Hab Dhaqan Iyo Hadallada Ka Awood Badan Ereyga “Waan Ku Jecelahay” (WQ: Kamaal Axmed Cali)

Jacaylku waa dareen aasaas u ah jiritaanka nolosha farxadeed ee aadamaha, sidaas awgeed waxaa jira habab tiro badan iyo ereyo kala duwan oo uu qof kastaa ku cabbiro jacaylka uu qofka kale u qabo. Waxa ugu caansan ereyga ‘Waan ku jecelahay’. Laakiin keligii ma ku filan yahay in uu cabbiro xaqiiqada jacaylka uu qofku kuu qabo?

Jawaabta su’aashaas oo koobani waa “Maya”. Dad badan ayaa qalad fahmay jacaylka, waxa aanay ku soo koobeen ereyo ay si fudud afka uga yidhaahdaan oo qofka kale ay ugu sheegayaan in ay jecelyihiin ama ugu cabbirayaan illaa xadka uu gaadhsiisanyahay jacaylka ay u qabaan.

“Waan ku jecelahay” ayaa ah ereyga ugu caansan ee aynu joogto uga maqalno suugaanta, filimada iyo qisaska kala duwan ee jacaylka ah. Laakiin baadhitaanno lagu sameeyey raadaynta uu ereygani ku leeyahay qalbiga qofka, waxaa lagu ogaaday in ay jiraan siyaabo badan oo ka saamayn badan ereygan oo qofku uu jacaylkiisa qofka kale ugu cabbiri karo, isaga oo aan ereygan badhaysiga noqday isticmaalin.

Majalada ‘Femina’ oo ka soo baxda dalka Faransiiska ayaa lagu soo bandhigay falal iyo habdhaqanno ka muhiimsan ereyga ‘Waan ku jecelahay’ oo marag cad u noqon kara jacaylka aad qofka u qabto, si aad u xeeldheerna qalbigiisa u taabanaya. Waxaana ka mid ah:

1. TAAGEERO IYO GARABJOOG JOOGTO AH

Aadamuhu mar kasta oo uu hawlgalo ama noloshiisu weji cusub yeelato, gaar ahaan xilliga duruufuhu ku adagyihiin waxaa ku beerma cabsi ah in cid garab istaagto uu waayo. Jacaylkaaga ku qanci in aad diyaar u tahay in aad wax kasta u samayso si aad isaga u caawiso.

Qofka oo aad qalbigiisa ku abuurto dareen ah in uu isku halleeyo taageeradaada iyo in aad garab istaagayso xaaladaha adagi waxa ay ku abuurtaa jacayl aan duugoobin si kasta oo uu marka dambe kaaga durko, waxa aanu xidhiidhkiinna oo dhami ku dhisnaanayaa xurmo iyo sharaf siin. Jacaylkaaga ama mataanka aad nolosha wadaagtaan oo fahma in riyada iyo himilada aad leedahay ay ka mid tahay garab siintiisu, iyo sida aad ugu diyaarsan tahay in aad samayso wax kasta oo kaa caawinaya rumaynta arrintaas ayaa ku filan in qalbigiisu si buuxda u aqoonsado jacaylka aad u qabto.

2. GARAB ISTAAG

In qofka aad jeceshay aad u muujiso in aad ku garab taagantahay duruufaha kala duwan ee noloshu waa arrin qofka ku abuuraysa xasilooni qalbiga ah. Maalmaha adag iyo marka uu qofku dhib la kulmo oo aad u muujiso garab istaag iyo in aad ka gacan siinayso sidii uu uga bixi lahaa waxa ay ku abuurtaa kalsooni iyo jacayl kale oo dheeraad ah, waxaana ka dhasha in qofku isaga oo aanad ka dalban uu isaguna markiisa garabkaaga istaago marka aad xaaladaha adag ku jirto.

Waa habdhaqan ka qiimo iyo miisaan badan afka oo aad kaga celceliso waan ku jecelahay. Waana fure qalbiga qofka aad ku qabsan karto.

