Hadalka C/Raxmaan dheere iyo Aftahamada (WQ: Cabdikariim Xikmaawi)

“Gar waa loo wada islaam”. Horta sidiisaba afku waxa uu leeyahay Naxwe iyo Aftahamo, waxa kale oo uu leeyahay xeerar aad u badan oo labadaa ka sii farcama iyo kuwo ka sii badanba oo ka sii madaxbannaan. Haddaba, haddii isha Aftahamada aynnu ku eegno hadalkii shalay ee Sh. Cabdiraxmaan Dheere, kaas oo ay igu kalliftay markan arkay dadka rabay in hadalka xumaan la’aantiisa soo saaraan, laakiin se ay iskaga qasantahay qaybihii Aftahamada ee tixda iyo tiraabtaba lahayd, ayaan damcay in aan inyar idiinka binniixiyo wixii Eebbe iga garansiiyo halkaa.

“…. Gabadhu waa aalah/ad; waa qiime. Waa muraayad iyo tawalleed la isku daawado, oo gurigeeda iyo ninkeeda in ay ilaashato uun la amray ee aan wax kale la amrin…”

Horta hadalka sheekha inta lagu haystaa waa intan. Bal haddaba aynnu yara eegno Aftahamada dhuddeeda Hummaagyaynta, faraceeda Shareeraha iyo Ekeeyaha. Inta aanan se dhex galin ama dhigdhigin hadalka uu Sheekhu yidhi, aan inyar oo kooban tusaalayaal iyo qeexitaanno idinka siiyo labadan laamood ee Shareeraha iyo Ekeeyaha waxay kala yihiin.

Waa maxay Ekeeye?

Ekeeye waa isku ekaysiinta laba Hummaag, kaas oo si qofka fahamkiisa loo soo dhaweeyo, shay uu yaqaannay mid kale oo aanu aqoon loogu ekaysiiyo; masalan:

“Gaaroodoo roob leh geedihii ka baxiyo
Guudkeeda ma la moodday gammaan faras”

Labadan meeris waa Ekeeye. Maxay isku ekaysiiyeen? Waxay isku ekaysiiyeen guudka/timaha inanta iyo tinta gammaha ah ee fardaha. Tinta faraska qadaadka ama guudka luqunta kaga taalla ee “Gammaha” la yidhaa iyo tinta inanta ayaa la isku ekaysiiyay. Inantii oo dhan maaha, fariskii oo dhanna maaha. Haddaba ma rabo Ekeeyaha imminka e, aan u imaaddo Shareeraha.

Waa maxay Shareero?

Shareere waa heerka ugu sarreeya ee wax la iskugu ekaysiiyo, kaas oo labada shay la iskaga dhigaayo mid keliyaata, si laguu tusiyo masalan haddii shay qurux lahaa, ka loo ekaysiinaayana in aan meelnaba looga duwin.

Tusaale

Axmed waa libaax (X. Geesinimo)
| | | |
La shareer, Shareere, Lagu shareer (Dadkaa
U eke, Qalab, Loo Eke, (fahmaaya)

Haddaba, Axmed imminka Libaaxa lagu shareeray kuma ceebaysna–ee wuu ku ammaananyahay. Sababta oo ah, geesinnimada qawska ku jirta ee la rabo cidda wax loo sheegayaa in ay la soo baxdo, ayuu Axmed na ku sifaysmayaa; aad ma ii fahamtay?

Tusaale; Tix.

“Waxad tahay masciideed”

Waxad Tahay masciideed, (X.Dhalaalka)
| | | |
La shareer, Shareere, Lagu shareer, (Dadkaa
U eke, Qalab, Loo Eke, (Fahmaaya)

“Waxad tahay” (Waxaad adigu tahay) weeyaan eraygu haddii la tiraabeeyo.

Kolka ay sidaa tahay, imminka meeriskan gabadh ayaa lagu ammaanaayay, haddii se la yidhaahdo ka warran, “Gabadha mas ayaa laga dhigay?” Waa wax aan caqli cilmiga Aftahamada ku hadlayaa marnaba odhan karin se. Inanta iyo maska imminka xidhiidhka ka dhexeeyaa maaha kii ahaa khatarta, sunta, xamaaratada iyo aadmi iyo xayawaan in la maseeyay, se xidhiidhka ka dhaxeeyaa waa dhalaalka quruxda ee masku leeyahay, waliba masciideedku, in inantuna sidaas oo kale ay u dhalaasho iyaduna. Se si laguugu adkeeyo in inantu ay midabkaas leedahay, erayga “Tahay” oo ka mid ah qalabka Shareeraha ayaa loo adeegsaday oo waa lagu nabay.

Haddaba aynnu u nimaadno hadalka sheekh Cabdiraxmaan Dheere. Bal soo qabo sida uu u adeegsaday erayada. “Gabadhu waa aalah, waa qiime. Waa muraayad iyo tawalleed la isku daawado…” Inta wax laga raadinaayaba saw intan maaha; aynnu kala dhigdhigno.

Gabadhu waa aalad (Xagga qiimaha)
| | | |
La shareer, Shareere, Lagu shareer, (Dadkaa
U eke, Qalab, Loo Eke (Fahmaaya)

“Gabadhu” waa muraayad (qiimaha m)
| | | |
La shareer, Shareere, Lagu shareer, (dadkaa
U eke, Qalab, Loo Eke. (fahmaya).

Haddaba, aalad haddii gabadha lagu shareeray, saw qiimaha aaladda oo “Shay” ah wanaagsan laguma sheegin? Haddii gabadha muraayad lagu shareeray, saw sida muraayadda la iskugu daawado, in gabadhana la iskugu daawado–oo xumaantaada iyo wanaaggaaga kuuguma kala sheegto? Saw marka aad muraayadda hor istaagtid foolkaaga quruxda san sida ishu ugu qabawsato, si ka daran ishaadu uguma qaboobayso eegmada marwadaada, hooyadaa, inantaada iyo walaashaada quruxda badan uguma istareexdo? Maxaa qaldan kolkaa? Muraayadda haddii quruxda iyo dhalaalka gabadha loo qaatana waa caadi oo waa sax.

Sheekhu waxa uu adeegsaday hadal Aftahamadiisu tahay “Shareere” ninkii intaa wax ka duwan hayawna bala soo qodobbee hadalkaaga, soona dhigdhig aftahama iyo xukunka naxweed ee aad saartay?

W/Q: Cabdikariim Xikmaawi