Hab-Qorista Qumman ee Af Soomaaliga casharka 1aad (WQ: Cabdifataax Xasan Maxamed “Barawaani”)

Hordhac

Qoritaanka Af Soomaaligu waa uu ka duwan yahay dhihitaanka afka, ama waxa aynnu odhan karnaa hadalka caadiga ah iyo dhigaalku waa ay kala geddisan yihiin. Waana muhiim in bulshadu iska toosiso afka Soomaaliga dhigaalkiisa saxda ah. Maadaama aanay jirin hadda dawlad u taagan ilaalinta afka Soomaaliga, bulshadiina aanay dawlad arrinkaas u heellan sugi karin, oo afka hadalkiisa iyo dhigaalkiisuba ay nolol-maalmeed ka mid yihiin, waxa lama huraan noqotay in qof walba inta karaankiisa ah uu bulshada u soo gudbiyo wixii uu ku dhaamo ee mawdduucaas ku saabsan.

Qormadan aan ugu magac daray Hab-Qorista Qumman ee Af Soomaaligu, ma noqon doonto tii ugu dambeysay ee aynnu kaga hadalno mawdduucan hab-qoraalka toolmoon ee afka Soomaaliga. Balse waxa ay noqon doontaa kuwii ugu horreeyey, idamka Eebbena waxaan rejayn doonaa in aan sii wado. Muhiimadda ay lee dahay in la iska toosiyo afka dhigaalkiisu waa mid aad u weyn, sida kolka aynnu hadlayno isaga qurxinno oo khaladka uga dhawrno afka, ayaa qoraalkuna u baahan yahay in laga dhawro khaladka oo la ilaaliyo xeerarkiisa iyo habka qumman ee loo qoro.

Dhibaatooyin badan oo dhinaca qoraalka afka ah ayaana ka dhex jira bulshada Soomaalida, taas oo aynnu odhan karno waxa keentay in uusan jirin nidaam waxbarasho oo xoogga saaraya afka Soomaaliga, iyo dadaal uusan xataa qofkii aan nidaamkaas helin uu ka gaabsaday ama uu dhayalsaday. Arrintaasna waxa ka dhashay in la isku dhex qaso Af Ingiriisi iyo Af Soomaali ama Af CArabi, oo magacyada loo qoro iyaga oo soomaali iyo ingiriisi labadaba isugu jira.

Waxa kale oo dhibaatooyinkaas ka mid ah iyada oo la yaryareynayo xarfaha koowaad ee qoraalku ku bilawdo, iyada oo aan la dhuganayn shaqal iyo shibbane, hadduu yahay shaqal gaab iyo shaqal dheere, ama shibbane labalaabma iyo xaaladihiisa, iyada oo aan la tix gelinayn astaamaynta qoraalka ee joogsi, hakad, jiitin, wayddiin, yaab iyo qaar kale oo badanba leh. Dabadeed qoritaankii afku waxa uu soo baxay wax jaantaa rogan ah oo isku cayn iyo bayd go’an, kaas oo jid iyo jihana aan lahayn.

Arrimahaas is biirsaday ee hagardaamada ku ah afka qoraalkiisa qumman ee toosan, ayaa igu qaadday in aan qoraalkan aan qoro. Sidoo kalena waayaha iyo xilliyada kala duwan ee aad ku dhex jirto qoraalka afka Soomaaliga, waxa kuu kordhaysa khibrad badan maalin kasta, taasina waa lama huraan oo qoraalkani ma noqon doono mid xidhan. Balse kol kasta oo wax ii kordhaanba dib ayaan u tifaftiri doonaa, ogaalka iyo wax isku biirinta aan dad iyo meel kale ka helana aan ku dari doono oo aan hagran doonin. Haddaba si qoraalku u noqdo wax toosan oo habaysan, qofkana ka daadegaya oo la iidaamay, sidoo kalena uusan qofku ugu margan oo uu si wacan u akhriyi karo, si farriinta aad sheegayso loo wada fahmo, ayaa aynnu qoraalkan kaga hadli doonnaa. Qormadan oo ka kooban shan cashar oo kala ah:

