Haasaawihii hungoobey Q. 1aad (WQ: Hibo Ciise Maxamed “Basbaaso”)

Waligeed meesha may soo dhigan  maskaxdeedana kumay so dhicin xaasha, duurkeydun kala gali, waxey kasiisey qalbigeeda qol aad u balaadhan oon cid ala cid haba yaraatee ku wehelisaa jirin, taasina waa ta keentay in ay riyadeedii oo dhan markaliya isku badasho waxaan suuro gal aheyn, waxey mar walba iyo meelwalba ku xasuusan jirtey magaciisa iyo muuqiisa, ala wanaagsanaa wiilku waligey kan oo kale ma arag, hadaan doonana arki maayo dee, oo manaa isku haya,  mooyiye iga daa wakhtiga yar ee aan xasuustiisa maskaxda ku maaweelinaayo hayga shaasheyne, waa doodii maskaxdeeda ka baxeysay Nuura intii ay qadada isku shubeysay.

Goor casar gaaban ah ayaa waxa soo dhacey telefankeeda gacanta, judhay eegtayba waxa uga soo mudh yidhi magaciisii wanaagsanaa Rooble codka soo dhicistana waxa ugu xidhneyd heesta ay ku luuqeyso Sahra Ileys ee tidhaahda “Allaylee waan hantiyey halyey ubad loo dhaliyo ragga kii ugu wacnaa” farxad badan ayaa ka muuqatey wajigeeda markey hubsatey in uu Rooble soo wacey si degdeg ahna way uga qabtey, salaan kal gacal iyo wanaag ku dheehan yahay kolkii lays dhaafsadey ayuu wuxu si dagdaga ugu wargeliyey in uu fiidka u kaxeyn doono casho oo nin saaxiibkii ah uu casuumey labadoodaba ee ay diyaar garawdo codsigaana ay ka aqbasho. Iyaduna balo ugama barane, haye iyo waayahay laysku dheehay intii ugu hal celisay ayey u raacisey in uu wakhtigana u sheego.

Nuuri waa inan lagu soo barbaariyey guri wanaagsan waalid fiicanina gacanta kusoo hayeen ilaa waagey dunidan timi, waxbarashada iyo gurigooda waxba ugama dhaxeyn hamigeeduna wuxuu ahaa mustaqbal fiican iyo hiigsi sare.

Maalin maalmaha ka mid ah iyadoo goor fiid cawl ah taagan kadinka jaamacadda Hargeysa ayaa waxaa si lama filaan ah usoo turaanturoodey Rooble oo isagu markaa hawlo u yimi jaamacadda se waa hore ka dhameystay waxbarashadii heerka koowaad ee jaamacadda oo loo yaqaan (Bachelor degree), dabadeed inantii Nuura oo xagaa iyo wadada ku maqan oo qolo ay la socotey sii eegaysa ayuu miciin mooday oo is yidhi intaanad dhulka afka darin taagero kayara dhigo manuu dhaadaneyn cid ala cid meesha taagan ee turaanturada uun baa u geysay, shaw inan bay aheyd si baraadla usii jeeda, isagii is qabey se inantiibaa si miisaan leh dhulka ugu dhacdey dam!!, Rooble aad bu u naxey, anfariirey, dad wixii meesha ka dhawaana jagac bay isku soo yidhaahdeen, ileen naxdin looma dhinto inantii baa lasoo kiciyey wajiga wax saasa kamay noqon laakiin nabaro waa gaadheen jilibna waxbuu noqday, Rooble ayaa baabuur uu watey ilbidhiqsi ku soo kaxeeyay keenayna kobtii ay Nuuri taagneyd rug caafimaad tii udhaweyd gee.

Wax aadii may gaadhin oo judhiiba way kasoo noqdeen farmasigii , ka dib waa laysasoo wareystay laysna afgartey laysuna bogey, lambaro lakala qortey wuxu u sheegay in uu u shaqeeyo Hay,ad caalami ah iyo warar kale oo ay ka dheehatey in uu yahey nin isku filan mustaqbalna ka anfici kara.

Maalintii ka dib waxay si toosa u yeesheen xidhiidh qoto dheer mid walbana midka kale wuxuu u muujin jirey ixtiraam iyo wanaag badan.

Waa iska xaal adduune fiidkii markii la gaadhey Nuuri waxey isu diyaar gareysay in ay balankii fuliso, isna kama waalin bee wakhtigii uu u sheegayba waa u yimi waxey soo gaadheen meeshii lagu balan sanaa inankii casuumada bixiyeyna loo tag meesha se waxa ay ku arkeysaa dad dhawr ah oo rag iyo dumar ba leh, hablaha meesha jooga siday u labisan yihiin iyo siday u dhaqmayaan marnaba may cajabinin Nuura se way iska fadhiisatey, bal waataase Rooblihiiba ha aragto, Cajiib oo xaguu marey mooji! Iyadoo ninkii soo galaba isagii moodaysa meesha ay timina ka yaaban ayuu markii danbe mudh soo yidhi waxey waydiisay meeshu waxey tahay iyo waxey ka qabanayaan. Baqdin iyo xishood laysku walaaqeybaa wajiga laga dareemayaa .

Waxa uu u sheegay in ay tahay saxiibkii dhalashadiisii ayna laqaadan doonaan caweyskan isaga si ay ula qaybsadaan farxada iyo rayn-raynta uu ku jiro, waxa uu u sheegay in aaney is martiyeynin dadkii markaa ka ag dhawaana waa barey  hadana meesha maroo muuqa la waa diba wataase haw aragto haba sii deyn laheydaa, wax yar kadib waxa meesha juq soo tiri inan ay asxaab dhaw ahaayeen laakiin aaney baryahan is arag oo wakhtiga iyo waayuhu kala heereen.

