Habka Waxsheegga (WQ: Xasan Cabdi Madar)

Marka dood laga gelayo arrimo xasaasi ah, waxa muhiim ah in laga doodo heerka ugu sarreeya ee qofka doodda kaaga soo horjeeda wax lagu dhacsiin karo. Ma aha in laga cadhoodo weydiimaha adadag ee qofka kale si kastaba qallafsanaan ha ugu muuqdaane..

Nin ka mid ah raacii ku xigey asxaabtii nabiga (NNK) ayaa nin wadaad ahi aad ugu kululeeyey wacdiga iyo waanada. Xaaldaha jaadkaas ah dadku wax ma dhegaystaan, waanadana way ka yaacaan. Ninkii waxa uu wadaadkii ku yidhi, “ Wadaadow nin adiga kaa cilmi badan baa loo diray, mid aniga iga aqoon yar, kolkaasaa la yidhi: kula hadal, hadal debecsan” waxa uu soo xiganayey hadalkii Ilaahay, kor ahaaye, markii nabi Muuse iyo walaalkii loo diray fircoon oo la garanayo halka arrinkiisu taagnaa.

Haddii qof kaala doodo masalooyin adadag sida jiritaanka Ilaahay iyo aakhiro, sidee baad wax u dhacsiin kartaa? Xaaladaha sidaas oo kale ah waxa lagaa rabaa inaad dulqaadkooda yeelato oo la timaaddo tusaaleyaal nool oo qof kale dhacsiin kara runta iyo sida wax yihiin. Duco ayaa ahayd “ Ilaahow culayskayga ‘culasyka shayga aan qaadayo’ ha fududeyne dhabarkayga xoogee si aan u qaadi karo”. Bal hadda eeg sheekadan dhex maraysa laba carruur ah, ilme, iyaga oo uurkii hooyadood ku jira iyo sida ay isku weydiinayaan, iskuna dhacsiinayaan in nololi jirto dhalashada kadib.

Laba ilmood oo uurka hooyadood ku jira ayaa midi kii kale weydiiyey: ma rumaysantahay in nololi jirto dhalashada kadib?

Kii kalaa yidhi: Haa, way jirtaa, kollay wax uun baa jira dhalashada kadib. Waxan halkan uurka ugu jirnaa inaan taa u sii diyaar garowno.

Kii hore: Maya maya, nololi ma jirto dhalashada kadib, nolol sidee ah baa jiri karta?
Kii labaad: Ma ogi, se waxa jira baan isleeyahay iftiin ka badan ka halkan ka jira. Lagayaabaa marka aan dhalanno inaan lugaheenna ku soconno, oo gacmaheenna iyo afkeenna wax ku cunno. Laga yaabaa inaan yeelanno dareemayaal kale oo aynaan hadda garan karin.

Kii hore: Taasi waa garasho darro. Socod suurogal maaha. Inaan iskeen wax u cunno aa?waa wax lagu qoslo. Xuddunta xadhiggeeda ayaa hadda aan ka helnaa nafaqo iyo cunto, markaa xudduntu way gaaban tahay oo halkaa innala gaadhi mayso, suurogal ma aha nolol dhalashada kadib jirtaa.

Kii labaad: Hagaag, waxay ila tahay in halkaa uu jiro wax uun ka duwan waxa halkan ka jiraa. Laga yaabaa inaynaan u baahan xudduntan ee si kale u noolaan karno.
Kii hore: Maya, maya, weliba haddii nololi ka jirto halkaa, maxaa qof uun halkaa uga soo noqon waayey ee halkan caloosha hooyada ugu soo noqon waayey? Dhalashadu waa dhammaadkii nolosha, dhalashada kadibna waxba ma jiraan aan ahayn mugdi, aamusnaan iyo madhnaan. Nololi ma jirto dhalashada kadib, Meel la tegayaa ma jirto.
Kii labaad: Garan maayo, waxase hubaal ah inaan la kulmi doonno hooyadeen oo inna xannaanayn doonta, inna korin doonta…

Kii hore: Hooyo aa? Ma waxad rumaysantahay in ay hooyo jirto? Taasi waa wax lagu qoslo. Hadday hooyo jirto, aaway haddeer, xaggay joogtaa?

Kii labaad: Way innagu hareeraysantahay, dhan walba way innaga jirtaa. Iyada ayeynu ka samaysannahay. Iyada ayeynu ku dhex noolnahay. La’aanteed dunidan aynu ku dhex noolnahay ma ay jirteen, maba ay jiri karteen.

Kii hore: Anigu ma arko iyada, markaa waa suurogal in aanay jirin, waxay ila tahay in aanay jirin.

Kii labaad: Mararka qaar, markaad aamusantahay, jabaq la’aan tahay, waan dareemi kartaa jiritaankeeda, codkeeda kalgacalka leh si’ baad u maqli kartaa.(Dr wayne: Your Sacred Self).

Haltebin: Xasan C. Madar