Wuu yaraa, da’diisu laba sanno iyo badh ayay ahayd. Aabihii oo gaadhiga shidaal ku shubanaya oo kaalin shidaal taagan ayuu la socdaa. Ruux dumar ah, ilma yar xambaarsan, darranyo ka muuqato oo dawarsanaysa ayaa daaqada soo joogsatay. Jeebka ayuu gacanta geliyey oo wax buu u dhiibay.
Kii yaraa ha yaabo oo ha waydiiyo aabihii sababta uu islaanta lacagta u siinayo? Isaguna ha u sharaxo inay miskiin tahay, baahan tahay, waliba inay bilaa hoy tahay na u badan tahay. Sidaa darteed, in la taageero, markaan karnaa, ay waajib inagu tahay.
Mudo ka dib, isaga iyo yarkiisii oo maalin kale wada socda, gaadhina wada saaran, ruux kale oo miskiin ahi gaadhiga ha soo ag joogsado, waxna ha waydiisto. Maalintan danbe wuu jeeb madhnaaye ha ku gaabsado ‘Rabbi ha inoo gargaaro’. Wiikii yaraa oo malaha maanka ku haya sheekadii maalinta hore, wacdi ha u mariyo aabihii:
‘Aabo waa miskiin baahan ee wax sii. Ma uu soo quraacan, qado ama casho ma haysto, meel uu seexdo ma leh’
Isaga oo ku faraxsan dareenka naxariista leh ee wiilkiisa ayuu u mahadnaqay, u duceeyey, in jeebkiisu markan madhan yahayna u sheegay.
Ku dhawaad 10 sanno ka dib, maanta oo wiilku 13 jir ku dhow yahay ayuu aabihii rawaxaaddii dugsiga ka soo qaaday. Wiilkii waxa uu u dhiibay aabihii lacag u dhiganta nus doolar, waxana uu ka codsaday inuu sadaqad ugu bixiyo. Garo oo waa waxoogaa uu ka soo jaray nusa-saacahiisa. Markii aabihii sii waraystay ee sii qodqoday, wuxuu ogaaday in wiilku aalaaba sidaa yeelo oo sadaqaddu qorshaha ugu jirto, isla markaana uu wax u qoondeeyo, haba yaraatee. Hooyadii ayuu inta badan u dhiibaa oo masaakiinta siisa.
“Maalintii aad miskiinta wax siinaysay ee aad ii sheegtay inay baahan tahay, inaganna waajib inagu tahay inaan caawino, haddii aan karno, ayaan go’aansaday inaan la baxo wixii aan awoodo, marka ay suurtagal tahay’
Odayga maskaxdiisa ayaa xusuus dheer dib ugu celisay. Isagu aabihii markii uu god galay wuu yaraa. Hooyaddii ayaa uga sheekaysay sida aabihii isaga oo yar mas’uuliyado waaweyn u saari jiray. Isaga laftiisu, sawir dhamaystiran ayaanu sheekadan ka haysane, wax badan wuu ka sii xusuustaa. Biilka reerka isaga oo yar ayuu tukaan macmiil ahaa ka soo qaadi jiray. Lacagta kirada guriga isaga ayaa u geyn jiray islaanta guriga ijaarka reerku ugu jiro iska leh. Qoysas ehelka ahaa oo dan yar ahaanna, mar walba lacag, raashin fudud iyo dhar ayuu aabihii ugu dhiibi jiray. Odayaal ay xaajiga asxaab ahaayeeni, way la yaabi jireen oo waxay odhan jireen wiilku lacagta wuu ku baabi’i ee ha barin. Aabihiina wuxuu ku doodi jiray in ilmuhu, inta uu yar yahay, mas’uuliyad in lagu barbaariyaa ay habboon tahay.
Aabahan maantu wuxuu is waydiinayaa in xidhiidh ka dhaxayn karo dhacdadaas iyo dhaqankaas aabihii ku soo ababiyey iyo tan uu wiilkiisa kala kulmay. Su’aali kama taagna in mar walba waalidku saamayn badan carruurtiisa ku leeyahay. In waxani aanay iska dhacayn ee kolay uu jiro dhufsane-yare ay wadaagaan ayuu u badinayaa.