Yaa naa Nuura imika maadigiibaa mise waan riyoonayaa? Walee waa iyadii ayey ku tiraabtey warsan oo markiiba Nuura garatey, Nuura oo yaab ka muuqdo ayaa kusoo booday oo salaan diiran la haleeshay intaaney war kaleba u galin waxey su’aashay in ay meeshan ka kaxeyn karto iyo inkale?

Warsan baa ugu warcelisay in ay meeshu tahay hows baadhi (house party) iyo xaflad dhalasho oo lagu soo casuumay wax dhib ahina aanay jirin, laakiin waxay waydiisey waxay iyadu ka qabanayso meesha waxaanay u sheegtay sida xaqiiqda ah iyo in ay la socotey Rooble. Rooble aaa! Nayahee imika madigiibaa mise anaa ku moodaya, ayay tidhi Warsan iyadoo Nuura usii jiideysa dhinacaa iyo daarad uu gurigu lahaa oo ay cagtu ku yarayd, waxay uga bilawday saxiib miyaad taqaanaa ninkaa waa mid caynkana oo sidana waa habaar qabe aan hablaha u nixin, sida shaadkuu u kala badalaa hablaha, wadaadbay dadku moodan laakiin waa wasakh aan edeb iyo asluub toona laheyn, halkaynay wixii cay jirtey uga miistey, waxaaney hadal ku soo gabagabeysay in aanay dib juuq ugu odhan ninkaa isaga ah.

Inantii Nuuri waxey soo gaadhay gurigoodii iyadoo madaxu bakhaaro leeg yahay, waxa isku qaban waayey Rooblahay taqaanay ee ay ku heshiiyeenba in ay dhawaan is guursadaan ee wadaadka ahaa ee ay ku riyooneysay iyo kan hada la sheegay. Ma riyaa ma runbaa ma riwaayad jin baa, bal adba.

Habeenkiiyo dhan u soo jeed iyo fikir bay ahayd se ugu danbeyn waxey go’aan ku gaadhey in ay Warsan lahadasho waydiisana halkay ku taqaaney iyo sidey ku ogaatey waxanoo dhan, ileen waagaba way sugaysee markuu walac yidhiba Warsan bey si degdeg ah is tidhi ula hadal, tilifoonkeedii oo ay xaley iska damisaybay daartey.

Waxaaba kulmey tilifoonkii baxay iyo soo dhicista us oo dhacay se waaba Rooble, intay ku gunuunucdey Roob kuguma da’o, ayey ku jartay telefoonkii. Intuu xalay meeshan ogaa igaga dhex baxsaday buu imika isoo gar-garaacayaa, waliba sug aan warkaaga soo helee, hawsheediibay iska sii wadatey oo Warsan bay ku dhufatey nasiib darose markii iyo dhawr jeer oo kaleba way ku celcelisey wicitaankii kamaney qaban oo wakhtigaa alasey iyo aroor hore iska ahaa.

Nuura talo waa ku cadaatey oo waa fiican umuu baryin war-war iyo jaha-wareer aanay xal u ahayn bay dhex dabaalanaysaa, Rooblena waa kusoo daaley tilifoonkii Nuura ugu danbeyntii ka qabatey, layskuma waji furneyn oo shaxshaxdii hore way naaqustay, se Rooble ayaa weydiiyey Nuura siday tahay iyo in uu waa san u baryay, Nuuri waa jiq oo cadho aan meelnaba haysan bay la ciireysaa waxey tidhi waar wax noo baryeyna waxba kaama galine maxaad nagaga soo waalatey sawdigii cidlada nagaga tagey? Rooble oo fahmey in  ay Nuuri khalad fahantey ayaa bilaabey in uu sheego siday wax u dhaceen iyo halkuu ku maqnaa, kuye markii hore een kaa baxay wiil saaxiibkey ah oo aanu ilaa yaraantii soo wada korney ayaa dawakhaad iyo wareer badan dareemayay markii aan midh kiniina siiyey meel uu ku nafisana geeyay ayaan ka imi, waxaan is idhi kolkii danbe bal soo day wuxuu ku danbeeyay, isdul taagistaan korkiisa istaageyba isagiiyo gororaya oo dhiigiisii dhulka ku dhamaadey si degdega ayaanu cisbitaalka ula gaadhney hawl adag ka dibna waa lagu guuleystay in la daaweeyo dhiigana la joojiyo. Se marnaba qalbigeyga kamaad maqneyn fursadii u horeysay een helayna meeshii muuqaaga iigu danbeysay baan ku imi laakiin mabaad joogin oo bari horaad ka huleeshay.

La soco qaybaha dambe haddii Alle yidhaahdo……………

Hoos ka akhri maqaaladdii hore ee Hibo Ciise Maxamed qortay:

Xabaashii bey qadisey

Tolow yaa inoo maqan?

Ma xor baad tahay mise xayirane?

Eed ha qaadin

Hal bay ragga dheer yihiin

Balaayaa kasoo ham iyo dig leh!

Rajo qaribto “Qabyaalad”

Bulsho wada siyaasiya

Been ha ku sabaaleyn

Guurka haweenka badan

Aafo

Hashu maankayga gaddee ma masaar bay liqday!

Qalinkii Hibo Ciise Maxamed “Basbaaso”

hibafaakhir@gmail.com