Majalada ‘Femina’ oo ka soo baxda dalka Faransiiska ayaa lagu soo bandhigay ficillo iyo odhaaho ka muhiimsan ereyga ‘Waan ku jecelahay’ oo marag cad u noqon kara jacaylka aad qofka u qabto, si aad u xeeldheerna qalbigiisa u taabanaya.

3. ISBEDDEL RAADIN

Khataraha soo waajaha jacaylka lammaanaha waxaa ka mid ah in midkood uu doono in kan kale uu isu beddelo sida uu isagu rabo ama ku qancayo. Qof kastaa waxa uu leeyahay dabeecad u dadka kale kaga suntan yahay iyo habdhaqanno qaarkood laga yaabo in aanay qof ka kale raalligelin.

Waa dhab in jacaylku indha la’ yahay, waayo waxa uu ina faraa in aynu aqbalno ceebaha uu qofka aynu jecelnahay leeyahay, waxa aanaynu nafta barnaa sida ay dabeecadahaas iyo ceebahaas ula macaamili karto. In qofka aad ku jeclaato sida uu yahay adiga oo aan ka doonayn isbeddel waxa ay sii xoojisaa jacaylka uu qofkaasi kuu qabo. Laakiin haddii jacayl iyo xidhiidh kaddib uu lammaanaha midkood kan kale ka doono isbeddel ama in aragtidiisa iyo taladiisa oo keliya lagu socdaa waxa ay khatar ku tahay niyaddii iyo jacaylkii labada qof isugu yimaaddeen.

Jacaylkaaga ku xaqdhowr dabeecaddiisa abuurka ah, haddii aad marka hore iska indhatirtayna ka digtoonow in aad mar dambe ka doonto isbeddel.

4. HA KA DHEERAAN

Qof kastaa waxa uu jecelyahay in mataankiisa noloshu aanu ka dheeraan. In lammaanaha is qabaa meel ku wada nool yihiin waxa ay sii xoojisay jacaylka ka dhexeeya. Jacaylkaaga u muuji in aad la jooggiisa ku nasato, ku dadaal in aad xafladaha iyo munaasadaha qaar u raacdo, una sheeg in aad caajis iyo wehel la’aan dareento marka aanu ku hareer joogin.

In qofka aad jeceshay uu ogaado in agjooggiisu wehel kuu yahay, in aad jeceshay raacistiisa iyo sheekadiisu waxa ay jacaylka lammaanaha u xoojisaa si ka badan sida uu u xoojiyo ereyga ‘Waan ku jecelahay’. Jacaylkaaga dareensii in maalin kasta oo cusubi ay ka duwan tahay maalintii ka horreysay xiisaha aad u qabtaana sii xoogeystay

5. QIR SAAMAYNTA UU JACAYLKAAGU KUGU YEESHAY

Waxaa hubaal ah in labada qof ee is jecel mid kastaa uu kan kale saamayn ku yeelanayo, xaaskaaga ama saygaaga u sheeg waxyaabaha wanaagsan ee uu noloshaada ku soo kordhiyey. U qir in uu noloshaada isbeddel fiican ku keenay. Mar kasta oo qofka uu xidhiidhka jacayl idinka dhexeeyaa ogaado in jacaylkiisu sabab u noqday in maanta aad ka fiican tahay shalay, waxa ay ku sii kordhisaa jacayl iyo xiise dheeraad ah oo ka awood badan in aad afka ka odhan lahayd ‘Waan ku jecelahay’

6. DOORBIDIS

Qofka aad jeceshay oo aad ka dareento in uu naftaada iyo jacaylkaaga awgii u hurayo xitaa waxa ay naftiisu jeclaan lahayd, waxa ay sii xoojisaa jacaylka.

Jacaylkaaga oo ogaada in wax kasta aad raalligelintiisa u hurayso, iyo in wax kasta isaga aad ku horreysiinaysaa waxa ay ka awood badan tahay ereyga waan ku jecelahay oo aad ku tidhaahdo. Waxa ay muujisaa xurmayn iyo wanaag aad u hayso, sidaas ageed waxa uu qalbigiisu ku xasilaa jacaylka uu kuu qabo.