Hababka looga hor-tago xanuunka macaanka. (WQ: Cabdi Cawiye)

Tirsiga taariikhdu marka ay ku beegantahay 14 bisha November ayaa ah maalinta loo aqoonsaday in ay noqoto maalinta macaanlayda aduunka maadama uu dhashay ninkii u horeeyey ee soo saaray irbada ama dawada lagu dabiibo kaadi macaanka oo magaciisa la odhan jiray Frederick Banting oo ay ka wada shaqeeyeen ninka isna la odhan jiray Charles Best, waxaanay soo saareen dawada sanadkii 1922-kii
haddaba waxa jira waxyaabo lagaga hortago macaanka inta aanu ku haleelinba inkastoo oo aanu isagu dawo rasmiya lahayn inaad marka hore is ilaaliso mooyaane.
1. Quraacda haka tegin
Waxa lagugula talinayaa inaad ku dedaasho QURAACDA oo ah cunto muhiim u ah habsami socodka sonkorta jidhkaaga! iyo sidoo kale in aad jimicsiga noocyadiisa kala duwan waxkamida ku dedaasho.
2. Diiri jidhkaaga subaxdii
Ugu yaraan markaad soo toosto subaxii yara diiri jidhkaaga macnaha yara jimicso si uu u kululaado jidhkaagu. adigoo jiifa furaashkaaga ayaad lugaha kor usoo qaadi kartaa adigoo sidaa wadaaya muddo ilaa 10 daqiiqo ah ama daraarada ama deyrka gurigaaga carar ilaa 5 daqiiqo subaxwalba adigo guclaynaaya ama talaabo degdega qaadaya tani waxay kaa caawinaysaa inaad gubto sonkorta jidhkaaga ku jirta taasoo hadii aan la isticmaalin sababta xanuuno uu kow ka yahay xanuunka MACAANKU.
3. Isticmaal biyaha liin dhanaanta
Waxaa liin dhanaanta ku jirta maado loo yaqaano bioflvonoid waana maadada midabka huruuda ah u samaysay liinta dhanaanta.
Bioflovonoid waxay kor u qaadaa maadada la yidhaahdo INSULIN oo ah maadada hoos u dhigta sonkorta soo gasha jidhka taasoo hadii la ay daciifto aynu nidhaa qofkaa macaanbuu leeyahay. sidaa daraadeed qof macaanka leh waxa haboon inuu hal xabo ama jeex liina ku tuujiyo biyo diiran subaxdii inta uuna wax kale afka galina uu cabo. Qofka aan lahayna waxay u noqonaysaa ka hortag buuxa oo macaanka aha.
4. Biyo badan cab.
Cabitaanka biyo badan maalintii waxay milayaan sonkorta ka timaada cuntooyinka sonkortu Ku badan tahay kelyahana waxay uga shaqaysiinayaan si aad u saraysa.
Waxa la ogaaday oo cilmi baadhis lagu sameeyey cabitaanka biyaha iyo cudurka macaanka xidhiidhka ka dhaxeeya, waxaan la ogaaday in dadka caba maalintii wax ka badan 2 littir oo biyo ah ay 90% aanu haleelin cudurka macaanku markaa khubaradu waxay Ku boorinayaan dadka in la cabo biyo badan waxay ka mid tahay hababka ugu fudud ee looga hortago cudurka macaanka.
5. Xakawada iyo macmacaanka.
Waxaa aad looga dayrinayaa shayga loo yaqaano xalwada oo noqotay shayga ugu halista badan ee bani aadamku xanuun ka qaado sababtoo qofkuu wuxuu cunayaa xadi aanu jidhkiisii ama amateedkiisu ka cuni kareen hadii sonkor iyo saliid ahaan loogu diyaariyo oo la yidhaa cun.
Qofku wuxuu cunayaa 0.5kg ama 0.25kg oo xalwad ah oo la macno ah 0.35kg sonkor ah qof cunaaya waana waxyaabaha ay dadka reer yurub ugu sheegaan ama ugu magac bixiyeen (POISON FOOD) oo macnaheedu yahay cuntadii sunta ahayd lkn dadkeenuu waxa ay u haystaan inay yahay wax heersare ah oo u fiican nafta waxaana la ogaaday qofka maalmo isku xiga Cuba isagoo aan wax awood kicina uga baahnayn inay xaqiiqtay inuu haleelayo cudurka Macaanka iyo Cudurka beersubagu
Fadlan ka dheerow cunada xalwada gabi ahaanba iyo waxyaabaha la midka ah.
Lasoco……

Qalinkii Cabdi Cawiye
Phone +25263411587