Guuudmarka Buugga: “Beyond the crash” Ee Uu Qoray Gordon Brown (WQ: Axmed Sulaymaan)

“In Somalia farmers are using computers at internet cafés to sell livestock”.

Buugga Beyond the crash oo ka kooban 314 bog iyo 11 cutub waxaa qoray Gordon Brown oo raisal wasaare ka soo noqday waddanka Ingiriiska isla markaasna soo noqday wasiiral maaliyihii ugu muddada dheeraa, waxa uu shahaadada PhD ku haystaa taariikhda buuggan iyo buugag kale oo door ahna wuu qoray waxaanu noloshiisa inta badan ku soo qaatay macalinimo.

Arinta qalaalalasaha dhaqaale(Financial criss) ee dunida ka dhacday 2008-dii waxay ahayd mid faqiir iyo taajirba saamayn ku yeelatay, isagoo jooga waddanka Maraykanka ayaa loo soo sheegay laba baan oo Ingiriis ahi ay khasaare aad u laxaad leh la kulmeen, 1990-kii Maraykan iyo Yurub waxay dunida ka ahaayeen 55% of all manufacturing, 57% of all exports, iyo 59% of world economic activity, muddo ka dib 2010-kii waxay hoos ugu dhaceen 45% iyo 47%.

Sep 14, 2007, ayaa dhammaan telefishanadii waddanka UK oo dhami baahiyeen macaamiishii oo lacagtii kala baxay baanka Northern rock oo kuyuu dhaadheer loo galay, dawladda ayaa lacag siisay markii dambena waa la qarameeyay(Nationalised), 2008 ayaa Lehman Brothers baanka la yidhaahdaa inuu khasaaray $3.9 Bilyan muddo saddex bilood ah gudahood.

Gordon oo ah qoraagga buugga ayaa sheegay in markasta oo arin la soo darso uu maro saddexdan tallaabo:

1. Wuxuu si weyn u akhriyaa waxa laga qoray mushkiladdaas hortaal sida taas qalalaalasaha dhaqaale oo kale.

2. Wuxuu la tashadaa dadka maskaxda badan haday yihiin bankers amaba investors.

3. Ugu dambayn waxa uu eegaa halka go’aankaas la maro.

Mararka qaarkood ayuu qoraagu sheegay in wadamada carabta ay u baryo tagaan si ay u badbaadiyaan baanankooda waxaanu raisal wasaaraha Qatar kala hadlay in uu dayn siiyo baanka Barclays ee waddanka Ingiriiska.

Qaaradda Aasiya oo hore uu ugu dhacay qalalaase 1997 iyo 1998kii ayaa waxaa ugu weyn ee loo aanaynayay ahayd maamul xumo iyo musuq, Anawar Ibraahim oo ahaa wasiirkii maaliyadda ee Malaysia ayaa Mahaatiir uu xilkii ka qaaday sababo musuqaas la xidhiidha, baanka Lehman brothers oo kale ayuu qoraagu sheegaya in ay iska dilaaliin oo kale ahaayeen isla markaasna ay isticmaali jireen hab xisaabeed aan sax ahayn, orphan assets oo ah lacagaha baananka yaal ee dadkii lahaa ay ka dhinteen ayuu xusayaa in aan la garanayn meelaha inta badan la mariyo, kulan uu Gordon hogaaminayay oo London ka dhacay ayay iskugu yimaadeen wadamada la isku yidhaa G20 isla kulankaas ayuu soo jeediyay in dunidu u baahantahay $1 trillion oo dhiig joojin u noqda qalalaasahan dhaqaale ee dunida gaadhay.

China ayaa ah waddanka ugu badan ee reserve haysta waxaana la qiyaasayaa in uu dhaqaale ahaan dunida hogaamiye 2024-ka, india ayaa hindistay qorshe ay ku dhisayso kun jaamicadood waddankaas oo ay ku nool yihiin  400 milyan oo ku nool in ka yar $2 maalintii, wadamada Yurub ayaa iyaguna interest rate kala duwan lahaa taasina uu sabab uga dhigay in aanu waddankiisu kuba biirin, waddanka Giriigana ay lacag badan ku kharash gareeyeen.

2009-kii ayaa shir loogu qabtay Talyaaniga waddamada Afrika, waxaa gudddoomiye u ahaa ururka midawga Afrika Mucamar Alqadddaafi oo dhib kasta oo qaaradda ku habsatay eedeeda dusha ka saaray waddanka Maraykanka, waxa uu Gordon ka sheekeeyay wiil yar oo David la odhan jiray oo xasuuqii Rwanda lagu dilay yididiilada wiilkaas ayaa ahayd in uu dhakhtar noqdo, qaaradda ayaa wax badan ku weyda infrastructure xumo waxaanu soo jeediyay Gordon in mucaawinada loogu bedelo in Africka laga cafiyo daynta isla markaasna kaabayaasheeda dhaqaale la horumariyo, qaaradda waxayaalaha dhaqaale ahaan kobcin kara waxaa ka mid ah in ay gudaheeda wada ganacsato, isgaadhsiinta ayuu sheegay in Afriki lacag badan ka hesho 2001-dii waxaa ka soo gashay $4 bilyan halka 2008-dii ay ka macaashtay 12 bilyan.

Intaas iyo inkale oo badanba waxaad ugu tegaysaa buuggaas.

 

Wasalaam.