  1. Shaqallada iyo Shibbanayaasha
  2. Weyneynta Xarfaha
  3. Astaamaynta Qoraalka

Casharka Koowaad: Shaqallada iyo Shibbanayaasha

Sida guud ee aynnu ka war qabno Af Soomaaligu waxa uu ka kooban yahay lix iyo labaatan xaraf, kuwaas oo loo kala saaro laba qaybood oo kal ah: shan shaqal iyo kow iyo labaatan shibbane. Shaqalladu waa ka dhawaaq taagan ama ka dhawaaq dheer yihiin shibbanayaasha, waana sababta shaqal loo yidhi. Halka shibbanayaasha loogu tilmaamay kuwo aamusan, maadaama ay aamusan yihiin oo aanay dheerayn dhawaaq ahaan. Shaqallada shanta ahi waxay ay kala yihiin: Aa, Ee, Ii, Oo, Uu. Shibbanayaashuna waxa ay kala yihiin: Bb, Tt, Jj, Xx, KHkh, Dd, Rr, Ss, SHsh, DHdh, Cc, Gg, Ff, Qq, Kk, Ll, Mm, Nn, Ww, Hh, Yy. Waa iyagii oo waaweyn iyo iyaga oo yaryar oo aan isku xigxigsiiyay.

Shaqallada ayaa waxa ay u kala baxaan laba qaybood oo la kala dhaho shaqal gaab iyo shaqal dheer. Shaqalka gaabani waa midka aynnu kor ku soo sheegnay ee kala ah: A, E, I, O, U. Halka shaqalka dheer uu yahay AA, EE, II, OO, UU.  Shaqalladu iskood macne buuxa ma samayn karaan, balse marka la raaciyo shibbane ayaa ay noqon karaan wax la fahmayo. Sidaas oo kale ayaa shibbanayaashuna aanay keligood meel u istaagi karin, una baahan yihiin shaqal raaca oo macne dhammaystiran u yeela. Tusaale ahaan:

  1. Xasan, waxa uu ka kooban yahay saddex shibbane iyo laba shaqal gaab. Haddii mid ka mid ah laga saaro wax kale ayaa uu noqonayaa, oo magacii aynnu naqaannay ma noqonayo.
  2. Faarax isaguna waxa uu ka kooban yahay saddex shibbane iyo laba shaqal oo mid ka mid ahi uu yahay shaqal dheere.
  3. Baabuur waxa uu ka kooban yahay saddex shibbane iyo laba shaqal dheere.
  4. Saleebaan waxa uu ka kooban yahay afar shibbane iyo saddex shaqal, oo laba ka mid ahi ay yihiin shaqal dheere.

Shibbanayaasha Labalaabma

Kolkii la hirgelinayay farta Soomaaliga waxa la ogaaday in shibbanayaasha qaarkood ay xaaladaha qaar carrab ku-dheg ama dibno ku-dheg leeyihiin, si ay u sameeyaan eray cusub ama weedh cusub. Arrintaasna waxa ka dhashay in la isla qaato shibbanayaasha labalaabma. Kuwaas oo tiradoodu ay tahay toddobo xaraf oo kala ah: B, D, R, G, L, M, N. Toddobadan xaraf mar walba ma labalaabmaan ee waa xaaladaha qaar oo ay eray ama macne cusub sameynayaan. Tusaale ahaan: Dhammaan (kulligood ama geddigood) iyo Dhamaan (caanaha cabbaan), Carab (qof Carab ah) iyo Carrab (carrabka afka), Salaan (salaanta la isku bariidiyo) iyo Sallaan (sallaanka la koro ee hawlaha lagu qabsado),

Xabad (laabta ama shafka) iyo Xabbad (xabbadda la isku rido), Abaar (macluul iyo dhibaato), Abbaar (waajihid ama food-saarid), Bide (nin dheereeya), Bidde (Nin madow), Baari (wax muddo yaallay) Baarri (qof dabacsan oo waalidka u dhego nugul), Cadey (geedka lagu cadeydo), Caddey (haweenay midabkeedu cad yahay), Curi (samee ama allif) Curri (bisadka lab), Dhilo (xoqo oo diirka ama qolofta sare ka qaad) Dhillo (naag tumatay), Galey (meel gelid) Galley (dalagga la beerto qayb ka mid ah), Qaado (wax meel ka qaadid), Qaaddo (malqacad ama fandhaal bir ka samaysan), Waran (jaad ka mid ah hubkii hore), Warran (wacaal isa siin ama xog), Saxaro (xaar), Saxarro (qashin yaryar).

