Haasaawihii hungoobay, Q.3aad (WQ: Hibo Ciise Maxamed “Basbaaso”)

Rabi talo u daa, Warsan oon ogayn in ay adduunyo dabadeed baaba’day, buulkii xumaayee ay xayndaabeysayna dabeyshu la tagtey ayaa soo gashay oo damacdey in ay Nuura la yara qososho, Nuura oo cadho wajigeedu buluug maaree noqdey, ayaa indho arxan daran ku gubtey, Iyaa! Naa maxaa ku helay? Bey si baraadla iska tidhi tii Warsan.

Nuura oo dilaac ku dhaweyd cadhada ay u hayso darteed ayaa hadal aan kala go, laheyn ku bilawdey , dhurankeedii waxa ka mid ahaa:

“Noloshaydii baad ku ciyaartey, jar baad iiga talaabsatey, inankaan jeclaa een islahaa mustaqbalka aad guri wada yagleeshaan baad nakala geysay, waxey qeylisoba waxey hadal kusoo afjartay, Naa ma sidaasaad saxiibadey ku ahayd bahalyahey dhimatey een waxba isku faleyn, anaa ku aaminey oo kaa daran, laakiin waad iga heli waxaad iga raadsatey.”

Warsan baa iyana markeedii iskala quftey ileen talo waa ku cadahee, waxey tidhi iyadoo garta dhankeeda u soo leexsaneysa:

“I dhageyso Nuuraay, waad I taqaaney waligeyba oo maan helin nolol wanaagsan sidaadoo kale hooyadey anoo yar bey adduunkan ka tagtey, Aabaheyna cidaan ahey ima aqoon, tu ii edo ah oo gumeysi iyo qeylo nafta igaga jartey baan lasoo koray, kolkaan wax garad noqdayna, waxaan dan moodey inaan suuqa iska soo galo oon raadsado hungurigeyga, hugeyga iyo hoygayga, wax kasta oon ku gaadhayo taana, waan sameynayaa oo cidna kala tashan maayo, sidaan aniguba u dhibaateysanahayna in ay cid walba noqoto wax iga jecel majirto….. iyadoon dhameys tirin ayaaba dhirbaaxo aad moodoo tu nin geel jire ah oo shan iyo laabatan jir ah gacantiisii kasoo go’dey ayey indhaha ugu dhufatey, bes, wataa inantii Warsan, dhinbiilaa ka duuley wajigeedii, waa lasoo kala gaadhey oo gacanta lagu dhagey Nuura, buuq yar kadib lagu kala yaac meeshi.”

Isla kobtaa waxa yimi Rooble oo buuqa iyo sawaxanka ku soo baydhay, muu ogeyn in ay Nuuri meesha joogto, iyo in ay tahay cida buuqani ka dhashay toona, oo yaa u sheegay? Cidna. Indha indheyn buu ku bilaabey meeshii, jaleecadiiba waxa uu isha qac ku siiyay waa Nuura oo uu hadal iyo hugunba ka waayey baryahan garana la’aa sababta keentay is badalka, laakiinse wuxuu markiiba ku warhelay xaalka jira iyo waxa laysku qoonsadey ta kale waxa u qaadan waa iyo dhabano heys ku noqotey markuu arkey Warsan oo iyana badda ku jirta, markii buuqii yaraadey buu u yimi Nuura, waxaanu ka codsadey in uu gaar ula hadlo oo ay meel cagtu ku yar tahay ay u yara dhaqaaqaan, laysku waafaq qodobkaa, sidiina la yeel Rooble oo hadalka bilaabey ayaa yidhi:

“Nuuraay horta laba qof oo aan loo kala warameyn ayeynu nahey, waayo badana oo wadcigooda lahaana waynu soo wadaagney qofkuna hadduu khaldamo hubsiimaa wax lagu saxaa, wararka hadda isoo gaadhayey waxey ii tibaaxeen in aad adiga iyo Warsan asxaab tihiin taasna anigu kuguma ogeyn, meelahan oo kalena in aad timaadid oo taqaanid maba modeyn…..”

Nuura oo ilmo indhaheeda kusoo istaageen ayaa hadalkii kusoo boodey:

“Aniga balaayo aan adiga aheynba layma soo dirin Roobloow, heer kasta oo aan maanta joogana adigaa ayaa ka masuula iyo hadalo kaloo fara badan oo ay ku tibaaxdey siday meesha ku timi iyo wacdarahey Warsan badeyba.”

