 26 Juun 2015 ku qabsoomeyn ee ay ku qabsoomeyso November 2015 +lixda bilood ee sharcigu jideeyey inay ka dambeyso diiwaangelinta, taasoo noqotey 1 Juun 2016 .

Haddaba iyadoo shacabka Somaliland wada xasuusan yahay sida adag ee Madaxweyne Siilaanyo uga soo horjeeday muddo-kordhin loo sameeyo Madaxweyne Rayaale waqtigii uu mucaaridka ahaa ayaa maanta qawadey muddo-kordhinta Guddida Doorashooyinku soo jeediyeen isaga oo ganafka ku dhuftey soo-jeedinti Beesha Caalamka in aan waxba laga beddelin waqtiga la soo jeediyey ee ahaa 1-da Juun 2016.

Waxa uu Siilaanyo dhaqdhaqaajiyey Guurtidi iyo Saleebaan oo ku dhawaaqdey  muddo-kordhin cusub oo ah ilaa 28 April 2017. Taas oo ka cadhaysiisey shacabka Somaliland gudo iyo dibedba iyo beesha caalamka oo laga yaabo inay tallaabo siyaasadeed iyo mid dhaqaale ka qaaddo xukuumadda Silaanyo.

Waxa xusid mudan in Madaxweyne Siilaanyo aad u dhalliili jirey Madaxweyne Rayaale oo afar doorasho nababgalyo ku qabtay kuwaas oo kala ah December 2002 Golahii Deegaanka ee ugu horaysay, April 2003 doorashadi Madaxtooyada, September 2005 doorashadi Golaha Wakiillada ee haatan toban jirsaday iyo 2010 doorashadi Madaxtooyada ee uu Madaxweyne Siilaanyo xukunka ku qabtay, halka madaxweyne Siilaanyo shan sannadood gudahood qabtey hal doorasho, tii 2012-kii ee Golaha Deegaanka oo ahayd doorashadii abid ugu xumayd ee dhiig ku daato.

Alla mahad leh,

Eng. Bashe Cabdi  Gaboobe