 

Toddobadan xaraf sida looga soocayo xaaladaha ay carrab ama dibno ku-dhegga lee yihiin, waa laba siyaalood. Midda koowaadi waxa ay tahay: labada xaraf ee ‘M’ iyo ‘B’ kolka ay labalaabmayaan waxa ay ku dhegaan dibnaha ama bishimaha afka. Tusaale ahaan: Shibbane, Dhammaan, Cammuud , Jabbuuti, Itoobbiya, Lammaane, Xabbad, , Aabbe, Ubbo, Dabbaabbad, Dabbaal iwm. Halka shanta xaraf ee soo hadhay ee ‘D, R, G, L, N’ ay iyaguna kolka ay labalaabmayaan ku dhegaan dhenxaragga ama waxa afka Baayooliga loo yaqaan “Hard Plate”. Tusaale ahaan: Higgaad, Casharro, Dhigaallo, Marreexaan, Geelle, Carrab, Gardarro, Qorrax, , Sannad, Waddan, Eeddo, Carro iwm.

Midda labaad ee lagu kala soocayo waxa ay tahay: waa in eray kasta oo labalaabmaya uu ka horreeyo shaqal kana dambeeyo shaqal. Tusaale ahaan: Dhammaan, haddaad eegto (mm) waxa ka horreeya shaqal gaab, waxaana ka dambeeya shaqal dheere. Higgaad haddaad fiiriso (gg) waxa ka horreeya shaqal gaab, waxaana ka dambeeya shaqal dheere. Qorrax haddaad eegto (rr) waxa ka horreeya shaqal, waxaana ka dambeeya shaqal. Tusaalayaasha kalena waa wada sidaas oo kale.

Intaas waxa soo raaca xarafka (Y) oo isagu jirjirroole ah, kaas oo isaga oo shibbane lagu tiriyo marmar u dhaqma sidii shaqalka oo kale. Sidaad darteedna qaata sifadii shaqalka, oo kolka ay timaaddo xaalad labalaab ahi oo carrabka ay ku dhegayso la labalaabo. Tusaale ahaan: Wayddiin iyo Sheyddaan, haddaad ku dhawaaqdo waa laba weedhood oo carrab ku-dheg leh, sidaas darteed waa in la labalaabaa iyada oo laga tallaabsanayo xeerkii hore ee ahaa labalaabidda waxa u shardiya in shaqal ka horreeyo, shaqalna ka dambeeyo. Balse (Y) kasta ma ahee, iyaduna waa xaalado gooni ah oo u baahan in carrabka lagu kala sooco.

Waxa baraarujin mudan oo in la tilmaamo ay tahay kolka laga tago carrab iyo dibno ku-dhegga xarfaha labalaabma, goorma ayaa ay xarfuhu lablaabmaan? Xarafku in uu labalaabmo waxa ay timaaddaa saddex mar kuwaas oo kala ah: in uu eraygu wadar isu beddelo, tusaale ahaan: dhigaal waa keli, balse marka uu wadarta noqdo waxa uu isu beddelayaa dhigaallo. Sidaas ayuuna xarafkii u dambeeyey ee (L) u labalaabmayaa. Waxa la mid ah erayada kale ee Qoraal-Qoraallo, Wakiil-Wakiillo, Cashar-Casharro, Shaqal-Shaqallo, Buug-Buuggaag, Wadaad-Wadaaddo iwm.

Kolka labaad ee uu labalaabmaa waa marka uu magac caadi ah ku yimaaddo sida: Abbokor, Geelle, Carraale, Carre, Cabdalle, Suubban, Iiddoor, Carrabbala, Marreexaan, Sugulle, Samaalle iwm. Kolka saddexaadna waa marka uu dabada ka raaco qodob. Qodobku waa erayo tusiya sifo ahaanshiyo taas oo la isla garanayo sida: Buugga, Dawladda, Wasaaradda iwm. Eraygu markii hore waxa uu ahaa Buug balse kolkii qodobka(ga) uu dabada ka raacay waa uu labalaabmay, oo waxa uu noqday buugga oo ah mid la isla garanayo.

Qodobadu waa qayb naxwaha afka Soomaaliga ka mid ah oo lagu barto, xidhiidh ayayna la leedahay mawdduucan. Qodobadu waa toddoba kuwaas oo kala ah: ha, ga, sha, ta, ka, da iyo a. Haddii uu xarafku keliya ku dhammaado xarfaha “D” ama “G” ayaa ay qodobadu labalaabaan, sidatan oo kale: Wasaarad-Wasaraadda, Buug-Buugga, Muraayad-Muraayadda, Saacad-Saacadda, Ruug-Ruugga, Warqad-Warqadda, Shirkad-Shirkadda, Dood-Doodda, Saliid-Saliidda iwm.

Qalinkii: Cabdifataax Xasan Maxamed “Barawaani”

Web. www.abdifatahbarawani.wordpress.com

Email: abdifatahbarawani@hotmail.com

7-dii, Oktoobar. 2019