Majirto, xaasha sabab ay ku aamminto qof danbe oo ay saaxiib yihiin laakiinse Xamda marnaba ugamey baran in ay dadka xumeyso, waxay goor iyo ayaanba u taagan tahay in ay dadka tubta fiican iyo danahooda kala taliso.
Ka dib markii ay goob-joog u ahayd Nuura iyo wacdarihii soo marayna aad bay danaheeda guud iyo kuweeda gaarka ah ba ugu dhuun dalooshaa wixii ay u aragto in ay danteeda yihiina u sheegta.
Nuuri waxay tidhi waayahay saaxiib, laakiinse ilaa caawa aniga iga warsug oo waxba hala socodsiin, siday isku ogaayeena caawadii iyadoo diyaar u ah in ay arrinkaa ka hawl gasho ayey lasoo xidhiidhey Xamda. Xamdina Cabdirisaaq bey warkii u tabisey, muddo yar gudaheedba waa laysku fahmey isna wuxuu u carabaabey in wakhtigii uu fasaxa ku joogey gabo-gabo ku sii dhaw yaheay, hawsha guurkana in ay hore ka bilaabaan ay u fiican tahay, laysuma diidine loo dhaqaaq arrinkii la dhammee Cabdirisaaq isagu nin hawlo ka qabyo ahaayeen ayuu ahaa wuxuu ku guryo noqdey xagaa iyo Mareykanka, intii aanu taginse wuxuu u dhisey Nuura guri aad u qurux badan qaabkiisana talo badan ay ku laheyd, wax kastana waa loo dhex dhigey, waxaanu u balan qaadey in uu biilkeeda bil walba hore kasoo diri doono, wixii dheerada eey u baahatana ay la soo socodsiiso.
Intii ay arooska aheyd iyana aad bay isku dhawrtey oo iska dhigtay marwo la yaqaan, laakiin waay ka war la’ayd in adduunku kursi kuwada fadhiyo oo wixii dhacaba miridh gudihii meelkasta oo adduunka ka mid ah looga ogaan karo.
Isla markiiba gurigii shacabkiisu wuu batay, waliba marka casarkii la adimo kabaha soo galaya haddaad is tidhaahdo tiri adaaba daali, dad nooc walba leh baa kusoo qulqula waxa ay noqotey Nuuri safiirka dumarka ragoodu dibedda ku maqan yihiin iyo wakiil hablaha qayila.
Waxa yimaada gawaadhi tiro badan ood moodo habeen kasta in meesha muqumad (oodkac) lagu furtey iyo dad aad u labisan. waxba yaanan hadal kugu daaline sidii layskaga nimcaysnaa ayuunbaa maalintii danbe tilifoon u soo dhacey Nuura xili ay gurigeeda ku sugnaayeen asxaab tiro badan. Dhililin…dhililin….dhililin. indhahay saarteyba waa lambarkii Cabdirisaaq, yaa! Xiligan maxaa helay, maanta waligii wakhtigan oo kale ima soo wicine ayey niyada iska leedahay iyadoo sii ordeysa. Intey dibedda u boodey bay uga bilawdey:
“xabiibi iska waran, maxaa soo kordhey maanta, wakhtigaad shaqada ku jirtey miyaanay aheyn?
Iyadoo sidii ay uga baratey aan jawaab uga helin ayuu u sheegay in aanay dhibi jirin, su’aaleyna halka ay ku sugan tahay. Run ahaantii hadalkiisa iyo su’aaluhu waydiiyeyba Nuura shaki bey galiyeen, balse wax yar kadiba mirqaankeediibay dhex xuluulatey oo adduunba war kamey hayn.
Shaw mid wariifa oo ay Cabdirisaaq qaraabo fog yihiin kana mid ah kooxaha gurigiisa ku qayila ayaa shaleyto warka u laba-labeeyay in kala oo saa’iidana u raaciyey. Cabdirisaaqna wuxuu ahaa nin hinaasiya oo wuxuu inan Maraykan joogtaba u guursan waayey waxa u sabab ahayd aamin la’aanta uu ka qabo hablaha qurbaha jooga, haddase talaa ku ciirtey oo ilaa xalay muu seexan, Nuurina say ugu warantay may cajabin. oo ma wuxuu doonayey in ay ku tidhaahdo gurigii oo asxaabi ka buuxdaan dhex jooga, haka yaabin.
Ugu danbeyn wuxuu go’aan ku gaadhey in uu todobaadka danbeba Hargeysa yimaado waxay doontaba haku qaadatee, goor habeenimo ah saq dhexe ayey Nuura oon war kaheyn go’aankiisa cusub is tidhi bal waa kii xaajigu shalay yara didsanaaye la hadal oo iska qabooji. Fikir gaaban ka dibna waxay go’aan ku gaadhay in ay ka dhaadhiciso in ay:
“isaga uur u leedahay”
Malaheeda si uu biilka ugu soo kordhiyo oo muddadii afarta bilood aheyd ee uu sii maqnaa bishii u horeysay mooyaane intii kaleba ay dhawr iyo tobanka bishaba wax la’aan bay soo istaageysay.
Lahadashey weedhaheediina ridatey, isna warka oon u si diiran uga dhageysan iyo shaqaan ku jiraaye nabadeey buu ugu jawaabey, in ay wax si yihiin dareentay laakiin dhinac ay uqaado garan wayday.
Goortu waxay ahayd abaaro shantii galabnimo, markii albaabka guriga lasoo garaacey, waxa albaabka furtey gabadh yar oo adeegto ah, waxaanay waydiisay cidda u yahay iyo waxa uu u socdo, u sheeg in uu Nuura u socdo, tii yareydna maba is lurine hore u soco qolkaa fadhigaa lagu jiraaye, waa qol kabuhu agtiisa raseysmeen, isagoo markii hore la anfariirsanaa waxa gawaadhi baarkinka ku jirta ayuu eegana kabihii badnaantooda la wareeray.
Qolkii buu dhex istaagey sa waaba Nuura oo meel wajahadiisa ah si balaadhan u soo fadhida, timaheediina midiba meel ka caweynayso qosolka iyo farxadana aad moodo in jannadii loogu bishaareeyay, iyo koox badan oo rag iyo dumar ba leh oo is wada dhex fadhfadhida oo buuro jaad ahina hortooda qotonto, shaaha falaasado camiran yihiin, buuri tufaaxu is qabsadey oo ay u daarantey heesta ay Khadra Daahir ku luuqeyso ee tidhaahda:
Cudurka kaa gala fardahaa
Haddii laga gubo dameer
Dawada lama gaadhayee
Anoon wali kuu gad bixin
Gad dheer bay saarantahey
God dhab, iyo gawraciyo
Aa n goor inuu xaalkan tagey
Gartana aan kala laheyn
Ayaan gogol kula hurdaa…..
Markii indhaha qac laysku siiyey, horta Nuura adduunkiiba ku yaraadey waaney kacaa fadhiisatey, intii kalee meesha joogtey ini danba kamey galin oo hawshooda halkiibey kasii wateen, inkale oo ay Xamdi ka kaw ahaydna istaagbay ku qalaleen, kama danbeystiina reerkaasi halkaasuu kugu daayey.
Hoos ka akhri maqaalladii hore ee Hibo Ciise Maxamed
Ma xor baad tahay mise xayirane?
Balaayaa kasoo ham iyo dig leh!
Hashu maankayga gaddee ma masaar bay liqday!
hibafaakhir@gmail.com
Dhamaad……..
Waxa qortey: Hibo Maxamed Ciise “Basbaaso”