HABDHIGAALKA SAXDA AH EE MAGACA “AF SOOMAALI”

Waxaan aragnaa in 12 qaab ee kala duwan loo qoro marka lays raacsiinayo labadan erey: ‘af’ iyo ‘Soomaali’.

  1. AfSoomaali,         5. Af-Soomaali              9. Af Soomaali

  2. afSoomaali,         6. af-Soomaali             10. af Soomaali

  3. Afsoomaali;         7. Af-soomaali            11. Af soomaali

  4. afsoomaali          8. af-soomaali               12. af soomaali

Maxaa keenay jahawareekan?

Ereyga lammaanan, waxaa u xeer ah in qodobka ama dibkabe kasta lagu lifaaqi karo oo keliya dhammaadka ereyga ugu dambeeya, sida: afguriga, afgurigayga, afgurigan iwm. Sidaas ayuuna hal erey ku noqonayaa. Ereyada af iyo Soomaali markii lays raacsiiyo iyaguna sida ereyga lammaanan ayay u dhaqmaan: AfSoomaaliga, AfSoomaaligayga, AfSoomaaligan.

Laakiin xeerka astaamaynta (punctuation) ayaan oggolayn  in sidaas loo qoro. Sida keliya ee laysu waafajin karo labadan xeer waxay tahay in loo qoro sidatan: af Soomaali, waxaana u sabab ah afartan arrimood ee hoos ku xusan.

1) Xagga xeerka astaamaynta, magac gaar (sida: Soomaali) waa in mar kasta lagu billaabaa xaraf weyn, magac guudse laguma billaabi karo xaraf weyn (sida *AfSoomaali), markii laga reebo xaalado gaar ah, sida: qoraal billawgiisa, joogsi kaddib iyo cinwaan qoraal.

2) Magac guud laguma lammaanin karo magac gaar haddii magaca guud uu horreeyo, maxaayeelay kuma qumana  in erey gudihiisa laga helo xaraf yar iyo xaraf weyn oo isku dheggan (sida: *afSoomaali), oo waa in la kala qaybiyaa labadaa xaraf: af Soomaali. Arrintanna waxaa la xeer ah ereyada soo socda:

far Soomaali,  xeer Soomaali, af Carabi, far  Ingiriisi, af Oromo…,

Sida lammaanayaasha ayaana cayimayaasha gadaal loogu lifaaqaa,

xeer Soomaaligeenna/xeer Soomaaliga, af Soomaaliga, far Carbeedda

Haddii laysku dhejiyo labada erey: af & Soomaali (*afSoomaali), kuwan kalena waa in laysku dhejiyaa:

*farSoomaali, afCarabi, xeerSoomaali, farIngiriisi, afOromo..

  • Bal eega sida ay u qaabdaran yihiin.

3) Waxaa laysku lifaaqi karaa laba magac guud ama magac iyo fal iwm, sida: afguri, xeerjajab,  gaarigacan, farbarasho, afhayeen, duurjoogto,  horseed.

4) Looma baahna in loo dhexeysiiyo xarriijin (*af-Soomaali), maxaayeelay kama mid ah 5tii xaaladood ee aan aan kor ku soo aragnay.

Gabaggabadii, waxaa habboon in labadaa magac loo qoro sidatan:

af Soomaali, oo waafaqsan xeerka astaamaynta iyo naxwahaba. Iskana deynaa 11kaa qaab ee kale.

Qalinkii: Prof Cabdalla C. Mansuur

bandhige@gmail.com