Haa-dii hore iyo mayada kala daaya reer somalilandow (WQ: Cabdi Caawiye_

Dawlad kooban baanu rabnaa reerkayguna kuraas ha helo kala daaya

Waxaa xaqiiqa in markii lagu dhawaaqay kuraasta dawlada cusub ee MADAXWEYNE MUUSE ay durba bulshadu isla dhexmarayaan hadalo u badan ” reer hebel waxba Lama siin, reer hebel waa lagu yareeyey”iyo hadalo kale oo deelqaaf ah.

Markii hore dhamaan bulshadu waxay ku riyaaqaysay MUUSOW waxaanu rabnaa dawlad tiro yar oo tayo leh imika markii lasoo dhisay dawlad Kala badh ka yar tii hore waxaa soo baxaaya qaylo baraha bulshada qofba reerkooda uu leeyahay waxba lama siin.

Somalidaa waxay tidhaahdaa” ilaahayow afkayga haa iyo maya haka wada yeedhsiin”

Marka laga eego xaga beelaha Somaliland daga cid ka maqani ma jirto n

Bal hadda u fiirso liiska wasiirada iyo beelahooda

  1. Sacad Cali Shire Arimaha Dibada Iyo Iskaashiga Caalamiga Ah — #Ciise #Muuse / #Cumar #Jibriil.
  2. Yasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon Wasiirka Waxbarshada — #Jaamac #Siyaad / #DhulBahante
  3. Cawaale Ibraahin Shirwac Wasiirka Qorsheynta —Samaroon
  4. Maxamed Kaahin Arimaha Wasiirka Arimaha Gudaha — Reer Daahir / Habar Jeclo
  5. Ciise Axmed Cabdala Wasiirka Gaashandhiga —- Warsan Gali
  6. Yuusuf Maxamed Cabdi Raage Wasiirka Maaliyada — Ciidagale
  7. Cabdiqani Maxmuud Caateeye Wasiirka Wasaarada Cadaalada — Ciise
  8. Sheekh Khaliil Wasiirka Diinta Iyo Awqafta — Arab
  9. Axmed Muumin Seed Wasiirka Beeraha — Habar Cafaan / Samaroon

10 . Cabdirashiid Xaaji Ducaale Wasiirka Hawlaha Guud — Dhulbahante

  1. Yuusuf Mire Maxamed Boos Wasaarada Ciyaaraha — Habar Yoonis
  2. Dr Cabdilaahi Sheekh Cabdilaahi Wasiirka Boosaha — Jibriil Abakor /Sacad Muuse
  3. Maxamed Sacad Iidle Saajin Wasiirka Wasaarada Ganacsiga — Samaroon
  4. Hinda Jaamac Gaani Wasiirka Arimaha Bulshada — Habar Jeclo
  5. Maxamed Axmed Cawad Wasiirka Horumarinta Maalgashiga — Guulane / Arab
  6. Xassan Gaafadhi Wasiirka Xanaanada Xoolaha Iyo Kaluumeysiga — Habarjeclo

17 . Cabdiraxmaan Cabdilaahi Guri Barwaaqo Wasaarada Warfaafinta — Makaahiil / Sacad Muuse

  1. Shugri Baandaare Wasiirka Deeganka —- Cali Siciid / Habaryoonis
  2. Saleeban Yuusuf Cali Koore Wasiirka Wasarada Biyaha —- Nuur Axmed / Dhulbahante
  3. Jamac Maxamuud Cigaale Wasiirka wasaarada Macdanta — Habarjeclo
  4. Cabdilaahi Abokor Wasiirka Gadiidka Iyo Horumarinta Jidadka — Ciise Muuse
  5. Maxamuud Xaaji Cilmi Wasiirka Xidhiidhka Golahayasha — Habarjeco
  6. Dr Xassan Ismaciil Yuusuf Warsame Wasiirka Caafimaadka — Habaryoonis

Wasiir Ku Xigeenada

  1. Liban Yuusuf Wasiir ku xigeenka Arimaha Dibada — Subeer Celi / Arab
  2. Maxamed Muuse Diiriye Wasiir ku xigeenka Arimaha Gudaha — Sacad Muuse
  3. Maxamed Muuse Abeys Wasiir ku xigeenka Warfaafinta — Ciidagale
  4. Yurub Abiib Wasiir ku xigeenka Xanaanada Xoolaha — Ayuub
  5. Maxamed Daahir Fure Wasiir ku xigenka maaliyada — Toljecle
  6. Eng Xussen Buuni wasiir ku xigeenka qorsheynta — Gabooye
  7. Cabdiqaadir Dhego weyn Wasiir ku xigeenka waxbarashada — Ciidagale
  8. Cabdnasir Kadin wasiir ku xigeenka caafimaadka — Habar Jeclo
  9. Sahal Maxamed jaamac Faraax wasiir ku xigeenka —-

 Tiraada Guud beel ahaan

Habar Jeclo——–Shan Wasiir

Habar Yoonis—–Saddex Wasiir

Arab——Laba Wasiir

Ciise Muuse—-Laba Wasiir

Sacad Muuse—–Laba Wasiir

Ciidagale——-Hal Wasiir

Dhul Bahante——–Saddex Wasiir

Samaroon———Laba Wasiir

Ciise———-Hal Wasiir

Warsangali——Hal Wasiir

Haddaba waxaan idin waydiinayaa yaa ka maqan beelaha mid walbaaba wuu ka dhex muuqdaa dawlada.

Guntii iyo gabagabadii waxaan odhan lahaa haddii aad iska dhexweyday liiska waynu ku dooranay oo wuu inoo sii dardaaran weriyey oo uu yidhi “farteyda eedayeey ayaa dhiciye ha cadhoonina” markaa cidii reerkooda ama isaguba saluugsanow munaafaqad ha bilaabin.

Horumarka Dalkeeniyo

Hanaanka Dowladnimo

Hadafkiisa Weeyaan

Ilaah Baa Mahada Leh

Dalkeena U Hogaanshay

Ineey Helaan Gargaare

Hiigsanaaya Meel Sare

Hagraneyn Dadkiisee

Habacsanaan Udiida

MADAXWEYNENAHEENA HIIL Qaran

Aan Hareer Galnoo

Wadankeena hadimadiyo

Ka Rogaa Habaaskee

Aan Hareer Galno.

Shaywaal12@gmail.com

+252634115877