Haddaan dubaaxiyay markan dib daymooday (WQ: Cabdiraxmaan A. Suleymaan)

Seef-la-bood, sal-fudayd, sabbayn iyo salal uma baahna noloshu. Digdig, dul-ka-xaadis, dus-dus iyo didsanaan kaso heli maysid qaamuuska erey bixinteeda. Waa fikir iyo fiirin. Waa xasuus iyo xeelad. Waxa meel walba yaalla rakaato iyo dabino iskor saran. Aragtiyo is-lisaya iyo weedho daabaysan way ku caan baxday. Imisaa lagu micneeyey dantiisa
ka adke, dayday iyo diiq?, imisaa se lagu fasiray
damiin aan damiir lahayn, guurti iyo indheer garad?.
Midho daray ah hadad duudduub ku liqi jirtay, imika iska eeg inu dirxi ku hoosjiro.
Noloshu waa isku gaynta fikir, hab iyo ficil. Waxa haga garaadka. Aqoonta oo lagu casuumay khibraduna waxay tibin-taabisaa garashada iyo garaadka. Kusii daba karoo;
qof qof kale la garaad ahi majiro. Xitaa labada habari wada diihatay garaadkoodu kala duwan. Ninba garashadiisu waa meel.
Waxaan ku noolahay wadan fara-fiiq iyo falaqayn ku if-baxay. Oo loogu daw galay dicaayado iyo kutidhi ku-teen, lama waayo daabaqad iyo qaar kula daba gala oo yoolkoodii dacalmara. Imikana lasi sahaloo, “waji –bug” iyo
“maxaa siya” ayaa daartaad gashaba kugu qaabilaaya, oo warkaad u foofi lahayd fadhi kuugu keenay.
Ficilkaad samaysaa afcaal buu toosiyaa oo dib u istaadhaa. Waxa dan lamoodaa dagan maahsanaanta. Waxana durbaanka dhegta loo daah-furaa dabuurta, dedanaha iyo damiinka. Hadaba maxaa siya?
Markan oo kale waxa la miciinsadaa “maxaa iga gidhiisha?” oo ku shaqaysa. Waxa ciir iyo calaf laga dhigtaa kalinimada “individualism”. Isku maan-doori waxa ku dan ah, hana u digigaxan. Waxa lagu deeddamaa ka faa’idaysiga waqtiga. Kala xulashada arrimaha iyo mawaadiicdana ha u daymo la’aan. Haddi kale waxkastaa “dubuq” ku odhan. Diciifnimo iyo duumo. Waxa kuu danbeeya faruryo qanin iyo talo iskuma kaa sheegto. Maxaan isku daaliyay?. Sidan maan moodayn?. Yaa waqtiga isoo celiya?.