Ha Iska Jiro Iibsadahu! (WQ: Cabdullaahi Xaaji Saciid)

“Caveat Emptor” Let The Buyer Be ware!
Caveat emptor, waa weedh Latin ah oo loo macnayn karo ha iska jiro iibsaduhu ama foojignaan ku wargali iibsadaha. Fikradani waxay qeexaysaa qiimaha ay leedahay in iibsaduhu si qotodheer u oggaado waxa uu gaddanayo. Si kale, aragtida Caveat waa mabda ‘aasaasi u ah ganacsiga waana heshiis ka dhexeeya iibsadaha iyo iibiyaha. Waa digniin sharci, oo ka ilaalisa iibsadaha hogseeg ama ilduuf.Marka iibku ku xiran yahay digniintan, iibsadaha wuxuu qaadanayaa halista ah in badeecaddu noqon karto mid cilladaysan ama aan ku habboonayn baahidiisa. Qaanuunkan looma qorsheynin inuu kahortago iibiyeyaasha ku hawlan Khiyaanada. Kaliya waxuu soo koobayaa fikradda ah in iibsaduhu uu baaro, hubiyo, tijaabiyo sheyga uu rabo in uu iibsado.

Asal ahaan mabda’ani waa foojignaan, waxa se ku hoos jiri karra hoosaasin. Si walba, iibsadaha ayaa dagan mas’uulna ka ah samaynta taxaddar macquul ah iyo in uu hubiyo shayga uu gadanayaayi in uu ku hoboonyahay baahidiisa. Haddii iibsaduhu uu ku guuldareysto inuu sameeyo hubsiimada tayada shayga, xaq uma laha adeeg dayac tir iyo magdhaw toonna.

Maadaama aysan jirin damaanad qayaxan oo ku saabsan tayada sheyga, markaa waxa saaran iibsadaha masuuliyad ah inuu ururiyo dhammaan macluumaadka ku saabsan sheyga uu iibsanaayo.Tani waxay keentay ismoodsiis sharciyeed iyo in iibsadahu samaysto wakiilo faafiyo iidheh been ah, si loo hoddo ama loo khiyaamo iibsadaha. Sidaa awgeed, si loo xakameeyo arintan, waxa soo baxday fikrad odhananaysa “let seller beware” Mabda’ni wuxuu keenay in iibiyuhu sameeyo damaanado cayiman, isla markaasna uusan been ka sheegin badeecada uu gaddaayo.

Damaanad-qaadka noocaas ah waxa ka mid ah; haddii qofku iibsado saabuun, waxaa jira dammaanad la soo koobi karo oo ah inay wax nadiifin doonto, haddii qofku iibsado sonkor, waxaa jira dammaanad qayaxan oo ku saabsan in ay wax macaanayso iwm.

Sidoo kale hadduu shaygu waxyeelo caafimaad leeyahay waa in iibiyuhu u cadeeyo iibsadaha. Waxa laga yaabaa in sigaarka baakadiisa aad ku aragto sawiro iyo qoraalo digniin ah. Markan waxa la xujeynayaa iibsadaha, waa imtixaan, waa se imtixaan la ogyahay in ay ku dhici doonaan dad badani.

Haddii aan ku dabaqno aragtidan ganacsiga Soomaalida. Waxa markaaba kugu soo dhici kara waydiimaha; qofka Soomaliga ahi mahelaa digniin ah in uu sifiican iskaga hubiyo waxuu gadanayo? Ganacsatada Soomaalidu xog fiican oo run ah, oo ku sahabsan waxay gadayaan ma siiyaan macaamiishooda? Mise taasi badalkeeda waxay iidheh iyo xayaysiis u sameeyaan walxaha caafimaadka u daran sida qaadka iyo sigaarka?

Marka si qotodheer loo fiiriyo ganacsiga Soomaalidu wuxuu ku dhisan yahay fawdo. Ganacsaduhu wuxuu haystaa xornimo siyaada ah oo u sahashay in uu waxwalba u joongooyo sida uu rabo.

Ganacsiga Internetka

Soomaalidu baryahan danbe waxay aad ugu badanayaan ku biirada ganacsiga online ka, sida Bitcon, Forex, ka dukaamaysiga internerka iwm.

Ganacsigani, Waa macaamil ganacsi oo la sameeyo iyada oo aan jirin gacan dhexe – sida bangiyo sugi kara aminiga lacagta macaamiisha iyo maalgashadaha.

Ka ganacsiga Internet ku waa silan sugan, khasaare iyo faa’idoba uu leeyahay. In kastoo khatartu ay tahay dabeecadda ganacsiga, haddana marwlaba guushiisuu waxay ku xidhantahay inta aqoon iyo khibrad aad u leedahay ganacsigan. In qofku ku barraarugsanaado tallaabo kastoo ganacsi oo uu qaadayo waxay bishaa natiijada kasta oo ka dhalan karta isku daygaa.Guud ahaan, ganacsiga Soomaalidu wuxuy ku dhisan yahay koobi iyi hebel baa furtay. Aad bay ugu yartahay bulshada Soomaalida dhexdeeda abuuris ganacsi daraasad iyo sahan xeeldheer ku qotoma. Arinta khatarta lehi waa tan, gaar ahaan marka lagga hadkaayo ganacsiga internetka. Markan sheekadu way ka wayntahay tukaanka Cabdi buskut iyo nacnacbaa yaala. Waxa saaran qofkastoo raba in uu amuuraha kor ku xusan ka ganacsado foojignaan iyo xog urursi badan intuuna dhexgalin ganacsiga.

WQ: Cabdullaahi Xaaji Saciid
Eamail: cubeesh.com@gmail.com