Al xaasil al muraad Rooblaa hadalkii la wareegey isagoo is leh bal furfur arrimaha ku ye runta haddii lagu wada noolado waxba ma xumaadaan, Nuuraay ugu horeyn aniga kooxahan si aanan dhaadaneyn baan usoo dhex galey markii danbena way ila daba dheeratey, Warsana markii hore qof wanaagsan bay iila muuqatey, xaalado badana way iga saartey laakiin isla habeenkaa aad isheegtay inaad kulanteen Warsan ayaa hawl ii dirsatey, waliba mid aanan ka fursaneyn inaan isla amintaa u dhaqaaqo anoon ku ogeysiin, maalintaa iyo wixii ka danbeeyayna waxay aad iigu mashquulisey iney I barto hablo kala duwan iyadoo igu dhiiri galineysay inaan faraha ka qaado Nuuradan afka igaga dhagtey, wax walba way dhacaan lakiin waayo aragnimo ayuunbay inoo tahay labadeenaba adna imaad sheegin waxaad tabaneysid ana cudur daarkii rasmiga ahaa maan bixin watii horeba loo yidhi “Raga Nimaan hal seegayn misna habari may dhaline” maxaa inooo dan ah imika.

Dood dheer kadib Nuuri waxey tiri, horta qofka heerkan I keenay saw adiga maaha? horaanan kuu aaminey oo imika wax kastaa hadday dhacaan lagama yaabo ineynu sideynu bari aheyn kusoo noqono ee nabadeey….

Midba geestii u jaqaafi, go,aankaasina wuxu ahaa mid labadoodaba ku adag, haddana waxa lagama maarmaan noqotey in la aqbalo oo duduubkiisa lagu liqo. Waxaaba garab taagneyd Xamda oo u socotey iney meesha kaba kaxeyso Nuura, ayaamaa kasoo wareegay, usbuucyaabey iska noqdeen Nuurina jahawareerbay ku jirtaa arinteedu, amintu waa duhur cadceedu dadka dhafoorka ka galeyso, waa xiligii xitaa diigu xaroon jirey, waxa wadada maraya Xamda iyo Nuura, gaadhi laankuusar ah ayaa hoonka u tumey. Jaleecaday eegeenba sa waaba wiil ay Xamda ilma adeer yihiin oo dhawaan qurbaha ka yimi, waliba qorshihiisuna wuxu ahaa inuu guursado, Xamdi judhiiba way garatey oo ku tidhi Nuura “Naa bal in keen kanuu Illahay inosoo diree cadceeda mabaynu socon karneene” Xamdi shidhka horey ku dhacdey oo inankii lays wareystay, halka ay Nuurina kursiga danbe iska fadhiisatey oo aaney juuqna odhan, Xamdaa lasoo boodey waar bal aan saxiibadeyna ku baree, waxa layidhaa inantan quruxda badan Nuura waa asxaabteyda cusub waa qof edeb badan, edebtaaba kala dhacdey, Ninka maxey u hodeysaa sawta taqaana Nuurada cusub, gar daranaa gabadhu.

Nuura ood moodo iney meel ku maqneyd ayaa hadaladii saxiibadeed sheeg sheegaysay kusoo hambabartey oo lasoo boodey barasho wanaagsan walaal, magacaagiina layma sheegine, wuxu si degan u yidhi waa runtaa walaal aniga waxa lay yidhaahdaa Cabdirisaaq.

Kobtii ay rabeen ayaa lagaadhey, iska qulqule hablihii, Cabdirisaaq se waxa uu sii eegayaa Nuura isagoo aad ula dhacsan, hoostaana kaleh “reer aan rabey roob maka galey”. Wagii danbe ayey Xamdi tilifoon usoo dirtey Nuura, Hello saxiib waa anigiiye arinbaan ku hayaaye meel hebla iskugu keen keen.

Waa meel laysla yaqaaney e, la gaadh meel heblaayadii lasheegayey is xaal wareysi yar kadib Xamdaa arinkii laga sugayey shiraaqa ka qaadey  “Nuuraay I dhageyso Cabdirisaaq waa Inderkay, Maraykankuu in muddo ah dagenaa wadankana wuxuu u yimi si uu u guursado, waana nin shaqeysta oo reerkooda aad usoo taakuleeyay intuu qurbaha jirey, maanta ayuu tilifoon isoo direy, adigaanu I kaa weydiiyey, xaaladaadana cidi iiga warami mayso oo wixii kugu dhaceyba goob joog ayaan u ahaa. Anigu waxan kugula talin lahaa inaad aqbasho codsiga Cabdirisaaq, waliba ku darsoo magaaladana asxaab badan kuma laha oo wuxu kaa ogaanayaaba iska yar.

La soco Qeybaha hadhey…..

Hoos ka akhri maqaalladii hore ee Hibo Ciise Maxamed

Haasaawihii hungoobay, Q.2aad 

Haasaawihii hungoobey Q. 1aad

Xabaashii bey qadisey

Tolow yaa inoo maqan?

Ma xor baad tahay mise xayirane?

Eed ha qaadin

Hal bay ragga dheer yihiin

Balaayaa kasoo ham iyo dig leh!

Rajo qaribto “Qabyaalad”

Bulsho wada siyaasiya

Been ha ku sabaaleyn

Guurka haweenka badan

Aafo

Hashu maankayga gaddee ma masaar bay liqday!

hibafaakhir@gmail.com